Wargeyska Geeska Afrika Oo Waraysi La Yeeshay Safiirkii Hore Ee Maraykanka Ee Itoobiya Danjire David Shinn

0
1597

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi la yeeshay danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire David Shinn oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika.

Danjire David Shinn, wuxuu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan, mawqifka uu xidhidhkan ku cambaareeyay China iyo doorka Maraykanka.  Danjire Shinn oo uu tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), la yeeshay waraysi dheer, ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay qoraal kooban oo 9 Jullaay  lagu baahiyay barta twitterka ee  Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka.  Waraysigaas danjire David Shinn, oo bahda Geeska Afrika u soo turjumeen Soomaali, wuxuu u dhacay sidan:

Diblomaasi ahaan, maxaad ku macnayn kartaa xidhiidhka cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan?

Taiwan waxa ay ogolaatay inay ka furato Hargeysa “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office), Somaliland na waxa ay ogolaatay inay ka furto Taipei “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office). Waxa muhiim ah in la fahmo inaan tani la mid ahayn aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic recognition). Taiwan waxa hadda si rasmi ah u aqoonsan shan iyo toban dal, oo hal dal keliya ka yahay Afrika — waa dalka Eswatini.  Dhinaca kale Taiwan waxa ay Afrika ku leedahay shan “xafiis ganacsi” (trade offices), oo ku kala yaala  Johannesburg, Algiers, Cairo, Nairobi, iyo Lagos. Waxa ay sidoo kale ku leedahay “xafiisyo isku-xidh” (liaison offices) Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay iila muuqataa in “Xafiiska Wakiilnimo (Representative Office) ee laga aasaasay Hargeysa iyo Taipei ay la mid yihiin “xafiisyada isku-xidh” (liaison offices) ee ka jira Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay u muuqan kartaa in yoolka Taiwan iyo Somaliland labaduba uu yahay inay balaadhiyaan gaadhistooda arimaha debedda (foreign outreach).

China wuxuu saldhig ku leeyahay Djibouti oo ay Somaliland jaar yihiin, imikana Somaliland waxay martigelisay xafiiska diblomaasiyadeed ee Taiwan, dawladda Soomaaliya iyo dawladda China, labaduba si adag ayay uga horyimaadeen xidhiidhkan diblomaasiyadeed ee bilaabmay. Arrintani maxay ku soo kordhin kartaa siyaasadda Geeska Afrika?

Xaqiiqda ah in Shiinuhu ku leeyahay saldhig ciidan Djibouti waxa ay noqon kartaa inaanu wax raad ah ku lahayn Somaliland. Somaliya waxa ay arinkan soo kordhay uga soo horjeedda sababo iska cad. Waxa ay [Somaliya] aqoonsan tahay Beijing islamarkaana waxa ay u aragtaa in Somaliland tahay qayb ka mid ah Somaliya. Shiinuhu sababo sidoo kale iska cad ayuu uga soo horjeedaa. Tan iyo sanadkii 1949 Shiinuhu wuxuu u ololaynayay mabad’a’ “Shiine mid keliya ah” (Once Chine) islamarkaana wuxuu si joogto ah uga soo horjeeday in aqoonsi diblomaasiyadeed la siiyo Taiwan. Dhinaca kale, waxa uu aqbalay [Shiinuhu] xafiisyada ganacsi ee Taiwan (Taiwan’s trade) iyo xitaa xafiisyada isku xidh (liaison offices) ee u qaabaysan inay gaadhaan yoolal aan siyaasad ahayn iyo kuwo aan diblomaasiyad ahayn (non-political and non-diplomatic goals).

Maraykanka iyo Taiwan xidhiidh dhow ayay leeyihiin, imikana waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku lug leedahay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Miyaad rumaysantahay in bilowgan diblomaasiyadeed uu gacan ka gaysan doono wada hadalada?

Qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, 9kii July ayaa yidhi: (Waa arin wayn inaan aragno Taiwan oo kor u qaadaysa xidhiidhkeeda Bariga Afrika waqti ay jirto baahi wayni. Taiwan waxa aanu iskaashi wayn kala leenahay caafimaadka, waxbarashada, caawimada farsamo iyo in kaloo badan!” Inkasta oo ay tani tahay tebin aan caadi ahayn (most unusual communication), ma muujinayso in Maraykanku uu arinkan wax dheeraad ah oo kale ku darsanayo.

Waxaynu fahansanahay ficiltanka u dhaxeeya Maraykanka iyo China, China hadda wuxuu isku dayi karaa arrimo ka dhan ah Somaliland. Ma filaysaa in Maraykanka amaba dalalka kale ee reer galbeedku ay taageeri doonaan Somaliland haddii uu China ku soo qaado dagaal diblomaasiyadeed?

Shiinuhu diblomaasiyad ahaan wuu ka soo hor jeedsan doonaa dedaal ay Taiwan iskugu daydo inay la yeelato Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic relations).  Balse sida aan sare ku xusay, shan iyo toban dal ayaa Taiwan la leh xidhiidh diblomaasiyadeed, halka kuwo kale oo badani ay la leeyihiin xafiisyo ganacsi (trade offices). Dalal yar oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Koonfur Afrika ayaa ku leh Taiwan xafiisyo isku xidh (liaison offices). Shaki ayaan ka qabaa in Shiinuhu wax badan ka samaynayo arinta Somaliland, inkasta oo ay u badan tahay in Hargeysa laga saari doono in wax tixigelin ah laga siiyo deeqaha debedda ee Beijing.

Dawladda Soomaaliya oo ay taageeraan reer galbeedku hadda waxay taageeraysaa China. Waxa ay dawladda Muqdisho u ogolaatay shirkadaha China inay ka kalluumaysan karaan biyaha Soomaaliya. Geesta kale haddii aynu eegno, dawladda Maraykanku waxay taageere weyn u tahay Soomaaliya. Dhammaan mashaariicda USAD waxa la geeyaa Muqdisho, iyadoo la iska indho tiray in la caawiyo shacabka reer Somaliland. Ma u malaynaysaa in Maraykanku dib u eegis ku samayn doono

mucaawinadooda?

Waxa aan u haystaa in USAID ay xooga caawimo ah siiso Somaliland, inkasta oo  inta badan caawimada Maraykanku ay tagto Somaliya. Si kasta ha noqotee, ma aaminsani in xidhiidhka ay Taiwan la yeelatay Somaliland uu wax raad ah ku yeelan doono sida ay u socoto deeqda dawladda Maraykanku ay siiso Geeska Afrika.

Aqalka cad ee Maraykanku wuxuu taageeray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u bilaabmay. Maxaad ku macnayn kartaa?

Ma jirto wax badan oo aan ka qaadan karo qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka. Waxa laga yaabaa inaanay jiri doonin wax kale oo intaas ka badan oo ay arinkan ka tidhaahdo dawladda Maraykanku, balse maamulkani [Maamulka Trump] waa mid arimo yaab lehi ka soo baxaan (full of surprises) oo waan qaldanaan karaa.