Dahabshiil Group Oo Ku Wareejiyey Hay’adda Waddooyinka Calaamadaha Socodka Gaadiidka Oo lagu Sameeyey Jidka Hargeysa ilaa Berbera

0
3718

 

grouHargeysa (Geeska)- Shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa hirgelisay mashruuc jidka laamiga ah ee xidhiidhiya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera calaamadaha xadidda socodka gaadiidka, kuwaasoo wax weyn ka tari doona khataraha shilalka baabuurta oo beryahan dambe aad ugu badnaa waddadaas.

 

Maamulka shirkadaha Dahabshiil ayaa madaxda Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRC) si rasmi ah ugu wareejiyey calaamadaha shirkaddaasi ka samaysay jidka Hargeysa – Berbera oo tiradoodu dhan tahay 50 calaamadood oo lagu dhejiyey meelo kala duwan oo jidkaas ka mid ah, gaar ahaan goobaha shilalka ugu badan ka dhacaan.

Mashruucani waxa uu qayb ka yahay qorshe shirkadda Dahabshiil Group kaga hirgelinayso waddooyinka waaweyn dalka calaamado xadidaya heerka xawaaraha gaadiidka.

Munaasibad masuuliyadda hay’adda SRC kula wareegeen mashruuca calaamadaha gaadiidka ee Dahabshiil hirgeliyey oo lagu qabtay shalay tuulada Halleeya ee bariga caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay madax kala socday labada dhinac.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Dahabshiil Group Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Hay’adda Waddooyinka Somaliland ku wareejinayaan 50 calaamadaha socodka gaadiidka loogu talogalay oo shirkadoodu ka hirgelisay waddada laamiga ah ee isku xidha magaalada magaalooyinka Hargeysa, isagoo xusay in mashruucani yahay mid tijaabo ah, sidaa awgeedna hadduu najaxo ay ka fulin doonaan dhammaan waddooyinka waaweyn ee dalka.

 “Dad badan oo aan waddooyinka kala aqoon ayaa shilalka gala, waayo waxa uu ku soo baxayaa god, goolad amma dalcad aannu ogayn amma ka tabaabushaysan, waxana innagaga baxa amma ku waxyeellooba dad badan oo qaali ah oo aynaan ka maarmayn. Markaa Ilaahay baa qadarka haya, laakiin annagu Dahabshiil ahaan waxaannu is leenahay bal intaas ku darsada oo barmaamujyada aad bulshada u gudbinaysaan qaybta nabadgelyada ku dara si ay taxadir u noqoto,” ayuu yidhi Prof. Xasan Xiis.

Maamulaha Horumarinta Gobollada ee Dahabshiil Mr. Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee shirkadadoodu calaamado ku samayso waddooyinka, oo sannadihii sagaashanaadkii ay sameeyeen, balse la burburiyey, iminkana markii ay u adkaysanwaayeen shilalka gaadiidka markale higeliyeen.

 “Waxaannu ka codsanaynaa dadka xilkaska ah inay ilaaliyaan calaamadahaas oo inta la moodayo ka qiimo badan, waayo qurux looguma samayn ee waxa la doonayaa inay badbaadiyaan dadka oo lagaga taxadiro halista ka imanaysa meelaha jiirooyinka ah amma godadka ah in aannu darawalku isagoo baraadla’ soo gelin, in aannu meelaha dalcadaha ah ku dhaafin gaadhi kale. Waxa muhiim ah in aad loo ilaaliyo calaamadahaas oo ay jajabiyaan dad wax-ma-garato ah ama xannuunka dhimirka qaba, in gaadhiga burburiya calaamad lagu xukumo inuu tii mid la mid ah sameeyo,” ayuu yidhi Mr. Mr. Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan.

Ijineerka shirkadda fulisay samaynta calaamadaha Eng. Fu’aad Axmed Xuseen oo munaasibaddaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada 50-ka calaamadood oo uu tilmaamay inay ka mid yihiin qaar ka digaya khatar sida meel biyo-mareen ah, meel leex-leexad ah, gooladaha midig amma bixid ah, kuwo mamnuucaya meelaha aannu gaadiidku isku dhaafi karin ammase gaadhi la dhigan karo, qaar xadidaya xawaaraha baabuurta, in aan darawaliinta gaadiidku telefoon ku hadlin iyo in dadka rakaabka ah xidhaan suumanka ammaanka gawaadhida ay la socdaan, “Marka la isku wada geeyo waa calaamado dhammaystiran oo haddii lagu dhaqmo wax weyn laga faa’iidayo,” ayuu yidhi Eng. Fu’aad.

Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Cali oo kala wareegay Dahabshiil Group calaamadahan, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shirkadahaas oo uu sheegay inay qabteen hawl muhiimad weyn leh oo loo baahnaa.

“Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa Dahabshiil Group xilka ay iska saareen inay sameeyaan calaamadahan markii shilalka waddooyinku bateen ee gaadiidkeennii iyo dadkeennii xil isa saari waayeen. Waxaannu dadweynaha la socodsiinaynaa waddooyinku waa halis ee in la iska ilaaliyo oo si taxadir leh loo socdo, calaamadahana la ilaaliyo, waayo muhiimad weyn ayey inoo leeyihiin, waanuna ka guddoonay Dahabshiil Group waxqabadkan ay sameeyeen,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Cabdi Cali.

Waxa kaloo Maareeye-ku-xigeenku uu ugu baaqay ciidanka nabadgelyada waddooyinka inay sameeyaan qaybo gaar ah oo ka hawlgala waddooyinka waaweyn ee dalka isku xidha, isla markaana u xilsaaran xaaladda socodka gaadiidka ee dhinacyada xawaaraha, xamuulka amma rarka iyo khaladaadka kale ee ay sameeyaan wadayaashu.