Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Talada Dib Ugu Celiso Shacabkii Doortay

0
903

Picture3Hargeysa(Geeska):-Masuuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay si dhakhso ah ay talada ugu wareejiso shacabkii soo doortay,waxaana  ay carabka ku dhufteen in Xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantay in ay si rasmi ah ay u soo furto xuduudka dalalka jaarka la ah Somaliland,sida oo kalena waxaa ay ku eedeeyeen in ay Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalada bari ee ay u goostay Puntland ay iyagu ka masuul yihiin,maadaama baa ay yidhaahdeen ay ka qayb galin waayeen taladii ay ku lahaayeen deegaanadii ay ka soo jeedaan.

Masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga WADDANI ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shaley ku qabteen xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa.waxaana a Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) ay ku tilmaameen mid maamul xumo aad u baahsnai ay dul hadhaysay.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mr:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ugu horeyn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxaa tilmaamay in Somaliland ay maanta marayso meel aanay waligeed gaadhin,maadaama baa uu yidhi ay intii ay Xukuumadani jirtay ay dawladaha jaarka ah ula dhaqanto qaab ka duwan sidii ay hore ula dhaqmi jireen Xukuumadihii ka horeeyey,waxaana uu carabka ku dhuftay in xidhitaanka xuduudka dalalka  jaarka la ah Somaliland ay sabab u tahay maamul xumida Xukuumada maanta jirta.

“waxaad ogtihiin in Xuduudihii dallalka dariska ah ee aynu walaalaha aheyn ee Jabuuti iyo Itoobiya in la xidhay oo ay imika mudo dheer xidhnaayeen, dadkuna ay yihiin dad walaalo ah oo wax ka dhexeeyaana aanay jirin,Xidhitaankaa Xuduudahana waxaa u sabab ah Maamul Xumada maanta jirta ee Somaliland katalisa,iyo xidhiidh xumada ay la samaysay dowladahaasi oo ka duwan qaabkii hore ee aynu ula dhaqmi jirney dowladahaa aynu jaarka aheyn,aad iyo aad ayaanu uga xunahay Waxaananu Xukuumada usoo jeedinaynaa Wadani ahaan iyadoo ay Xuduudihii xidhan yihiin dhinac Walba oo badii xidhan tahey,iyo Cirkii oo ay Soomaaliya la wareegtay oo ay Somaliland kujirto meel aanay waligeed iyo alaheed gaadhin ilaa maalintii lagu dhawaaqay,aad iyo aad ayaanu uga xunahay waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xukuumadu ama si dhakhso ah dadweynihii doortey talada gacantooda usoo celiso ama ay si dhakhso ah waajibkii ay laheyd u gudato oo furto xuduudihii dalalka jaarka ah Somaliland waa Somaliland haday tahey hawo iyo hadey tahey Badd, iyo hadey tahey Bariba ama waxaanu kaa yeelaynaa ka  Un ama Waxaanu yeelaynaa ta caynkan ma aha wixii loo igmadey taasi ee Somaliland waa Somaliland”Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac) oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa  dhankiisa waxaa uu ka hadlay sababaha ka danbeeyey in Md:Axmed Cabdi Xaabsade uu tago maamulka Puntland,waxaana uu tibaaxay in ay ugu wacantahay in Xukuumadu ay u diiday  isaga iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda deegaanada Gobalada Bari  in ay faraha la galaan shirkii Khaatumo,sida oo kalena lagala tashan waayey deegaanka uu ka soo jeedo duruufihiisa kala duwan ee uu ku sugan yahay.

“Waxaan aaminsanahay in Shirkii Khaatumo ee Cali Khaliif galeydh ku qabsadey Gudaha dalka Somaliland ay Xukuumadani ka dambeysay maadaama oo ay u diiday in ay faraha lagalaan, oo ay doorkooda ka ciyaaraaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaankaasi xagee lagu arkey Dowlad dhan oo dhisan oo Golayaasheedii Qaranku u dhan yihiin oo Dowlad kale lagu dul dhiso waxaan qabaa in guuritaanka Axmed Cabdi Xaabdsade uu u wareegay Puntland ay qeyb ka tahey Siyaasad xumada Xukuumadan, maadaama aan lagala tashan Deegaankoodii iyo duruufaha Siyaasiga ah ee ka taagan Deegaanada Sool,waxaan qabaa in Rag badan oo Wasiiro ahi kadaba tagayaan oo aan nina waxba laga weydiin Deegaanadaasi uu kasoo jeedo waana Siyaasad Xumada Xukuumadan, waanu tusaynaa oo waanu ka hadleynaa oo Shacbiga ayaanu leenahay hala arko waxaanu kula talin laheyn Xukuumadan, in ay shacbiga ku wareejiso talada maadaama ay hanan kari weyday”Ayuu yidhi Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali.