Brunei Oo Shareecada Islaamka Lagu Soo Rogay

0
742

Picture1Boqorka wadanka  Brunei ayaa soo saaray wareegto uu dalkaas ugu soo rogay Shareecada Islaamka.

Waxaa la sheegayaa in sharcigaas uu qeyb ka yahay in dadka gacmaha laga gooyo, isla markaana dhagax lagu dilo.

Qorshaha ah in sharcigan la soo rogo ayaa lagu dhawaaqay sanad ka hor, balse dib ayaa loo dhigay.

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale dhigaya in qofka tegi waaya Salaadda Jimcaha, la ganaaxi doono ama la xidhi doono.

Dhaqangalka qeybta labaad ayaa waxaa ka mid ah in dadka Khamriga cabo la karbaasho, tuugadana gacmaha la gooyo.

Dadka gaysta gogol-dhaafka iyagoo hore u guursaday ayaa dhagaxan lagu dili doonaa, waana sida ay shareecada islaamku qabto.  Boqor Xaaji Xasan Bolkiah ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid ka yimid dhanka Alle.