Caawa: Hereri Iyo Hargeysa

0
688

 

Picture4Barnaamijka  Hereri iyo Hargeysa ee uu habeen kasta oo ay Axadi soo galayso daadihiyo weriyaha caanka ah Mr. Cabdisalaam Hereri oo ka hawlgala telefishanka Universal, waxa uu caawa ku soo qaadanayaa dhawr mawduuc oo xiiso badan oo ay ka mid yihiin waraysi uu la yeeshay saxafiga caanka ah ee Axmed Siciid Cige oo ka waramaya waayihiisa saxaafadda iyo waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee uu arkay intii uu ku jiray dunida warbaahinta iyo goobaha taariikhiga ah ee magaalada Muqdisho iyo xaaladda ay ku suganyihiin. Waxa kale oo Barnaamijkaas Hereri iyo Hargeysa caawa ku jira waraysi uu Cabdisalaam Hereri la yeeshay fanaanka caanka ah ee Fu’aad Cumar-yare oo qaadi doona heesihii qaraamiga ahaa.  Haddaba Barnaamijkaas oo telefishanka Universal soo geli doona 9:10 cawaysnimo ee saacadda bariga Afrika ee caawa, la socod wanaagsan.