Xawaaladda WORLD REMIT Oo Macaamiisheeda u Soo Kordhisay Adeegga ZAAD

0
1021

Picture1Hargeysa (Geeska) – Shirkadda Xawaalada Lacagaha ee WORLD REMIT, ayaa ku dhawaaqday inay macaamiisheeda daafaha dunida u soo kordhisay adeeg u sahlaya inay si fudud lacag u diraan ama u qaataan.

Maareeyaha shirkadda WORLD REMIT Sucaad Yuusuf Odowaa oo shalay shir-jaraa’id ku qabatay ayaa ku dhawaaqday inay macaamisha shirkadda World Remit u soo kordhiyeen adeega casriga ah ee ZAAD, kaasi oo macaamiishooda u sahlaya inay iyagga oo guryahooda jooga oo aan xawaalad taggin ay eheladooda ugu diri karaan lacagta u dhaxaysa $ 1 ilaa 2,500 doollar.

Sucaad Yuusuf Odowaa oo sharaxaysa adeegga cusub ee ay macaamiishooda u soo kordhiyeen ayaa tidhi “Waxaanu halkan isugu nimid in shirkaddayada World Remit ay dadwaynaha gaadhsiino adeeg cusub oo ujeedadiisu tahay in dadka loo hawl fududeeyo sidii ay lacagaha u diran lahayn oo ay si toos ah isugu diri lahaayeen, adeegana waanu bilownay waanuna tijaabinay oo wuxuu noqday adeeg aad u muhiim ah oo u hawl fududaynaya dadkii lacagaha dirayey iyo kuwii helayeyba, adeegga aanu isticmaalaynaa waa ZAAD, qofkuna wuxuu lacagta dirayaa isaga oo guriga ama xafiiska jooga sida aynu imikaba aynu Somaliland uga isticmaalo”

Sucaad waxa kale oo ay sheegtay “Xadiga Lacagta uu qofku dirayaana waa $ 1 dollar ilaa 2,500 ayuu toos qofku ugu diri karaa, waxyaabaha aad u xiisa galinaya adeeggan waxa ka mid ah in qofka Miyiga  joog ee Zaadka haysta, haday biyuhu ka go’aan ama  raashiinku  ka go’aan, ayaa waxa uu tilifoon u diri karaa qofkii  joogay UK ama wadamada kale muddo koobana lacagtii loogu soo dirayaa halka uu joogo si uu wixii uu doonayey ugu  iibsado”ayay tidhi iyadda oo intaasi ku dartay “Zaadka waxaanu u adeegsanaynaa shirkad la yidhaahdo (Home Send) oo aanu heshiis wada galnay oo iyaguna heshiis la galay shirkadda TELESOM,  markaas sidaad ayaanu anaguna uga faa’iidaysanaynaa adeeggan  kaasi oo aanu dadka wax ugu qabanaynaa, sidaad  ogtihiinba  waxay Xawaalada World Remit lacag hanaanka Online-ka lacag uga diri kartaa 32 Waddan, sida caadiga ahna waxaanu lacag uga dirnaa 100 waddan, imikana waxyaabaha la diri karo waxa ka mid ah $ 1 doolar, qofbaa odhan kara telefoonka ayaa iga dhacaya (Lacagtaa iga dhamaanaysa)”

Maareeyaha Somaliland ee shirkadda WORLD REMIT Sucaad Yuusuf Odowaa waxay sheegtay “World Remite waxay toos lacag ugu dirtaa adeegyada Mobile mony Transfer ee ay GSM u aqoonsatay Inay yihiin kuwa ugu horeeya adduunkan kuwaasi oo ay ka mid yahiin MPESA (Kenya), Zaad (Somaliland) G-cash (Philippines) Smart (Philippines) Easy paisa (Pakistan) E- Cash (Zimbabwe) Iyo Mtn (Ghana)”ayay tidhi.