“Madaxweyne Siilaanyo Tuug Maaha, Dawladiisuna Tuugo Maaha”

0
4084

Picture3Gabiilay(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali ayaa jawaabo kulul ka baxiyay Golaha wada tashiga iyo toosinta,isla markaasana dhaliilo iyo hanjabaad u soo jeediyay xubaha ugu cul-culus golahaas, isagoo madaxweynaha ka difaacay eedaha ay u jeediyeen ee musuq iyo maamul xumo.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali waxa dhaliilo u soo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe,Mujaahid Dhagaweyne iyo Maxamed Xaashi. Waxaanu dhamaantood ku tilmaamay hogaamiyayaal fashilmay,isaga oo mid kasta gaar kiisa uga hadlay.

Waxa uu arimahan wasiirka madaxtooyadu kaga hadlay isaga oo xadhiga ka jaraayay wadada isku xidha Gabiilay iyo Wajaale.waxaanu ugu danbaytii madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba ka difaacay eedaymaha loo soo jeediyeen.

Ugu horayntii wasiir Xirsi waxa uu dhaliilo iyo eedayno u soo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa aan doonayaa in aan halkan jawaab uga diro Faysal oo iska daa Kiilo mitire,  talaabo ku soo kordhin, maalinba ninka dalka xukumaya ayaad caydaa, waxaana dhici doonta in adiga oo halkaas naga caayaya la arki doono dalkii oo dhismay, waxa aan ku leeyayay af xumadda maalintii iyo ergada habeenkii aad noo soo dirayso kala daa.Bal ama isku filnoow, ama naga daa ergadda aad habeenkii madaxtooyadda u soo dirayso.Marka laba col ay is galaan, waxa dhacda in gaadhiga la saaran yahay in la arko nin gaadhiga ka dega oo carara oo is yidhaahda malaha gaadhigu waa kula gaabinayaa, faysal waa ninkaas Xisbigiisii ka cararay ee u cararay gole, waxa aan ku leeyahay xisbigaaga ku soo laabo.”

Waxa kale oo uu dhaliilo wasiir Xirsi u soo jeediyey Mujaahid Dhagaweyne waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa Jirta rag kale oo Magac Ku Lahaa Dalka, laakiin aad hadda mooda in ay magacoodii iyo sumcadii hore masaxayaan, kuwaas oo uu ka mid yahay Dhago weyne.Hadaad shalayto soo Halgamaysay, laakiinse ay kuu barbar taalay in aad Siilaanyo u gasho Jidgooyo oo ina Cigaal Xilligii Sulaadiinta La uruurinayay aad lahayd waan duminayaaye soo deg oo ina Riyaalena Shalayto aad lahayd aynu ku duulno, oo maantana aad Siilaanyo leedahay aynu ku duulo oo weeraro, waa ayaan darro miyaanad weerar ka gudbayn, miyaanad ka gudbaynin in aad dalkaaga Tidhaahdo aan col geliyo.Waxa aan ku leeyahay dalka waa la dhisayaaye qaybtaada ka qaado oo wax ka dhis.”

Dhinaca kale waxa uu sharci darro ku tilmaamay Golaha Toosinta iyo wada Tashiga, waxaanu ku goodiyay in aan dalkan Somaliland cidnaba laga ogolayn in ay sharci daro ku talaabsato "Waxa timid sharci daradda, waar nina sharci daro laga yeeli maayo, ninkii sharciga diidoow, sharci daradu waxa ay kuu dhasho waxba ha naga siinin.Waxa weeyaan hogaamiyeyaal guul daraystay, shalay buu hogaaminayay UDHIS haddii lagu diiday oo umad ku dooran wayday" ayuu yidhi.”

Mar uu la hadlayay Mujaahid Maxamed Xaashi waxa uu yidhi "Maxamed Xaashi waxa aan leeyahay waxa aad maanta sheegayso maad sheegtid shalay markii aad wasiirka ahayd.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisan ku soo gunaanaday wasiir Xirsi sidan “ Xaasha Siilaanyo tuug maaha,Xaasha Dawladiisuna tuugo Maaha,xaasha shay nama soo galin,madaxtooyada ayaa la hoos keenay ayaad kiis ka dhigaysaan waakane maareeyii waydiiya, hadii la helo hal dolar iyo hal litir oo shidaal ah anaga ayaa qoorta dhiganayna.”