Cabdillaahi-Dirawal Oo Khiyaamo Ku Tilmaamay Heshiiska Xisbiyada Ee Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiillada & Deegaannada

0
533

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa ka hadlay heshiiskii Saddexda Xisbi ee Somaliland ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada.

Mudane Cabdillaahi-dirawal wuxuu sheegay in heshiiskaasi aanu sax ahayn, balse uu yahay mid khiyaamo ah, maaddaama buu yidhi ay ahayd in la kala reebo doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.

Siyaasiga oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Heshiiska ay Maanta gaadheen (Xisbiyadu) Ma Dalka iyo Dadka ayuu dan u yahay, mise iyagaa dan guud oo wada khusaysaa ugu jirtaa. ?. Xisbiyadan waxa la ansixiyey 2012-kii, waxay ahayd inay doorashada deegaanka qabtaan 2017-kii, way qaban kari waayeen. Markii ay doorashadii 2017-kii qaban kari waayeen doorashada Goleyaasha deegaanka, in Maanta oo Wakhtigoodii ay Laba Sano ka hadhay ilayn waa toban sano muddadooduye oo laba sano ka bacdi la furayo Ururradii (Siyaasadda) inay yidhaahdeen Doorashadii Goleyaasha deegaanka ayaanu qabanaynaa imika, waxaan u arkaa khiyaamo, Waayo? Doorashada deegaanka iyo Baarlamaanka in la kala reebo weeyaan, Goleyaasha deegaanka waxa sharcigu xaq u siinayey 2017-kii, laakiin Teeramka dhamaadkiisa xaq uma laha iyagu, waxa xaq u leh Ururro siyaasadeed (in la furo), markay sidaa tahay, haddayna iyagu doonayn in Xisbiyada loo kordhiyo (Muddada) cudurka Muddo-kordhinta ee Somaliland Ragaadiyey Xisbiyadaa ka fayoobaa ee hadday doonayana inay iyagiina ku daraan waa arrin ay ku talo-galeen, haddayna ku talo-gelin oo aanay sidaa ahayn Doorashada deegaanka dib ha u dhigaan, waa inay doorashada Baarlamaanka uun qabtaan oo Wakhtigooda ha daayaan ururrada la abuurayo, sidaas ayaan aaminsanahay. Hadday Kas u sameeyeen oo ay ogaayeena Dadka ka daaya ma qabatee, haddayna ogayn oo ay kaga dhacdayna waalla idin arkee imikaba ka daaya.”

Cabdillaahi Xuseen Iimaan Dirawal waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland “Hadalka Saami-qaybsigu wuu jiray illaa 2005, Nin walba marka uu Kursiga ku soo socdo ballan buu qaadayey inuu xal u heli doono, haddana Maalinta la yidhaahdo doorashaa la galayaa ayuun baa la isqabsadaa, markaa wax nolosha Caadiga ah ee reer Somaliland ka mid noqday ayuun baa u arkaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka jawaabay sida uu u arko Kootada Haweenka “Kootada Haweenka, anigu mar walba waxaan taageersanahay inaynu raacno sharciga aynu leenahay, Dumarka in la xumeeyo ma oglin, laakiin haddii Sharcigeenu siinayo (Kuraas kooto ah) hala siiyo, haddaanu sharcigu siinayn, inay iyaguna sharciga inaga baa’biiyaan maaha.”

Ugu dambayn, Siyaasiga oo la waydiiyey sida uu u arko Wefti Masaari ah oo Somaliland booqasho ku yimid, ayaa  wuxuu kaga jawaabay “Waxaanu maqlay Wefti Masaari ah ayaa jooga, Xiisadda Geeska ka taagana waa lala socdaa oo arrin meel sare gaadhay, Dawladduna waxba kamay odhanin, wayna wanaagsan tahay marmar in la qarsado sirtaada, laakiin waxay u baahan tahay feejignaan badan iyo Xog-ogaalnimo badan iyo dhaqdhaqaaqyada iyo isbeddellada socda ku dhawaanshahooda iyo la socoshadooda. Maanta Itoobiya iyo Masar inooma sina, Masar halkay innaga soo gaadhaysaa?, laakiin Itoobiya cid inooga dhawi ma jirto, mid yar oo cusub oo imika qabsaday oo yar deg-degayana wakhtigaa soo qaban oo danta ku soo fadhiisin, markaa Anigu Itoobiya iyo Masar ismaan siisteen, markaa danta Somaliland, haddaynu la gorgortamayno oo aynu kuwan ku yar cadaadinayno way dhici kartaa, laakiin yaanay innala fogaan oo meel xun oo aynaan ka soo saari Karin inala gelin…”ayuu yidhi.