Caadooyinka Yaabka Leh Ee Guurka Bulshooyinka Ku Dhaqan Dunida

0
1217

Aroosadda oo uu aabaheed u xambaarayo guriga arooska.. Gabadha oo ninka cagaha u maydha.. Ninka oo dab lagu kaawiyadeeyo iyo qisas kale… Q1aad

Hargeysa (Geeska)- Waa arrin la wada garan karo in bulshooyinka kala duwan ee dunida ku dhaqani ay leeyihiin dhaqanno iyo caadooyin aad u kala gedisan, oo badankoodu ku asal leh diinta ay bulshadu aaminsan tahay, iyo hiddaheedii hore. Waxaana in badan dhacda in caadooyinka ay qowmiyad ama bulsho leedahay ay maadays iyo wax lagu qoslo u noqdaan qolo kale. Haddaba qormadeenan oo ah tii koowaad waxa uu wargeyskan Geeska Afrika ku soo qaadanayaa qaar ka mid ah dhaqannada dhinaca guurka ee ay leeyihiin qaar ka mid ah bulshooyinka dunidu:

Indonesia: Aroosadda reer Indonesia waxaa dhaqan ahaan xaaraan ka ah habeenka arooskeeda in ay cagaha dhulka dhigto, gaar ahaan marka ay guriga qoyskooda ka soo wareegayso ee ay tegeyso guriga uu ninkeedu ugu talo galay. Waxa aroosadda aabaheed qasab ku ah in uu inantiisa laga guursaday xambaaro illaa uu gaadhsiiyo guriga ninka guursaday.

Java (Jaawa): Jasiiradda Java oo ah jasiiradda ugu weyn uguna dadka badan jasiiradaha uu ka kooban yahay dalka Indonesia, qowmiyadaha dega qaarkood waxaa dhaqan u ah in marka uu ninku gabadha mehersado, inta isaga iyo gabadha la isugu keeno madal dad badani ka buuxaan, ay gabadhu ninka u maydho labada cagood si ay isaga iyo dadka kalaba u tusto in ay adeeci doonto ninkeedan, inta nolosheeda ka hadhayna ay u adeegi doonto.

Isla jasiiradda Java oo ah jasiiradda dunida ugu dadka badan, caanna ku ah beerashada bariiska ayaa la sheegay in, kadib markii uu jasiiradda ku dhashay jiir xad dhaaf ah oo aad u wax yeelleeyey saracii bariiska, uu guddoomiyaha gobolkaasi soo saaray qorshayaal ay tahay in lagu dabar gooyo jiirka; Waxa ka mid ah in laba qof oo kasta oo is guursanaya oo sharci ahaan isula yimaadda maamulka gobolka, cashuur ahaan looga rabo in ay keenaan 25 dib oo jiir ay ka soo jareen.

India: Dhaqannada yaabka leh ee guurka ka jira koonfrurta India gaar ahaan deegaanka Bonda Yorujaz waxa ka mid ah in ay gabadhu imtixaan adag ka qaaddo ninka guursanaya, imtixaannada ay mariso waxa ka mid ah in ninka ay u kaxayso kaynta kadibna inta ay shiddo dab aad u weyn ayaa ay qoryaha dabka ah ku kaawiyadaysaa dhabar ninka oo qaawan. Haddii uu ninku cabaado, taaho ama laga maqlo wax cabasho iyo hadal damqasho muujinaya ah, gabadhu ma guursato, weliba waxa ay ku dhex fadeexadaysaa hablaha qabiilkooda ee calaf doonka ah oo dhan, si aanu u guursan. Haddii uu ninku damqan waayo, waxa uu noqdaa mid ay jamato oo mudan jacaylkeeda iyo guurkeedaba.

Greenland: Deegaannada miyiga ee jasiiradda Greenland oo ah jasiiradda labaad ee ugu weyn dunida marka laga yimaadda dalka Australia oo jasiirad ah, ninka arooska ahi waxa uu habeenka arooska tagaa guriga aroosadda, kadib inta uu timaha soo qabto ayuu soo jiidaa illaa goobta xafladdu ka dhacayso. Jasiiradda Greenland waxa ay leedahay nidaam is maamul waxaanay hoos tagtaa dalka Denmark.

Burma: xafladda arooska ee dalka Burma waxa dhaqan u ah in marka ay xafladdu bilaabanto inta uu nin aad u da’weyni soo kaco uu gabadha gacanta soo qabto, dhulkana ku tuuro. Kadib waxa uu u dalool weyn ku samaynayaa labadeeda dhegood. Haddii ay gabadhu xanuunka la qayliso wax gacan ah lama siiyo illaa ay dheguhu soo daayaan dhiig badan, haddiise ay damqan weydo markaba nabarka ayaa la xidhaa lana dhayaa, goobtan xafladda waxa la keenaa koox muusig garaacda, kooxdani waxa ay ku amran yihiin in mar kasta oo ay gabadhu damqato qaylisana ay si dhawaq dheer ah u sii garaacaan muusiga, si dadka looga qaldo dhawaaqeeda oo aanay ugu jiidh nixin.