Boqor Raabi Oo Mar Kale Si Adag Uga Ka Hadlay Banka Qoolcaday

0
439

Picture2Hargeysa(Geeska)-Boqor Raabi Yuusuf C.Laahi ayaa mar kale ka hadlay xaaladda Banka Qoolcaday ee la xidhiidhay seerihii ay xukuumaddu damacday in ay ka sameeso bankaasi qoolcaday ee ay dadka deegaankaasi go’aanka diidmada ah ka soo saareen. Boqorka  ayaa sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo cusub oo la xidhiidha seerihii qoolcaday waxaana uu hadalkiiisa ku bilaabay Boqorku isagoo dhaqdhaqaaqyadan ka cusubka hadlayaa sidan  “ Waxaan doonayaa in aan cadeeyo oo aan u soo bandhigo bulsho waynta iyo cid kastoo daneenaysa ama damiir leh in aan u soo bandhigo xaaladdii aanu ka hadlaynay muddada dheer ee aanu soo af jarnay ee ku saabsanayd xaaladda banka , bankii oo lala leeyahay waxba la dhaqdhaqaajinayaa waxaanu uga digaynaa una sheegaynaa  cid kastoo isku dayda in ay wixii ka yimaadda masuuliyaddeeda in ay iyagu leeyihiin . hawshaasi waanu soo xidhnay shirar badan ayaanu ka galnay dadka waanu is aragnay wacyigalin badan ayaanu ka sameennay waxaanu ku soo af jarnay markii aanu la tashi badan la yeelanay bulshadii ku noolayd deegaanka banka in banka xoola dhaqatada ku nool aan laga taabanin oo aanay cidi faragalin “

Boqor Raabi oo si watta hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray “ Cid kastoo isku dayda in ay kala qeyb qaybiso dadka ama rabshada kale ula tagta iyadaa ka masuula wixii ka yimaadda dawladdan waanu u sheegaynaa waxaanu leenahay hadaanu odaygu ogayn (Madaxweyne Siilaanyo) waanu ku ogaysiinaynaa dhawaaq dheer ayaanu kugu ogaysiinaynaa faragalinta ha laga daayo deegaanka “

Boqorka ayaa carrabka ku adkeeyay in deegaankaasi yahay deegaan dhibaataysan oo ka arradan waxqabadka xukuumadda waxaanu yidhi “ Deegaankaasi waa deegaan dhibaataysan adigu waxbaa umaad qaban (Madaxweyne Siilaanyo) cid wax u qabatay ma jirto dhaqaalaha ugu badan ee dalku waa deegaanka uu ka soo baxo waa deegaanka  rasmiga ah ee hargaysa waa laf dhabarta hargaysa waa la yaqaana waanu kaaga digaynaa ,biyihii ayaad ka joojisay oo aanu ognahay oo dhulkii ayaa ka xidhateen oo madaarkii ayaa ka xidhateen oo dhulkii ay marayeen ayaa ka xidhateen wax allaala iyo wax u haysaan ama u qabateen  ma jiro ”

Boqorka ayaa tilmaamay in deegaankani yahay ka ugu badan ee cashuurtu ka soo xarooto waxaanu yidhi “ Cashuurta ugu badan iyagaa ka qaadataan waa deegaanka ugu balaadhan ee ugu dakhliga badan leh sida Madaarka .Sayladda Xoolaha sida companyga wayn ee qaadka . Suuqa wayn ee waaheen .. ..“

 Ugu danbeenti Boqorka ayaa cod dheer ku sheegay in aanay u dulqaadan doonin cid kastoo dhaqdhaqaajisa xaaladda banka mar kale wixii ka yimaddan bu yidhi ay iyagu masuul  ka noqonayaan .