Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (6)

0
115

Intii aanu Suldaan Maxamed Al-Faatix bixin amarkii ugu dambeeyey ee ay ciidmadiisu kula wareegayeen Istanbuul waxa uu dhambaal digniintii ugu dambaysay ahaa u diray Imbaraadoorkii Bisantiiniyiinta, waxa uu u soo bandhigay in uu magaalada Qustantiiniya ka baxo si looga hortago dhiig badan oo ku daata. Isaga oo u ballanqaaday in Imbaraadoorka, gacanyareyaashiisa, hantida iyo dahabka uu haysto oo dhan iyo ciddii kale ee uu kaxaysanayaaba ay u guuraan jasiiradda la moodka Morea oo ku taalla koonfurta Giriigga, halkaasna ay ka dhigtaan xarunta dawladdooda laakiin dusha sare ay ka maamulayso dawladda Cusmaaniyiintu. Suldaan Maxamed Al-Faataxi waxa uu Imbaraadoorka Bisantiiniyiinta u sheegay haddii uu ogolaado bixitaankaas in uu u ballanqaadayo nabadgelyo, dawladdiisuna ay dhawri doonto xuquuqda dadka reer Bisantiiniya ee ku soo hadha magaalada Qustantiiniya; xoriyaddooda shakhsiga ah, hantidooda, goobaha ay ka shaqaystaan iyo kaniisadahooda, isla markaana aanay dawladda Cusmaaniyiintu ku qasbi doonin in ay qaataan diinta Islaamka.

Waxa uu ugu hanjabay haddii aanu sidaas yeelin, oo ay ciidamada Cusmaaniyiintu xoog ku qabsadaan magaalada in ay iyagu xor u yihiin sida ay ka yeelayaan arrimaha aynu kor ku soo xusnay.

Imbaraadoorku markii uu dhambaalkan helay waxa uu talo isugu yeedhay lataliyeyaashiisii oo uu arrintan u bandhigay. Qaarkood waxa ay ku taliyeen in la qaato soo jeedinta Maxamed Al-Faatix, halkaanii kuwo kale oo badan ayaa ku adkaystay in ay magaaladooda difaacdaan illaa inta uu qofka u dambeeyey dhimanayo. Talada dambe ayaa uu qaatay Imbaraadoorku waxa aanu Suldaan Maxamed Faatix u soo diray dhambaal jawaab ah oo uu ku sheegayo in uu raalli ka yahay in uu cashuur siiyo dawladda cusmaaniyiinta, in uu u aqoonsan doono in uu isagu maamulo dhammaan dhulka iyo degmooyinka uu hore Bisantiiniyiinta uga qabsaday, laakiin aanu ku wareejin doonin Qustantiiniya. Waxa uu sheegay in magaaladani aanay Bisantiiniyiinta u ahayn uun magaalo teed iyo dhufays difaaca u ah, balse ay tahay Taajka ugu weyn ee taaj Imbaraadooriyadeed uu Kiristaanku lahaa muddo 5 kun oo snao ka badan. Waxa uu Imbaraadoorku sheegay in uu wacad hore ku maray in magaalada Qustantiiniya uu difaaci doono inta ay nololi ku jirto. Farriintani markii ay soo gaadhay Suldaan Maxamed Al-Faatix waxa uu ku jawaabay, “Waa hagaag, dhowaan waxa aan Qustantiiniya ku dhex yeelan doonaa Carshi boqortooyo ama qabri la igu aaso”

Dhinaca kalana saddex maalmood ka hor bilowgii weerarkii Cusmaaniyiintu kula wareegeen Qustantiiniya, waxaa Suldaan Maxamed Al-Faatix soo gaadhay dhambaal ku hadlaya afka Kiristaanka adduunka oo dhan. Waxaa loogu hanjabayo in la diyaariyey ciidamo aad u awood badan oo Cusmaaniyiinta tallaabo xoog badan ka qaada haddii uu magaalada Qustantiiniya qabsado.

Hal ku dhegga uu Suldaan Maxamed Faatix u bixiyey hawlgalkaas lagu xoreeyey Qustantiiniya waxa uu ahaa, “Ama Qustantiiniya aynu qabsanno ama Cusmaaniyiintu ha dhacdo”

Maxamed Al-Faataxi iyo ciidamadiisu labadii maalmood ee weerarka ka horreeyey waa ay soomanayeen, taas oo ku timid codsiga Suldaan Maxamed Alfaatix oo u sheegay in qof kastaa uu ruuxdiisa ka nadiifiyo shakiga iyo xumaanta.

Culimada diinta ayaa dhexm araysay safafka ciidamada iyaga oo u akhriyaya aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee ka warramaya Jihaadka. Laakiin Bisantiiniyiinta qudhooduna dhankooda ayaa ay ka wateen cibaado, waxa ay isuug yimaaddeen Aya Soofiya oo ahayd kaniisaddooda, waxa aanay akhriyeen ducooyin iyo hadallo jihaad dhiiirrigelin ah oo ay ciidamadooda niyadda ugu dhisayeen.

Khudbad noqotay tii sii u dambaysay ayaa uu Imbaraadoorku maalintaas u jeediyey dadkiisa, waxa uu u sheegay in ay iyagu ka masuul yihiin illaalinta diinta Kiristaanka, maadaama oo ay isir ahaan ka soo jeedaan wadaadadii iyo halyeeyadii Rooma, ayaa uu yidhi.

Arooryo hore oo salaadda Subax ka dib ahayd ayaa uu bilowday weerarkii ay muslimiintu kla wareegayeen magaalada Qustantiiniya. In badan ayaa ay ciidamada Bisantiiniyiintu iska caabbiyeen weerarkaas, ciidamada sida heerka sare ah u abaabulnaa ee Maxamed Alfaatix iyaga oo aayado Qur’aanka kariimka ka mid ah, qasiidooyin iyo hal-ku-dhego duco ah ayaa ay gudaha u galeen magaalada. Imbaraadoorkii Bisantiiniyiinta oo marka horeba uu niyadjab weyn ku riday hoggaamiyihii Giriigga uga soo gurmaday ee dib dhaawaca ugu noqday oo ciidamadii kale niyad jebiyey. Haddana waxa uu ku adkaystay sii wadista dagaalka. Ugu dambayntii Imbaraadoorku waxa uu dhintay iyada oo isaga iyo koox yar oo ciidamadiisii kaga hadhay ay weli seefta u sitaan difaaca Qustantiiniya.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu isagu is daldalay markii uu arkay in uu dagaalkan ku jabay, haddana sida loo badan yahay Imbaraadoorku dagaalka tooska ahaa ayaa uu ku dhaawacmay kaddibna dhulka ayaa uu u dhacay, waxaana ku tuntay ciidamadii tirada badnaa iyo fardahooda, iyada oo ugu dambayntiina uu mid ka mid ah ciidamada Cusmaaniyiinta ayaa qoorta seef kaga jaray.

Tallaabooyinka ilbaxnimada badan muujinaya ee uu Suldaan Maxamed Alfaatix qaaday waxaa ka mid ahaa habkii masuuliyadda lahayd ee uu u maamulay ciidamadiisa tirada badnaa ee magaalada gudaha u galay. Inkasta oo ay ahayd xaalad farxad la iskala garan la’aa askari kastaana halkii hortiisa ahayd u orday, haddana waxa uu ku guulaystay in uu dhowro nidaamka dawladnimo iyo kala dambaynta. Waxa uu si degdeg ah u diyaariyey ciidamo si gaar ah uu ilaaliya goobaha muhiimka ah ee magaalada ku yaalla. Waxaa ka mid ahaa kaniisadaha oo ay ugu weynayd Kaniisadda Aaya Soofiya oo ay barxaddeeda isugu soo baxeen dadkii magaalada deggenaa oo magangelyo raadis ahi.

Suldaan Maxamed Alfaatix oo ku faraxsan in gaadhay guul ay tan iyo xilligii asxaabta ku riyoonayeen muslimiintu markii uu soo gaadhay barxaddan waxa uu Sujuud mahadnaq ah u sujuuday Alle, kaddib waxa uu jeediyey khudbaddii aynu ka warannay ee uu dadka magaalada ugu sheegayey qaabka uu ula macamailayo. Hadalkaas markii uu dhammeeyey waxa uu dadka u sheegay in ay guryahooda ku noqdaan oo ay si caadiya noloshooda u wataan, Isaguna waxa uu dhaqaaqay gudaha kaniisadda oo uu isla markiiba amar ku bixiyey in la addiimo. Waxa aanu ku tukaday salaaddii ugu horreysay oo ahayd salaad casar. Isla maalintaas ayaa uu Suldaan Maxamed amray in Aaya Soofiya laga dhigo masjid. Tallaabooyinka kale ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa in uu raadiyey maydkii Imbaraadoorka, oo markii la soo helay uu ku wareejiyey wadaadadii Kiristaanka ee magaalada joogay, si ay ugu aasaan qaab waafaqsan diintooda.

Dhismihii nidaamka dawladnimo ee Qustantiiniya

Saddex toddobaad kaddib Suldaan Maxamed Alfaatix waxa uu si rasmi ah u guda galay nidaaminta maamul ee magaalada. Go’aannada uu hawshan ku bilaabayna waxa ugu horreeyey in magaalada laga beddelo magaca, iyo in ay caasimad u noqoto dawladda Cusmaaniyiinta.