Boqolkiiba 70 Dhainyarada Somalidu Waxa Ay Doonayaan In Ay Tahriibaan

0
585

 

Hargeysa (Geeska)- Warbixin ay jimcihii dhowaa baahisay qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in inta badan ee dhalinyarada Soomaalidu ay jeclaan lahaayeen in ay dhulkooda ka haajiraan, tiro koob lagu sameeyey 3 kun oo qoys oo deggen koonfurta iyo badhtamaha iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu ogaaday in saddex meelood laba ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee da’doodu ay ka yar tahay 30 jirka oo la aaminsan yahay in tirada guud ee Soomaalida ay ka yihiin boqolkiiba 70 ay doonayaan inay dalkooda ka baxaan.

Warbixintan oo ay diyaarisay hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan horumaritnu waxa ay sheegaysaa in kala badh dadka Soomaalida ah ee ay da’doodu ka weyn tahay 15 jirku ay bilaa camal yihiin, taas oo tirada shaqo la’aanta ee Soomaaliya ka jirta ka dhigaysa tan dunida oo dhan ugu badan. Waxa kale oo ay Qaramada midoobey warbixintan ku sheegtay in Soomaali ay tiradoodu ka badan tahay 6 boqol oo kun oo qof oo ka yaacay dagaallada ka socda Soomaaliya ay qaxoonti ku yihiin dalalka la deriska ah Soomaaliya, halka 53 kun oo ruuxna ay sannadkii hore oo keliya tahriib kaga tallaabeen gacanka cadmeed si ay u gaadhaan dalka Yemen, iyada oo ay kumanaan ka mid ahina ku dhinteen qaraq maadaama oo doonyaha sida oo aad u liitaa ay badda kula geddoomaan ama badda dhexdeeda ku daadiyaan.

Warbixintan oo aad uga dayrisay xaaladda Soomaaliya kuna tilmaamtay in ay guul-darraysatay waxa ay rajo ka muujisay dhinaca jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland oo ay ku tilmaamtay deegaanno iyaga ay xasilooni ka jirto.

Qaramada midoobey waxa ay sheegaysaa in tobankii sano ee u dambeeyey Soomaaliya caawimo ahaan loo siiyey lacag dhan 10 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, laakiin haddana weli ay jirto baahidii loo qabay in ay dunidu sii waddo caawimada ay siiso Soomaalida, si ugu yaraan loo caawiyo dhalinyarada tahriibka kaga dareeraya dhulkooda.

“Aqoontii lagu shaqaynayey iyo fursadihii shaqo oo aan jirin oo lagu daray caqabadaha dhaqan iyo qabyaaladeed ayaa dhalinyarada ku beeray niyad jab iyo quus” ayaa lagu yidhi warbixintan oo ku talisay in loo baahan yahay is beddel gun iyo baar ah oo lagu sameeyo siyaasadaha iyo hannaanka hadda lagu socdo, si loo dhiso awoodda dhalinyarada udub dhexaadna looga dhigo ajandayaha horumarineed.

Arrimaha kale ee muhiimka ah ee tiro koobkan Qaramada midoobey lagu ogaadayna waxaa ka mid ah, in tirada dhalinyarada Soomaalidu ay aad u kordhi doonto inta u dhaxaysa sannadaha 2010-ka illaa 2015-ka iyada oo la saadaalinayo in tirada dhalmada hooyadu ay gaadho qiyaas ah 6.2.

Tirada dadka bilaa camalka ah ee dhulkii hore isugu ahaan jiray Soomaaliya ee ay da’doodu u dhaxayso 15 illaa 64 sano ayaa lagu qiyaasay illaa boqolkiiba 54, taas oo ka badan qiyaastii la sameeyey sannadkii 2002-da ee ahady boqolkiiba 47. Waxa aanay tani markhaati u tahay in korodhka dhalinyaradu kor u socdo iyo in aanay xaaladdu dhinaca wanaagsan xawaare ku filan ugu socon.

Warka keliya ee fiican ee ku cusub warbixintan Qaramada midoobey diyaarisay ayaa ah in celceliska sannadaha nolosha Soomaalidu ay marayso boqolkiiba 50, halka ay sannadkii 2001-da ka ahayd boqolkiiba 47, laakiin marka hoos loogu dhaadhaco waxaa muuqanaysa sida uu isbeddelka Soomaaliya ka socda ee dhinaca horumarku u taab gaabnaa tobankii sano ee la soo dhaafay.