Qaahira (Geeska)- Suuradda 18naad (KAHF) ee Qur’aankiisa Kariimka ah, aayadaha 60 illaa 82 waxa uu Alle kaga sheekeynayaa qiso dhex martay Nebigii Alle ee Muuse (CS) iyo Khadar oo ka mid ahaa Awliyada Alle ee cilmiga leh. Qisadan oo ahayd imtixaan Alle Nebigiisii Muuse (CS) ku tusayey in uu adduunyada kula noolaa ruux ka cilmi badan, kadib markii uu nebi Muuse oo tolkii la hadlaayey aqoonta ugu badan dunida sheegtay.
Haddaba qisadan oo dheerayd waxaa ku xusan in Nebi Muuse iyo wiil gacanyare u ahaa oo uu watay ay safar u galeen in ay la kulmaan Khader, iyaga oo sii qaatay xuut calaamad u ah halka ay kula kulmayaan. Waxa aanu Nebi Muuse (CS) wiilka u sheegay in aanu safarka joojin doonin illaa uu gaadho, ‘Halka ay labada badood ku kulmaan’
Waxa uu Qur’aanka kariimka ahi sheegay in markii ay muddo socdeen uu xuutkii mar si kedis ah wiilka uga fakaday oo badda galay, wiilkaas oo markii hore illaaway in uu Nebi Muuse u sheego, ayaa mar dambe oo ay cabbaar ka tageen halkii xuutku badda ka galay, waxa uu Muuse (CS) u sheegay, ‘Markii aynu u hoyanay dhadhaabtii, (Dhagax weyn oo xeelliga badda illaa badda gudaheeda is haystay) ayaa aan illaaway xuutkii, kadiba si yaab leh uu badda u galay’
Nebi Muuse (CS) oo gartay in halkaasi ahayd halkii ay u socdeen ayaa dib haddaa ay halkii uga soo noqdeen si ay u yimaaddaan dhagaxaas oo ah halka ay iska heleen Nebi Muuse (CS) iyo addoonkaas Aweliyada aqoonta Alle siiyey ahaa ee Khadir (CS).
Haddaba halkaas uu Nebi Muuse (CS) sheegay in ay ku kulmaan labada badood waxa ay culimada Qur’aanka Kariimka ah fasirtaa ku sheegeen meelo aad u kala duwan iyo bado aan isu dhoweyn.
Si kastaba ha ahaato ee Dr. Cabdiraxiim Reyxaan, oo ah agaasimaha guud ee cilmibaadhista, iyo raad-raaca dadkii hore iyo dhaqannadooda (Archaeology), iyo baahinta sayniska ee xarunta Sinaa’ ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in “Barkulanka Labada badood” ee Alle (SWT) ku sheegay suuradda Al-Kahf ee Qur’aanka Karmiika ahi ay ku taallo degmada Ra’su Muxammed ee magaalada Sharma Sheekh, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay barta ay ku kulmaan gacan-badeedka Caqaba iyo gacan-badeedka Suweyska ee koonfurta gobalka Siinaay ee dalka Masar.
Khabiirka oo la hadlay shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika warbixintan ka soo xigtay ayaa sheegay in daraasad uu sameeyey khabiirka cilmiga raad-raaca, Cimaad Mahdi oo xubin ka ah jimciyadda xeeldheerayaasha cilmiga ee dalka Masar, isaga oo adeegsanaya farsamo tiknoolajiyadeed oo dayax-gacmeedku ku mid yahay, in uu aqoonsaday goobtii ay ku kulmeen Nebi Muuse iyo Sayid Khadar (Labadoodaba Alle ha nabadyeelo ee), muddo hadda lagu qoyaasayo in ay ka soo wareegeen 3 kun iyo 2 boqol oo sano. Waxa uu khabiirku sheegay in tilmaamta uu Qur’aanku ku sheegay goobtan ee ah ‘Barkulanka Labada badood’ aan Juqraafi ahaan lagu tilmaami karin meel kale oo dunidan ka mid ah.
Dr. Reyxaan oo arrintan sii faahfaahiyey ayaa sheegay in muuqaallada lagu qaaday dayax-gacmeedku ay caddeeyeen halka uu yaallo dhagaxii Xuutku ku fakaday, oo ah halka ay ku kulmeen Nebi Muuse iyo Addoonkii Alle ee Khadar. Halkaas oo ah dhagaxa keliya ee badhtamaha u ah dhabbe gala Ra’su Muxammed, isaga oo khad toos ah ku socdana xidhiidhsan illaa halka ugu dambaysa ee berriga ah, goobta ay ku kulmeen labada badood.
Khabiirku waxa uu sheegay in sawirrada dayax-gacmeedka lagu qaaday ay sidoo kale muujinayaan xeelligii yaraa ee ay ku xidhayd doontii uu watay Khadar, taas oo uu sheegay in ay tahay marag kale oo caddaynaya in goobtani ay tahay taas Qur’aanku sheegayo.
Khabiirka oo ka hadlaya jihada ay u socotay doontii uu watay Khadar (Cs) ee Nebi Muuse (CS) la raacay ayaa sheegay in taas ay caddaynayso taariikhda oo laga dheehanayo in ay ka timid gacanka Suweyska dhankiisa, una jihaysnayd dhinaca gacaka Caqaba oo qaybiya Masar, Israa’iil, Urdun iyo Sucuudiga.