Dadka 60 Jir Ka Weyn Oo La Filayo In Ay 2050 Tiradoodu Gaadho 2 Bilyan Iyo Cabsida Dalal Badan Ay Ku Hayso

0
3871

Picture10

New York (Geeska)- Qaramada Midoobey ayaa saadaalinaysa in tirada dadka da’doodu Lixdanka sano ka weyn tahay ay sannadka 2030ka gaadhi doonto ku dhowaad 1.4 Bilyan oo ruux, halka sannadka 2050ka lagu wado in tiradaasi ay noqoto Laba Bilyan oo ruux. Arrintaas oo qasab ka dhigaysa in hadda laga sii fikiro dejinta istaraatijiyado suurtogelinaya in waqtigaas la helo imkaaniyaadkii lagu daryeeli lahaa dadkaas. Ururro badan oo caalamiya ayaa iyaguna ku baaqay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha iyo saamaynta taban ee ay nolosha adduunka ku keeni karto tirada dadka gaboobay oo sii badataa. Waxaana ugu mudan kharashaadka dalalku ku bixiyaan daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo sii kordhi doona illaa heer looga cabsi qabo in ay taako ku noqoto koritaanka dhaqaale ee dalalka qaar.

Waxaa iyaguna jira dalal Yurubta galbeed u badan oo ay ka jirto cabsi ah in dadkoodu ay sannadaha soo socda u bataan waayeel hawlgab ah, taas oo meesha ka saari doonta maskax iyo khibrad badan oo hadda dalalkaas ka caawisa arrimaha dawladnimada iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale xoog shaqaale oo ku keeni doona in ay u baahdaan dad ay dibadda ka soo dhoofsadaan, dhinaca kalana waxaa la dareensan yahay in dadka muhaajiriinta ah ee dalalka Yurubta galbeed ku sii badanayaa aanay lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo ay waqtiga dhow ku buuxin karaan kaalinta ay banneeyaan muwaadiniinta sii gaboobayaa.