21 Oktoobar: Xusuus Murugo Leh

0
205

Geeska Afrika staff writer

Shalay oo ay taariikhdu tahay 21 Oktoobar waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 50aad ee ka soo wareegtay maalintii ay talladii dalkii Soomaaliya la wareegeen Saraakiil Milatari oo uu hoggaaminayay Gen. Maxamed Siyaad Barre oo taladii qori caaradii lagaga tuuray sannadkii 1991-kii, ka dib markii uu Madaxweyne ahaa 21 sannadood.

Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiishii uu hor kacayay waxa ay talladda ka qaadeen dawladii Rayidka ahayd oo uu Raysalwasaare ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyada oo Madaxweynihi dawladaasna oo ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarka la dilay 15 Oktoobar, dilkaas oo ahaa sababtii ugu weynayd ee ay ka faa’iidaysteen saraakiishaas uu horkacayay Siyaad Barre.

Markii subax Salaasa ahayd Idaacadii Radio Muqdisho laga sheegay in taladii dalka ay la wareegeen 25 Sarkaal oo Milatari u badnaa waxa dadweynihii sameeyeen isu soo bax iyaga oo u muujiyay taageero, waxaanay saraakiishii uu horkacayay Maxamed Siyaad Barre shacbiga u sameeyeen ballan qaadyo kala duwan waxaanu kacaankii sannadihii u horeeyay sameeyay dhawr qorshe oo ay ka mid ahaayeen Qorshihii horumarinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, ololihii horumarinta reer miyiga iyo qorista af Soomaaliga oo ah tallaabadii ugu weynayd ee lagu xususto kacaankaasi.

Sidoo kale waxa xusid mudan barnaamijkii loogu magac daray iskaa wax u qabso oo lagu hirgeliyay mashaariic iyo dhismayaal badan. Balse arrimahaas waxa barbar socday tallaabooyin iyo arrimo kale oo fuul xun oo uu kacaanku waday sida saddex Sarkaal oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Salaad Gabayre Kediye oo ka mid ahaa raggii inqilaabka la fuliyay Siyaad Barre, kuwaas oo lagu eedeeyay inay  wadeen inqilaab oo toogasho lagu dilay iyo weliba culimo-awdiinkii dhegta dhiiga loo daray ka dib markii ay ka soo horjeesteen xeerkii qoyska ee sinaanta ragga iyo dumarka.

Waxa xaalku cakirmay markii sannadkii 1977 uu dagaal dhex maray dalkii Soomaaliya iyo dawladii Itoobiya, kaas oo aakhirkii Soomaaliya u horseeday burbur milatari iyo mid dhaqaale, waxaana markiiba bilaabantay Mucaaradad gudaha ah lagaga soo horjeedo taliskii kacaanka iyada oo ay dibadda u baxday jabhadii ugu horaysay ee SSDF oo ka dhalatay ka dib markii ay kacdoon dhigeen dadkii degenaa goboladii Waqooyi bari ee dalka Soomaaliya. SSDF waxa ku xigtay Jabhadii SNM oo la aasaasay sannadkii 1981, ka dib markii shacbiga reer Somaliland ka dhiidhiyeen cadaadiskii iyo xasuuqii ay dawladii Siyaad Barre kula kacday. Taliskii Siyaad Barre waxa uu hadh cad badhka geeyay oo uu xasuuqay shacbiga Somaliland gaar ahaan hal doorkoodii sida aqoonyahankii iyo wax garadkii bulshada, waxaanay taasi soo dedejisay in halgankii SNM sii xoogaysto iyada oo ay xukuumadii siyaad Barre iskaga horyimaadeen dagaalo xoogan oo Siyaad Barre lagu wiiqay cududiisii. Sidoo kale waxa ay SNM madax madax isugu soo tuurtay gudaha magaalooyinkii Somaliland sida Burco iyo Hargeysa. Markii jabhadii SNM xoogaysatay halgankii waxa magaalada Xamar habeen madow laga ururiyay dad tiro badan oo reer Somaliland ah oo goor habeenimo ah laga xasuuqay xeebta Jasiira ee duleedka Xamar. Geesinimadii Jabhadii SNM waxay horseeday inay abuurmaan jabhado kale sida SPM iyo USC, waxaana bilaabantay inay wiiqanto cududii ciidan ee Maxamed Siyaad Bare, waxaana aakhirkii dhacday in Siyaad Barre loogu galo gudaha magaalada Muqdisho lagana tuuro taladii uu xoogga ku qabsaday, waxaanu ku geeriyooday dalka Nayjeeriya sannadkii 1995. laakiin talladii laga tuuray iyo geeridiisii toona may dhammayn in dhibaatadi xal loo helo, waxaana Soomaaliya ka qarxay dagaalo sokeeye iyada oo wixii la odhan jiray goboladii waqooyina lagaga dhawaaqay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo xornimadeedii kala soo noqotay Koonfur halka Somaliyana ku jirto jaha wareer iyo qalalaase.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.