Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 5aad)

0
313

Lily Lidbetter: halgan ay 28 sano wadday ayaa sahlay in la sameeyo sharci ragga iyo dumarka mushaharka u simaya:

Lily Lidbetter oo ah haweenay Maraykan ah oo dhalatay sannadkii 1938 kii, ayaa la aaminsan yahay in ay tahay qofkii ugu horreeyey adduunka ee bannaanka u soo saaray sir muddo dheer ay shirkadaha loo shaqeeyaa qarinayeen oo ahayd in ay ragga iyo haweeenka mushahar kala badan siiyaan. Tan iyo maalintii ay Lily oo sida oo akel qoraa ahi arrintan maxkamadda horteeda ku fashilisayna waxa ay ahayd shakhsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka.

Lilly Aabaheed waxa uu ahaa farsamoyaqaan dhinaca mishiinnada ah (Makaanik), iyaduna iyada oo weli dugsiga sare ku jirta ayaa ay guursatay, inkasta oo ay waxbarashadeeda sii wadday illaa heer jaamacadeed.

Lily oo laba carruur ah lahayd waxa ay shaqo kaaliyaha agaasimaha maaliyadda ah ka noqotay jaamacadda Jacksonvilla intii u dhexeysay 1974 kii illaa 1975 kii. Sannadkii 1979 kii waxa ay shaqo kormeerenimo ka heshay shirkadda caanka ku ah soo saarista taayirrada gaadiidka ee Goodyear. Laakiin markii ay shirkaddaas muddo 19 sano ah ka shaqaynaysay, ayaa ay maalin maalmaha ka mid ah heshay dhambaal cid magaceeda qarisay u soo dirtay oo loogu sheegay in mushaharkeeda sannadkii uu kumaan kun ka yar yahay inta ay qaataan ragga shirkadda kala shaqeeya ee ay isku xilka yihiin.

Waa goor ay ku dhowdahay in ay hawlgab gasho, marka ay ogaatay in ragga la aqoonta iyo waayo aragnimada ahi ka mushahar badan yihiin, laakiin waxa ay go’aansatay in aanay arrintaas ka hadhin, waxa aanay furatay dacwad madaniya oo sheegaysa takoor jinsi in lagu sameeyey.

Lilly shirkaddeeda waa ay kaga guulaysatay xukunkii koowaad ee maxkamadda, laakiin racfaan iyo geeddi socod maxkamadeed oo socday ku dhowaad toban sano ayaa ugu dambayntii ay maxkamadda saree e dalka Maraykanku sannadkii 2007 soo saartay go’aan kama dambays ah oo dacwaddii iyada u xukumaya. Laakiin xukunkaas waxaa tirtirtay maxkamadda sare ee Maraykanka oo u eegtay shuruudo dhinaca geeddi socodka sharciga ah oo ay ka mid tahay in waqtiga ay ogaatay in qalad laga galay iyo waqtiga ay dacwadda bilowday ay u dhexeysay muddo ka badan intii sharcigu ogolaa.

Laakiin dadaalka ay samaysay iyo halganka ay gashay waxa ay sababeen doodo iyo cadho rayulcaanka saamaysay oo ugu dambayntii kalliftay in golaah Kongareeska Maraykanku uu sannadkii 2009 kii dejiyo xeer iyada loogu magac daray oo waajibinaya in mushaharka aan loo kala badsan jinsi. Waxa kale oo uu xeerkani meesha ka saaray waqtigii ku xidhnaa bilowga dacwadda. Waxa aanu jideeyey in dacwadaha noocan ah uu qofku mar kasta soo oogi karo, si looga hortago in dad dambe oo xaaladdan oo kale ahi ay xuquuqdooda ku waayaan shardigii dhinaca waqtiga ahaa ee Lilly guuldarrada ku keenay.

Lily oo la weydiiyey muhiimadda midhaha dadaalka ay sannadaha badan wadday, maadaama oo aanay magdhow helin, ayaa ku jawaabtay in  dhib kasta oo gaadhay iyo magdhow la’aantuba aanay macno lahayn, mar haddii marka ay dhimato taariikhda ay ku gelayso in ay tahay qof isbeddel keenay.

Xeerka Lilly ay sababtiisa lahayd ee Kongareesku taariikhda kale ee uu leeyahay waa in uu noqday xeerkii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Barak Obama saxeexay markii uu madaxweynaha noqday.

Guulaha dadaalka Lily ka dhashay kuma koobna in xeerkan la soo saaray, iyo in dumarka Maraykan ee marka hore aamusnaa xitaa iyaga oo xitaa og in ay ragga ka mushahar yar yihiin ay heleen sharci taageera iyo fursad ay kaga caban karaan. Balse waxa kale oo uu shirkadaha Maraykan ka dhex abuuray muran weyn oo la xidhiidha shaacinta mushaharooyinka.

Caadi ahaan mushaharku waxa uu ahaa inta badanna uu weli yahay sir u dhaxaysa shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha, waxa se soo baxay dad badan oo aaminsan in arrintaas ay ku dhex luntay xog badan oo darteed ay dad u dulman yihiin, tusaale ahaan in shirkaduhu dad isku xirfad, aqoon iyo waayo-aragnimo ah, shaqadana isku waqti joogay, haddana ay mushahar kala duwan kula heshiiyaan.

Waxaa soo xoogaysatay dood kale oo la xidhiidha cilmi nafsiga, taas oo ah in qofka shaqaalaha ahi marka aanu ogeyn mushaharka shaqaalaha la midka ah, in aanay niyaddiisu fiicnaan, mar kastana qabo shaki ah in dadka dhiggiisa ahi ka mushahar badan yihiin, gaar ahaan haddii uu arko cid uga galaangal badan ama uga xidhiidh dhow maamulka.

Si kastaba ha ahaato ee weli meesha kama ay wada bixin kala sarraynta mushaharka labka iyo dheddiga ee dalka Maraykanka iyo inta badan ee dalalka adduunka. Tusaale ahaan war ay wasaaradda shaqada ee dalka Maraykanku soo saartay sannadkii 2018 kii ayaa ay ku sheegtay in dumarka Maraykan ee shaqeeyaa ay qaataan mushahar boqolkiiba 18.1 ka yar inta ay qaateen shaqaalaha ragga ah ee kala midka ah xilalka, aqoonta, waayo-aragnimada iyo muddada ay shaqada joogeen.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadaha ayaa iyaguna dhinacooda difaaca sababta ay mushaharka ugu kala badiyeen ragga iyo dumarka. Shirkadda Wallmart oo markii warbixintaasi soo baxday war ka soo saartay sababta ay ragga iyo dumarka ugu kala mushahar badinayso ayaa ku dooday in raggu ay yihiin cidda masuuliyadda biilinta qoysku ay saaran tahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.