Booliska Somaliland Oo Yeeshay Gaadiidka Gargaarka Deg Dega Ah

1
815

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa 10 gaadiid ah oo loogu talo galay gargaarka deg dega ah waxa uu ku wareejiyay ciidanka booliska.

Wasiirku waxa uu sheegay in gaadiidkan ay 24-saacadoodba dhex wereegi doonaan qaybaha kala duwan ee magaalada Hargeysa isla markaasna qofkii dhib dareemaauu ka soo waci karo lanbarka 999 si deg deg ay ugu soo gaadhaan.waxaanu xusay inay sae u qaadi doonaan caawinta iyo sugida amniga.

Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,ayaa si rasmi ah u gudoomay gaadiidkaas wasiirkana uga mahad celiyay qorshaha dhaqsaha badan ee uu gaadiidkan ku hindisay.

Ugu horayntii wasiirka oo ka hadlay afaafka hore ee wasaarada arimaha gudaha oo gaadiidkan uu ku wareejinaayay ayaa yidhi “Waxa aanu ugu talo galnay gaadiidkan ciidamadda gargaarka degdega ah in ay ugu gargaaraan dadweynahana reer Somaliland in ay kaga gam’aan ama kaga seexdaan, dawladuna in ay ka war hayso ay dareemaan.Gaadiidkani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee jiray waxa uu leeyahay Numbar la yidhaahdo 999, kaas oo aan marnaba mashquul noqonaynin, qofkuna uu soo garaaci doono hadii uu wax yar dareemo, wax yar ka dibna waa la dul imanayaa.Waxa soo baxay dhalinyaro iyagu habeenkii xaafadaha wareega dadkana dhibaato u geysta, waxaanu u sahlaya dadka in ay dhalinyaradaas oo iyagu Mobileka doonaya in ay ka qadaan qofkaasi uu hoosta ka garaaco 999 dabadeedna iyaga oo ku mashquulsan ay soo gaadhaan ciidamadu, sidaasna lagu qabto.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade waxa uu xusay in ay gaadiidkaasi wareegi doonaan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa 24-ka saacadoodba “Gaadiidkani waxa ay wareegi doonaan xaafadaha kala duwan 24-ka saacadoodba, ciidamaduna waa kuwo heegan, waxa kale oo aan bulshadda halkan uga jeedinayaa in mar hadii aanu fududaynay ciidamadda booliska adeega ay fulinayaan, in ay shacabkuna halkii hore ka soo dhawaadaan oo u arkaan ciidamadaasi in ay yihiin kuwoodii, sida beesha caalamkana ula shaqeeyaan ciidamadooda, waayo dunida kale dadkeedu iyaga ayaaba wada boolis ah.”

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamadda Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxaanu yidhi “ Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland isaga oo muddo yar oo kooban joogay waxa uu nagu soo wareejiyay gaadiidkaas badan ee aad arkaysaan, waxaanay wax badan ka qaban doonaan dhinaca nabadgalyadda, waana adeeg runtii u sahlaya shacabku in ay ku helaan wax ay doonayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  runtii waan ku amaanayaa dedaalka iyo waliba wax qabadka muuqda ee uu durba ciidamada Booliska geliyay.”

Comments are closed.