“Madaxweynuhu Inuu Is-dabciyo Oo Uu Tabashooyinka Jira Wax Ka Qabto Weeye”

0
508

Hargeysa (Geeska) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu wax ka qabato tabashooyinka jira, isla-markaana uu noqdo Madaxweyne dabacsan oo furfuran.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Arrinka saami-qaybsiga ee taagan waxaa masuuliyadeed iska leh oo wax ka qaban kara Madaxweynaha, maxaa yeelay saami-qaybsiga oo la sameeyo waa muhiim, cid walbana waa u muhiim, wax badana dawo ayuu ka yahay, xitaa Madaxweynaha waxaa la gudboonayd haddii aan Doorashada saami-qaybsi lagu galin karin doorkan inuu si toos ah ugu tago ama u qaabilo cidda wax tabanaysa, wax-garadkooda iyo odayaashooda, isla- markaana uu ku qanciyo, ta kale Madaxweynuhu inuu is dabciyo oo uu weji furnaan la yimaaddo, tabashooyinka jirana wax ka qabto weeye, Madaxweynuhu inuu hoos u eego xaaladaha dalka ka jira, oo dhibaatooyinka hadda taagan wax ka qabto weeye”.