Hargeysa (Geeska)- Dadka dalka Sucuudiga oo aad looga cuno hilibka xoolaha ayaa si aad ah uga qayliyey sicir-bararka xoolaha oo gaadhay in noocyo ka mid ah adhiga la kala siisto lacag ka badan 530 doolarka Maraykanka ah neefkii. Arrintan ayaa la sheegayaa in dad badan oo Sucuudi ah ay ku kalliftay in ay tagaan goobo samofal oo xilliga xajka dadka xoolaha u baahan kala badh ka bixiya lacagta neeefka. Sayladaha Sucuudigu waxa ay sannad kasta qaataan in ka badan 3 Milyan oo neef, iyada oo xiliyadan xajku soo dhow yahayna uu dalabka xooluhu aad kor ugu sii kaco. Dadka u dhuun daloola suuqyada xoolaha Sucuudiga ayaa sheegaya in qiimo korodhka ku dhacay xooluhu weli kor u socdo lana filayo in maalmaha soo socda uu boqolkiiba 10 halka imika kor uga kaco, waxaana la saadaalinayo in uu qiimuhu kor u socon doono mar kasta oo uu soo dhowaado waqtiga xajku.
Sida uu ku warramayo wargeyska Al-xayaat oo ka soo baxa Sucuudigu sicir bararka xoolaha sannadkan ku yimi sababihiisa waxaa ka mid xoolo badan oo dalkaas ka soo geli jiray dhinaca dalka Suuriya oo joogsaday colaadaha hadda jira awgood, waxa kale oo arrintan loo sibir saarayaa qiimo korodh ku yimi doogga iyo raashinka xoolaha loo dhigi jiray oo suuqyada Sucuudiga ku qaaliyoobay abaaro saameeyey dalalkii iyo deegannadkii lagu beeri jiray awgood, waxa kale oo la sheegayaa in dadkii hore uga ganacsan jiray xoolaha ee Sucuudigu inay tiradoodu hoos u dhacday, iyada oo qaar badan oo ka mid ahi ay u wareegeen mashaariic ganacsi oo kale, kadib markii ay arkeen in aanay xooluhu sidii hore u faa’ido badnayn.
Xoolaha laga dhoofiyo dekadda Berber ee Somaliland oo iyagu ah xoolaha miisaan ahaan yaryar laakiin dhadhan ahaan aad looga jecel yahay suuqyada Sucuudiga ayaa la sheegay in qiimahoodu uu sayladahaas ka marayo lacag u dhiganta inta u dhaxaysa 800 oo riyaal ($213) illaa 1200 oo Riyaal ($320) arrintaas oo muujinaysa in sannadkan xooluhu ku bixi doonaan qiimo ka fiican sidii hore, in kasta oo ay dad u xog-ogaal ah oo reer Somaliland ahi ay sheegayaan in illaa hadda xoolaha dalkaas inooga dhoofay ay ka yar yihiin intii caadi ahaan xilligan oo kale la dhoofin jiray. Cabdilaahi Carab oo ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland oo uu wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sababaha ay la tahay in xoolaha Somaliland sannadkan aad hoos ugu dhaceen ayaa sheegay laba sababood oo muhiim ah, “Xoolaha oo sannadkan sayladaha gudaha qaali ku ah iyo tirada xoolaheenna oo sidii hore ka yaraaday”
Wasiirka beeraha ee dalka Sucuudiga oo dhowaan ka hadlay sicir-bararka ku yimi qiimaha xoolaha ee ay shacabka Sucuudigu aad uga cawdeen ayaa sheegay in ay dejiyeen istaraatijiyad qaran oo lagu doonayo in laban-laab la kordhiyo xoolaha Sucuudiga laftiisa lagu dhaqo, taas oo uu Dr. Fahad Alqaniim sheegay in ujeedadiisu tahay sidii qiimaha xoolaha dibadda ka imanaya loogu qaboojin lahaa. Wasiirka oo la hadlay wargeyska Al-Riyaad ee ka soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu aad uga qayliyey qiimaha hilibku ka marayo suuqyada Sucuudiga oo uu sheegay in adhiga Berberaawiga iyo noocyada kale qaar ka mid ah kilooga hilibka ahi uu gaadhay illaa 50 Riyaal ($13), “Waa qiime ku talax tag ah” ayuu yidhi Dr. Fahad oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in muwaadiniintiisu ay raadiyaan habab kale oo ay hilib jaban ku heli karaan, iyaga oo aan taladooda oo dhan gacanta u gelinayn ganacsatada.
Masuuliyiinta dalka Sucuudigu waxa ay saadaalinayaan in adhiga Barbaraawigu (Xoolaha Soomaalida) uu si caadi ah u yimaaddo Sayladaha Sucuudiga, waxaanay sheegayaan in Bangiga Islaamku uu mawsimka Xajka dalka Sucuudiga keeni doono illaa hal Milyan iyo badh xoolaha Soomaalida ah, si kastaba ha ahaato ee lama filayo in xoolahaas jihooyinka kala duwan ka soo galaya Sucuudigu ay naasilaan qiimaha xoolaha.
Dhinaca kalana ganacsade Fahad Bin Shaybaan A-Salami oo isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka guddida ganacsatada xoolaha ee dalka Sucuudiga ayaa sheegay in sababta ugu badan ee sicir bararku ay tahay xoolaha oo qiimo sare ku soo galaya Sucuudiga. Waxa aanu si aad ah u ammaanay Maxjarrada magaalada Berbera oo uu sheegay in ay yihiin kuwo casri ah qayb libaaxna ka qaatay qaboojinta sicirka xoolaha Sucuudiga lagu isticmaalayo, maadaama oo uu meesha ka baxay kharash badan oo raaci jiray xoolaha Soomaalidu markii ay dhowr sano ka hor ka dhoofi jireen Maxjarka Jabuuti. Bin Shaybaan waxa uu sheegay in neefka adhiga ah ee ka taga Somaliland qiimihiisa jumladdu uu yahay 350 Riyaal ($93).
In kasta oo uu dhab yahay hoos u dhaca ku yimi tirada xoolaha ka dhoofi kara dalka, haddana waxaa halkan ka muuqata fursadda ah in laga faa’idaysan karo kalsoonida uu Sucuudigu ku qabo Maxjarrada Berbera iyo sicirka xoolaheenna iyo weliba jacaylka ay dadka Sucuudigu u qabaan xoolaha Barbaraawiga, waxase ay taasi u baahan tahay dadaal badan oo ay ganacsatadu la timaaddo iyo istaraatijiyad cilmiyeysan oo ay dawladdu ka yeelato kobcinta iyo dhiirri gelinta dhoofka xoolaha, oo il dhaqaale oo toos ah ama dadban u ah guud ahaanba muwaadiniinta iyo miisaaniyadda qaranka.
Dalalka doonaya in ay ka faa’idaystaan:
Dalka Turkey ayaa bilaabay dadaal uu ku doonayo in uu ka faa’idaysto baahida xoolaad ee ka jirta sayladaha Sucuudiga, muddo 18 sano ah oo aanu Turkigu xoolo u dhoofin Sucuudiga kadib waxaa bilowday wada hadallo ay labada dhinac ku gorfaynayaan sida ugu habboon ee xoolaha Turkiga loogu iib geyn doono dalka Sucuudiga. Waxaana la saadaalinayaa in shixnaddii u horraysay ee xoolaha Turkiga oo lagu qiyaasay illaa 2 boqol oo kun oo neef ay Sucuudiga gaadhi doonto inta ka horraysa Ciidal-Adxa.
Dhinaca kalana, dalka Australia oo xoolo aad u badan lagu dhaqdo, kana mid ahaa dalalka xoolaha ugu badan keena Sucuudiga ayaa muddo laga mamnuucay in xoolihiisu galaan dalka Sucuudiga kadib, waxa uu hadda bilaabay in uu xoolihiisa keeno dalka Sucuudiga. Safiirka dalka Australia u fadhiya magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga Neil Hawkins ayaa sheegay in dalkiisu uu aad ugu faraxsan yahay in xoolaha Australia ay ku soo noqdaan sayladaha Sucuudiga, isaga oo caddeeyey in dalkiisu uu doonayo in uu daboolo illaa boqolkiiba 60 baahida xoolaha nool ee sayladaha Sucuudiga. Safiirka oo dhowaan kulan la qaatay Sulaymaan Saciid Aljaabiri oo ah mulkiilaha shirkadda Aljaabiri ee dhoofinta xoolaha, waxa uu aad u ammaanay mashruuca dhaqidda iyo naaxinta xoolaha ee shirkadda Aljaabiri oo uu booqday.
Sheekh Jaabiri oo ah ganacsadaha maal geliyey maxjarka weyn ee magaalada Berbera kana dhoofiya xoolaha ugu badan ee Somaliland, ayaa isna dhankiisa ka sheegay in safiirka ay ka wada hadleen u gogol xaadhidda shixnado xoolo nool ah oo uu dalka Australia u soo dhoofiyey Sucuudiga. Jaabiri waxa uu caddeeyey in ay dejiyeen qorshe ah in sannadaha innagu soo food leh la kordhiyo tirada xoolaha Sucuudigu ka keensanayo dalka Australia, isaga oo xaqiijiyey in xoolahaas aanay ka maarmayn sayladaha Sucuudigu.
Sulaymaan Aljaabiri waxa uu sheegay ay door bidayaan xoolaha Australia isaga oo arrintaa ku sababeeyeyin xoolahaasi ay yihiin kuwo raashin yar uga baahan taasina ay yaraynayso kharashka raashinka xoolaha kaga baxa Sucuudiga, isaga oo caddeeyey in xoolaha Australia aanay u baahnayn naaxin si la mid ah xoolaha laga keeno dalalka kale, sida uu hadalka u dhigay.