Basaas 60 Sano Ka Hor Difaacay Marwada Koowaad Ee Maraykanka Markii La Dilay Madaxweynaha Oo La Socday Ayaa Imika La Abaal Mariyey

32
3183

Washington (Geeska)- Dawladda Maraykanka ayaa go’aan ku gaadhay in ay abaalmariso sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray sirdoonka dalkaas, kaas oo ku caan baxay sidii yaabka lahayd ee uu jidhkiisa ugu daboolay marwadii koowaad ee Maraykanka Jackline Kennedy, kaddib markii shishyahan meel durugsan ka soo tooganayey uu dilay madaxweyne John F. Kennedy oo hareer fadhiyey marwada.

Masuuliyiinta gobalka Woqooyiga Dakota (North Dakota) ayaa soo gudbiyey dalab ay ku codsanayaan in ay dawladda Maraykanku abaalmariso sarkaalkan sirdoonka ahaa oo markii uu arkay in madaxweyne John F. Kennedy xabaddu ku dhacday. Inta uu xagga dambe kaga soo booday gaadhigii dusha bannaanaa ee ay wada saarnaayeen madaxweynaha iyo afadiisu. Isku dul tuuray marwada oo uu jidhkeeda oo dhan jidhkiisa ku daboolay si haddii ay xabbad kale iyada ku soo maqan tahay ay isaga ugu dhacdo.

Dough Borgam oo ah guddoomiyaha gobalka North Dakota ayaa jimcihii dorraad ee 5ta Oktoobar ku dhawaaqay in basaaska la odhan jiray Clint Heal la siindoono abaalmarinta qoorta la gashado ee lagu magacaabo Theodor Roosevelt Rav Rider, oo loogu magac daray madaxweyne hore oo Maraykan ah. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in sarkaalkani uu abaalmarinta ku guddoomi doono munaasabadda ballaadhan.

Hail maalintaas oo bisha Kow iyo tobnaad 22 ahayd sannadkii 1963 kii, waxa uu ka mid ahaa ilaaladii u xilsaarnayd sugidda ammaanka marwada koowaad, laakiin madaxweyne John F. Kennedy oo marwada hareer fadhiyey ayaa lagu dilay rasaas meel durugsan lagala soo shiishay. Hail qariyey dhammaan jidhka marwada si uu uga feejignaado in xabbad dambe ku soo maqan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here