Cabdiraxmaan Cadami Oo Lafo-gur Ku Sameeyay Faa’iidada Iyo Khasaaraha Shidaalka Afrika

0
4559

Picture4Hargeysa(Geeska)-Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami), oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland, ayaa falanqayn mug leh ku sameeyay shidaalka laga helo qaaradda Afrika iyo weliba dhibaatooyinka uu sababo, halkii laga sugayay faa’iido.

Mr. Cabdiraxmaan Cadami, oo waraysi gaar ah siiyay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in shidaalka Afrika lagu naanayso Habaar, iyadoo laga eegayo khasaaraha uu keenay halkii faa’iido laga sugayay. Tusaale ahaan wuxuu sheegay in wadanka Nayjeriya yahay dalka 7aad ee dunida ugu shidaalka badan, halka uu kaalinta 20aad kaga jiro wadanka dunida ugu fiqiirsan.

Ugu horayntii Cabdiraxmaan warbaxin kooban naga sii arimaha shidaalka iyo waliba khaasatan sida dunida shidaalka badan isticmaasha ay Afrika sahamin iyo shidaal qodisba ay ugu soo jeedo?

Dawaladaha aad horumaray waxay ku tiirsan yahiin shidaalka, shidaalkaasna waxa inta badan laga soo saaraa bariga dhaxe, waxii ka horeeyay shan iyo labaatan sano meelahaas. Dawladahaas shidaalka inta badan qaata ee wadamada horumaray ay u badan yahiin sida wadamada Yurub,Maraykanka,Jaban, xaalado ka dhacay bariga dhexe oo ay ka mid ahaayeen dagaalkii 1967 oo dhex maray Carabta iyo Yuhuuda,dagaalkii 1973 oo dhaxe maray isagauna dawladaha carabta iyo Yuhuuda,dagaalkii dhex maray Ciraaq iyo Iraan, dagaalkii Kuwayt lagaga xoraynaayay Sadaam Xuseen iyo marar badan oo dawladaha carabtu ay ku dagaalameen batroolka iyaga oo u arkaayay dawladaha reer galbeedku inay gacan siiyeen Yuhuuda, taasi waxay keentay in dawladahii shidaalka ka qaadan jiray bariga dhexe in aanay isku  halayn karin shidaalkaas oo ay wax waliba dhaci karaan, sababi waa taas oo waxay ka mid tahay sababaha Afrika shidaal loogu yimi, sababta labaad waxay tahay kontan sano ilaa lixdan sano ka hor Tignolajigu umay saamaxayn Afrika iyo meelo kale in laga qodi karo shidaal ganacsi gali kara laakiin Tecnolagey-ga casriga ah ee maanta waxa uu saamaxayaa shidaalku meel kasta oo uu ku jiro haday adagtahay iyo haday fogtahayba in si sahlan loo sahamin karo loona qodi karo, labadaas sababood waxa ay keeneen sodankii sano ee u danbeeyay dawladaha shidaalka inta badan isticmaalaa inay Afrika olole ku soo qaadaan oo ay sahamin ka sameeyaan Wadano waa laga helay oo waxa ka mid ah Nigeria,Algeria,Angola ,Equatorial Guirnce,Gabon,Congo,Cameroon,Sauth Sudan.Wadamo badan oo Afrikaan ah oo u badan inta saxaraha ka hoosaysana sahamin ayaa laga wadaa.

Shirkadaha inta badan qoda shidaalka waxa la tibaaxaa inay dhac weyn u gaystaan dalalka Afrikaanka ah bal arimahaas iyaga dhankooda ka waran?

Heshiisyada wadamadaas Afrikaanka ah lala galo inta badan gees buu ka raran yahay oo cadaalad kuma dhisna, waxaana wada gala badanaa shirkado gaboobay oo boqolaal sano hawshan ku shaqaynaayay oo waayo aragnimadooda leh oo aad u yaqaana siday ugu bursadaan heshiisyada iyo  xukuumado kali talis ah aqoontii iyo u diyaarsanaantii heshiisyadan lagu gali lahaa aan lahayn, markaas heshiisyadaasu maaha kuwo isku dheeli tiran oo cadaalad ku dhisan waxa bursada shirkadaha. Waxay se la dawakhaan madaxda Afrikaanku intay ka helaan waayo dalka iyo dadka shacabka ah uma gudbiyaan, markaas laba siyood ayuu dadka shacabka ah u khasaaraa wadamada laga helay shidaalka,Kow shirkadahiibaa dhaca, laba madaxdoodii  uma daadajiyaan oo shacbigii waxba kama gaadhaan. 

Warbaxin baanka adduunku soo saaray waxa uu ku sheegay wadamada shidaalka laga helay dadka shacabka ah ee ku nool inay ka faqrisan yahiin markii hore ee aanay shidaalka helin inta ay shidaalka haysteen waliba aad uga faqiirsan yahiin, sababta oo ah lacagta balaayiinta ah ee shidaalka laga helaa ma gaadho, waxii ay ku noolaan jireen shidaalka ka hor ee Xoolaha,Beeraha,Kaluumaysiga wabiyada  lahaa ma helaan waayo deegaankaas ayaa la baabi’iyaa oo waxa baabiinaysa shaqadan shidaalka, sidaas darteed  ayay toban jeer shacbi weynaha ku nool dhulka shidaalka laga helay ee Afrika ay ka fiqiirsan yahiin markii aanay shidaalba haysan.

Waxa kale oo raaca lacagtan badan ee shidaalku waxay abuuraysaa wax gadasho dadkan lacagta helay ee nuugaya alaabtii way ku qaaliyaynayaan dadkii hoose ee shacabka ahaa, hadday noqoto miyaanay shaqo ka helayn ? waa maya, maadaama oo ay sir yahiin heshiisyada madaxdan Afrikaanka ah ay la galayaan shirkadahu, loomana ogalaado dadka muwaadiniinta ah kaamamka waaweyn ee ay samaysteen shirkadaha shidaalku waxaana loogu diidayaa in dadka muwaadiniinta ah ay ogaadaan xogo darteed, waxaana laga keenaana shaqaalaha Hindiya iyo Filibiin iyo meelahaas oo kale.

Nigeria oo lagu qiyaaso dadkeeda shahaadada PHD sidta afar milyan; shirkadaha shidaalka ka qodaa waashmaanada bakhaaradooda waxay ka keenaan Hindiya, taasi waa ta xaga shacabka. Dawlad ahaana waxa dawladahaas ku dhaca wax la yidhaahdo (Rentier Economic ), odhaahdan waxay noqonaysaa aqalka haddii aad kirayso bishii ayuun baad lacagta qaadanaysaa markaas dawladaha Afrikaanka ah khaladaadka ay galaan ee kale waxa weeye maadaama oo ay lacag shidaal helayaan waxay faraha ka qaadeen oo ay iloobeen meelahii kale ee uu dhaqaalahu dalka ka soo gali lahaa, sida Beerahii,Kaluumaysigii iyo dhamaan meelahii kale ee dhaqaalaha wadanku uu ku tiirsanaa intaan shidaalka laga helin markaas meelahii kale oo dhan ayaa la ilaawayaa oo meel layska dhigayaa, markaas nidaamka caynkaas ah ee lacagta uun la gurto layskana ilaawo ilahii dhaqaale ee dalku lahaa ayaa la yidhaadaa Rentier Economic taasina waa ay ku dhacdaa dawladaha Afrikaanka ah.

Markaas farqigaas dawladaha shidaalka helay ee Afrikaanka ah ay ku dhaceen tusaale waxaynu ugu soo qaadan karnaa wadanka Nigeria, warbaxin baanka aduunku dalkaas ka soo saaray waxa uu ku sheegay Nigeria inay tahay dalka todobaad ee ugu shidaalka badan dunida oo dhan hadana dalkani marka laysku qaado shacabkiisa waxa uu yahay dalka labaatanaad ee ugu faqiirsan dunida oo dhan, markaas shidaalkaasu waxba umuu tarin, sidaas darteed naanays ayaa loo baxiyay dalalka shidaalka helay ee Afrika naanaystaas oo la yidhaahdo  Afrika Shidaalku waa habaar ( Curse ), kola hadii ay ka sii dareen markii aanay shidaalkaba haysan.

Somaliland markaynu u soo noqono shidaal wali lama soo saarin waxayn u joognaa sahamintii dawlada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweynheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirka macdanta iyo biyaha waxay heshiis la galeen shirkado badan, shirkadahaas inta badan Somaliland kulamay galin heshiiska ee waxay kula soo galeen dibadaha, heshiisyadaasu waxay ka kooban yahiin lama yaqaano oo Somaliland ma taqaano waayo hawshan ayaa ah mid inagu cusub oo waxaynu ku mashquulnaa shirka London iyo reer Hebal iyo wax noocaas ah markaas sahamintan iyo shidaalka iyo waxaas shacabkeenu war badan kama hayo maadaama oo aanu garanayn oo uu yahay wax ku cusub, xataa golayaasheenu war badana kama hayaan, xataa waxaan qabaa in madaxda wasaarada macdanta iyo biyahu aanay wax badan ka ogayn heshiisyadaas.

Heshiisyadaas marka la galo ee ogalaanshii loo ogalaado shirkadii sida wadamada Afrika ee aynu la midka nahay xaqul qalin wax la yidhaado ( Bonus ) ayaa la bixiyaa, mana aha laaluush qarsoodina maaha waa wax sharci ah oo shirkaduhu bixiyaan, xaqu-qalinkaasuna maaha boqolaal kun ee waa malaayiin , lacagtaas inta badan saddex meelood ayaa loo qaybiyaa qaybta ugu yar wasaarada iyo shaqaalaheeda ayaa lagu dhisaa qalab ahaan iyo xirfad ahaanba, waxna waxay  ku dhacaan qasanda dawaladda oo taasina waa milyanis, sida ay isticmaalaan shirkadaha China-ha oo kale waxay sameeyaan mashaariic hormarineed sida kun KM  oo wado ah oo kale, wali iyaga oo aan waxba qodin ee ay tahay saxeexa ogalaanshaha ee ay heleen oo kaliyaata, wadamo badan waa ay ka sameeyeen, Bonuskan aynu qaadanaynaa waxa ay inoo goyn karaan wadadan aynu dadka la baryayno ee Burco ilaa Ceerigaabo, markaas midhka aan ku baraarujinayaa waxa weeye imika meelo ayaa sahamin laga samaynayaa Somaliland markaas dhulkaas imika la sheegay waa dhul xoolo dhaqato ah haddii ay dhacdo in aynu shidaal helno xoolo kuma dhaqmayaan oo deegaanku waa uu burburayaa, haddii sida dawladaha Afrikaanka ah ay inagu dhacdo oo aynu deegaankiina baaba’o si fiicana loo maamuli waayo dhaqaalahiisa markaas shidaalku haynaga maqanaado, si aanu habaar inuugu noqon hadaynu helno sida wadamada hore u helay ee Afrika.

 

Xukuumadeenu siday ku bilawday dawladahaas kama duwanaan karto waayo kaw heshiisyadii sir bay ka digtay, laba Bonus-kaas iyo kharashkaas laga qaaday lama garanaayo meel la geeyay,

La soco….

 

Waxa jira heshiisyo dhulkan Somaliland in shidaal laga baadho shirkado badan lagu siiyay ilaa wakhtigii dawladii Siyaad Bare, intii Somaliland ay dib dawladeeda ula soo noqotay oo Daahir Rayaale uu heshiisyo badan galay, sidee heshiisyadaas laysugu habayn karaa, iyada oo aan shirkadii balamahan la’la galayna waxba la yeelayn dalkuna uu uga faa’idaysanaayo?

Runtii su’aashaas aadbaan u jeclaa inaad I waydiiso, Somaliland shirkadahii wakhtigii Somaliya ay jirtay  gabolada waqooyiga oo Somaliland ah waxa maalgashi badan ku sameeyay shirkado badan laakiin waxa u muhiimsanaa Shafrool iyo Canoonoo lacag badan ayay galiyeen markii dalku uu buburayna waa ay ka baxeen laakiin heshiiskoodii si sahlan loogama baxi karo Somaliland waa ay ku marmarsoon kartaa heshiiskii waa uu dhaafay mudadii oo dhawr iyo labaatan sanadood ahna idiin xidhnaan mayno oo waa marmarsiiyo macquul ah, laakiin aan hadana caalami ahayn. Laakiin Somaliland kuway gashay iyadu ee ay dhawaan gashay ee dawladii ka horeeyay dawlad amaanta ay galeen ee ay laashay oo ay ugu mahiimsantahay shirkad laga leeyahay Norway oo la yidhaahdo Assente Oil oo maalgashi galisay Somaliland si sahal ah ayaa laysaga laalay iyada oo la leeyahay halkaas Bonus kamaanu helin, laakiin Somaliland may fahmin in maxkamado caalami  ah iyo looyaro caalami ah oo aan laysku dhaci karin inay jiraan Somalilandna maxkamad lagu saari doono taas oo aanay ka baxi karin dhibteeda magdhawga lagu xukumi doono halka madaxda iyo wasiirka laygu yidhi dibada ayuu joogi jiray ay ka seegtay maan garan. Dunida kama jirto shirkad intay maalgashi samaysay hadan aad tidhi waxba kama jiraan oo max kamado ayaa jira waxan qaada, halkaasna maxkamad ayaa Somaliland kaga soo socota.markaas shirkadaahaas heshiisyadoodu ma jabayaan xataa kuwaa hore ee Maraykanka ah inkastaynu haysano marmar siiyo hadna ma jabayaan.

Waxaan ku dari lahaa halka milyan ee nin madax ka ah Afrika uu shirkad laaluush kaga qaato ogaw boqol milyan ayay shirkadaasu ku macaashaysaa, ee ogsoonaw inaanad waxba qaadan ee aad wax badan lumisay….La soco