Madaxweyne Siilaanyo Oo Maalmaha Soo Socda U Safraya Dalka Turkiga

2
600

4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay labada maalmood ee soo socda u ambo baxaan dalka Turkiga, oo uu ka bilaabmayo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Ilo xogogaala, ayaa Geeska Afrika, u sheegay in weftiga Madaxweynuhu ay sii mari doonaan dalka Itoobiya, oo la sheegay inuu Madaxweynuhu balan ku leeyahay, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu u dhaafi doono dalka Turkiga oo uu wejiga saddexaad ee wada hadalka labada dal ka furmayo bishan gudaheeda.

Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay aqbashay martiqaadka Turkigu u fidiyay ee ah inay Somaliya ku wada hadlaan dalkaas.

Comments are closed.