Haddii Aad Hindhisto Adiga Oo Madaxweyne Trump Ka Agdhow Si Degdeg Ah Uga Bax Goobta

0
804

Washington (Geeska)- Maqaal dhowaan lagu qoray shabakadda wararka ee Politico oo dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa ku taliyey in qofka qufaca ama hindhisada badan qabaa aanu ka agdhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, weliba sida u fiicani ay tahay in uu ka dheeraado aagga uu madaxweynuhu ka agdhow yahay. Haddii kale uu u diyaargaroobo in madaxweynaha oo cadhaysan, suurtagalna ay tahayba in uu gacanta kor ugu qaado isaga oo cadho awgeed suneyaasha ururinayaa uu amar ku siiyo in uu Meesha ka tago.

Qoraaga maqaalka oo lagu magacaabo Daniel Lipmann ayaa sheegaya in madaweyne Trump uu sas ka qabo jeermiska, taasina ay abuurtay in marka uu kulmada Aqalka cad ka qaybgelayo ama xitaa uu diyaaradda saaran yahay laga dareemo didmo iyo in uu dareenkiisa oo dhami iska jirayo tub kasta oo uu ka baqo in jeermisku u soo maro.

Dareenka cabsida ah ee uu madaxweyne Trump ka qabo jeermis waxaa xitaa warkiisa haya shaqaalaha iyo gacanyareyaasha ka agdhow, taas oo keenta in ay ka taxaddaraan u dhowaanshiyihiisa. Iyo in Aqalka Cad lagu soo rogo shuruuc dhinaca nadaafadda ah oo aad u adag, kuwaas oo xitaa saamaynaya wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee xafiiskiisa imanaya.

Qoraagu waxa uu sheegay in Trump cabsida uu qabaa ay gaadhay in martida soo booqata loo sheego inta aanay u gelin madaxweynaha in ay gacmaha ku sii maydhaan xamaam ku dhow xafiiska madaxweynaha ee aqalka cad.

Cabsida jeermiska iyo guud ahaan xanuunka uu Trump ka cabaa waxa ay keentay in haddiiba ay dhacdo in uu qof gacanyaryeyaashisia ka mid ahi qufaco ama hindhiso ama arko isaga oo is xoqaya in uu dhaqso ugu yeedho dhakhtarta gaarka ah ee Aqalka Cad, kana dalbado in la soo daweeyo.

Qoraagu waxa uu sheegay in ku-simaha madaxa shaqaalaha aqalka cad ay mar ku dhacday in uu hindhiso isaga oo uu ka agdhowyahay madaxweynaha oo markaas wraysi siinayey talefishanka ABC. Kaddib Trump oo cadhaysani inta uu joojiyey hadalkii uu si cadho leh ugu yidhi, “Waxaas ma jecli .. haddii aad hindhisayso qolka ka bax” Intaas ayaa uu yidhi Trump isaga oo hadalka kaddib cadho madaxa lulaya.

Warbixinta majaladad Politico waxa ay sheegtay in Trump uu aad u dhibsado in qofku u soo dhowaado ama uu jidhkiisu taabto, cabsi uu ka qabo in uu jeermis uga soo gudbo awgeed.

Waxa inta badan qaataa maaddooyinka jeermiska dila ee faraha lagu masaxo, si marka uu dhowr qof gacan qaado uu ugu masaxo gacmihiisa.  Dabeecaddaas oo xitaa markii uu ol’olaha doorashadak u jiray laga dareemay.

Madaxweyne Trump ma qarsado cabsida uu ka qabo jeermiska, isaga oo sheegay in uu maalinta keliya marar aad u tiro badan gacmihiisa dhaqo, isla markaana qiray in arrintani ay noqon karto sabab la xidhiidha xaalad nafsiya.

Qoraagu waxa uu sheegaa in madaxweyne Trump cabsida uu ka qabo jeermisku uu gaadhsiisan yahay in xitaa uu is xejin kari waayo haddii uu arko qof shaqaalihiisa ka mid ah oo fartiisa afka gelinaya, si uu xaashida buug uu akhriyayo ugu rogto, waxaaba mar dhacday in saga oo is illowsan uu dhirbaaxo ku dhuftay qof sidan yeelay, isaga oo u sheegaya in ay arrin xun tahay oo uu iska daayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here