Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 6aad)

0
1010

Lois: 27 jirkii sababtay in dawladda Maraykan ay soo saarty xeerka nadiifinta qashin qubka sunta iyo magdhow siinta dadka ku wax yeellooba

Lois Marie Gibbs waa haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo u dhaqdhaqaaqda dhowrista deegaanka. Lois oo dhalatay sannadkii 1951 kii, waxa ay sumad u noqotay dadaallada nadaafinta deegaanka, iyo in qashinka sunta ah laga fogeeyo deegaanka qoysaska iyo guud ahaan nadaafadda deegaanka.

Dadaalkeedu waxa uu bilowday sannadkii 1978 kii, markii iyada oo 27 sano jirtay, ay ogaatay dhismaha dugsiga uu dhiganayey wiilkeeda oo markaas 5 sano jir ahaa, in laga dul dhisay goob qashinka sunta ah lagu qubi jiray.

Xogtan ay heshay Lois ka hor waxaa deegaanka ka dhacay dhacdooyin dadka yaab ku noqday oo saamayn ku yeeshay caafimaadka, dhawaq qaraxyo u eeg iyo xanuunno carruur badan ku dhacay oo aan sababtooda la caddayn ayaa lagu arkay deegaanka. Arrintaas sababteeda waxaa fashiliyey weriye ka tirsanaa majaladda Niagara Gazette. Waxa kale oo sii xaqiijiyey urur cilmibaadhiseed ka jiray magaaladan Love Canal, oo sheegay in dugsigu uu ka dul dhisan yahay qashin qubka.

Lois oo ay arrintaas aad u taabatay, ayaa abaabushay dadkii xaafadda ee carruurtooda uu dugsigu u furnaa, waxa aanay dhistay dhaqdhaqaaq ay ugu magac dartay magaalada oo ay u bixisay, Iskaashatada hantiilayaasha guryaha degmada Love Canal. Waxa ay qortay warqad cabasho oo ay ka saxeexday dhammaan qoysaskii ay ka agdhowaa godkan, iyada oo albaab kasta inta ay garaacdo ka codsanaysa in ay taageeraan warqaddan dadweyne ee ay ku dalbanayso in dawladdu ay tallaabo ka qaaddo arrintan khatarta ku keentay caafimaadka degmada.

Waxa ay dagaalkeeda ka bilowday dawladda hoose ee degmada ay dhibtani ka jirtay, waxa ay u gudubtay heer gobal, waxa aanay wadday illaa dawladda Federaalka ah, oo ay waaxda caafimaadka hor dhigtay warqadda cabashada ee ay ku saxeexan yihiin 833 qoys oo deggen degmada iyo xaaladaha caafimaad darro ee foosha xun ee ka dhacay. Inkasta oo Lois uu dadaalkani sannado ku qaatay, ugu dambayntii waa ay gaadhay ujeedadeedii, kaddib markii qadiyadda degmadani ay caan ka dhex noqotay dalka, isla markaana ay soo baxeen dad badan oo la jira ama ugu yaraan u beer dabcay cabashada ay dadkani qabaan. Waxaa iyaguna soo baxay deegaanno kale oo qashin sun ah lagu qubay, lana arkay xaalado caafimaad darro oo ka dillaay.Arrintaas oo gadhay heer ay culays ku keento dawladda maadaama oo ay rayulcaamka gaadhay, gaar ahaan waqtigaas oo xilli doorasho ahaa.

Xukuumaddii madaxweyne Jimmy Carter waxa ay go’aan ku gaadhay in arrintan wax laga qabto, waxa ay deegaannadii qaar kaga dhawaaqday xaalad degdeg ah oo bani’aadamnimo, waxa aanay bilowday olole ay ku nadiifinayso degmada Love Canal iyo guud ahaan deegaannadii sunta lagu qubay waqtiyada kala duwan.

Lois waxa ay noqotay qofka ku sawiran isbeddelka ka dhacay degmadan iyo guud ahaan dalka, isla markaana tusaale loogu soo qaato sida uu qof keliyi saamayn ugu yeelan karo rayulcaamka dadka, culaysna u saari karo dawladda.

Madaxweyne Jimi Carter oo arrintan ka hadlay ayaa haweenaydan isbeddelka keentay ee Lois waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd xididka ugu muhiimsan ee uu ka soo abqaalmay dhaqdhaqaaqaas 1980 kii ka dhacay degmada Love Canal.

Isbeddelka ay Lois sababta u noqotay kuma uu koobnaan intii ay filaysay oo ahayd in degmada iyo dugsiga carruurta qashinka laga nadiifiyo, kuma ay joogsan in arrintaas wax laga qabtay iyo in madaxweynuhu u qiray in ay isbeddel dhaliye tahay. Balse waxa ay gaadhay heer dhaqdhaqaaqeedu uu sabab u noqday in wakaaladda daryeelka deegaanka oo ah hay’ad ka tirsan xukuumadda Maraykanku ay abuurtay sharci ay dhigaya qaabka ay tahay in loo dhowro deegaanka iyo weliba waajibaadka cid kasta ka saaran dhawristiisa iyo sida oo kale xuquuqda, ganaaxa iyo magdhowga lagu helayo xad gudubyada dhinaca deegaanka.

Waxa ugu horreeyey ee xeerkan ka dhashayna waxa uu ahaa in xukuumadda Maraykan uu ku waajibayey in samayso baadhis ay ku cayimayso meelaha uu qashin sun ahi ka yaalla dhulka Maraykanka oo dhan iyo in ay nadiifiso.

Lois intaas kuma ay joogsan ee waxa ay aasaastay urur ay ugu magac dartay xarunta caafimaadka deegaanka iyo cadaaladda oo magaceeda loo soo gaabiyo ‘CHEJ, kaas oo ay illaa maanta ka tahay agaasime.

Dhinaca kalana Lois waxa ay qortay dhowr buug oo uu ka mid yahay mid ay kaga warramayso sheekada qashinka sunta ah ee degmada Love Canal sida ay ku bilaabatay iyo saamaynta ay yeelatay. buuggaas oo xiise badan yeeshay ayaa marki idambe laga sameeyey filimka, Lois Gibbs: The Love Canal Story’

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here