Doorashada Baarlamaanka Ciraaq Iyo Dad Badan Oo Ku Dhintay

0
615

Picture2Waxaa Arbacadii shalay ka dhacday  Ciraaq doorashada Baarlamaanka. Waa Doorashadii u horeysey ee heer Qaran ah ee ka dhacda halkaas tan iyo markii ciidamada dalka Maraykanku ay ka baxeen Ciraaq sanadkii 2011. Doorashada  Baarlamaanka ayaa tijaabo u ah shacbiyadda uu lee yahay Raysalwasaare Nuri al-Maliki, iyada oo dalka intiisa badan ay ka socdaan rabshado dad badan ku dhinteen.

Maalmihii isniinta iyo Salaasadii axaa ku dhintey dalka Ciraaq dad ka badan 80 qof kuwaas oo loo adeegsadey qaraxyo iyo toogasho. Inta badan gobolka dadka Suniyiinta ah ay ku badan yihiin ee Canbar galbeedka Ciraaq ayaa ah mid aan dowladda gacanta ugu jirin, waxaana maamula ururka ISIS ee  taageersan shabakada al-Qaacida.

 

Doorashada Baarlamaanka ayaa la sheegayaa in ay tijaabo u tahay Raysalwasaaraha dalkaas Nuri al-Maliki shacbiyadda uu lee yahay. Waxaa sii xoogeysanaya dadka aadka uga soo horjeeda, waxaase aad loo rajeynayaa in Xisbigiisa Shiicada ah uu heli doono aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka.

Sida laga soo xiganayo waregeyska New York Times in badan oo ka mid ah Maraykanka lugta kula jira arrimaha Ciraaq waxay jeclaan lahaayeen in doorashadan Nuri al-Maliki lagaga guuleysto, waxaana ay aaminsan yhiin haddii dib loo doorto in rabshadaha Ciraaq ay noqon doonaan kuwo faraha ka baxa.

In ka badan 20 milyan oo qof oo reer Ciraaq ah ayaa sharci u leh in ay dorashada ka qaybqaataan, waxaana ay kala dooranayaan 9 000 kun oo musharax, kuwaas oo u tartamaya 328 kursi ee Baarlamaanka Ciraaq ka kooban yahay.