Caanaha Iyo Cuntooyinka Laga Soo Dheegtaa Waxa Ay Qofka Ka Ilaaliyaan Xanuunno Katar Ah

0
809

Madrid (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in caanaha iyo cuntooyinka kale ee laga soo dheegtaa ay waxtar caafimaad u leeyihiin marxaladaha kala duwan ee nolosha aadamaha, kuwaas oo ay ka mid tahay in ay jidhka ka ilaaliyaan xanuunnada khatarta ah qaarkood.

Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Granada ee dalka Spain oo natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka Advances in Nutrition ayaa daahfurtay in caanaha iyo cuntooyinka kale ee laga soo dheegto ay ku jiraan curiyeyaal nafaqo oo kaalin mug leh ka qaata daboolista baahida nafaqo ee jidhka oo ay ka mid yihiin barootiinnada, kalshiyaamta, Megnasiyamta, Fosfoor, Botaasiyam, sinki, iyo Faytamiinada A iyo B12.

Khubaradu waxa ay sheegeen in caanaha oo faa’iidooyin badan oo caafimaad leh, uu muddooyinka dambe aad hoos ugu dhacay isticmaalkoodu, gaar ahaan dalalak saboolka ah.

Xanuunada ay xeeldheereyaashu ogaadeen in cabista caanuhu ay wax ka tarto waxaa ka mid ah; xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga, xanuunnada dheefshiga, kansarka midhicirada iyo kaadi haysta iyo xanuunka macaanka noociisa labaad.

Xeeldheereyaashu intii ay daraasaddan wadeen waxa ay ogaadeen in uu xidhiidh togani ka dhexeeyo hooyada oo xilliga uurka caanaha cabto iyo miisaanka ilmuhu uu ku dhalanayo, iyo sida oo kale caafimaad qabka lafaha ilmaha ee xilliga carruurnimada.

Caanaha iyo cuntooyinka caanaha laga dheegto ayaa ay khubaradu sheegeen in uu dadka waayeelka ah ka ilaaliyo jileeca iyo burburka ku dhaca seedaha, isla markaana uu yarreeyo jabniinka ku yimaadda laf-dhabarta.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna sheegay in caanaha iyo cuntooyinka laga dhegtaa ay kordhiyaan cufnaanta lafaha iyo awoodda lafdhabarta ee ragga da’doodu ka weyn tahay 50 sano jirka. Sida oo kalana ka hortag u tahay khatarta ah xanuunnada dhiigfuranka maskaxda ama in ay xidhmaan xididdada dhiigga gaadhsiiya maskaxda, kansarka midhicirada, iyo kansarka xiidmaha weyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here