Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 4aad)

0
368

Ryan White oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa markii la gudayey uu dhiiggiisu joogsan waayey, baadhitaankii caafimaad ee arrintaas lagu sameeyeyna waxaa lagu ogaaday in uu leeyahay xaalad hidde ah, oo ah in aanu dhiiggiisu xinjirow lahayn, laakiin nasiibwanaag dhakhaatiirtu xaaladdiisa waa ay la tacaali jireen mar kasta oo uu dhiigbax ku yimaaddo.

Ryan White xaaladdiisu waa ay fiicnayd illaa uu gaadhay da’dii 13 jirka. Markaas oo ahayd bishii Diisambar ee 1984 kii, ayaa xanuun aad u darani qabtay, shaybaadhadii lagu sameeyeyna waxa lagu ogaaday in wiilkan yari uu qabo xanuunka AIDS ka.

AIDS ka markii ugu horreysay ee ay saynisyahannadu ka heleen dalka Maraykanku waxa ay ahayd 1981 kii, inkasta oo ay jirto taariikh sheegaysa in sannadkii 1966 kii xaalado cudurkan loo malayn karo lagu arkay dalka Norway, sida oo kalana saynisyahannada Faransiisku ay ku doodayaan in ay Maraykanka hortii ogaadeen jiritaanka cudursidaha HIV ee AIDS ka keena.

Dadkii bilowgii hore xanuunka lagu arkay waxa ay ahaayeen dadka daroogada isku muda iyo ragga isku jinsiga ah ee isu galmooda, taas oo faham qaldan ka bixisay sida xanuunka lagu qaado. Dadweynaha caadiga ahna ku abuurtay dareen ah in cudurku uu ku dhaco dadka dhaqannadaas qaldan sameeya oo keliya.

Wiikan yar ee Ryan White waxa uu cudurka AIDS ku ka soo raacay qalab cudursidaha HIV ku wasakhaysan oo ay isticmaaleen dhakhaatiirtii ka dawaynaysay xanuunka xinjiroow la’aanta ee dhiiggiisa.

Reyne White oo ay xaaladdiisu sii adkaatay intii shaybaadhadu socdeen, waxaa dhib ku noqotay in uu dugsigii waxbarashada dhaqso dib ugu noqdo. Markii uu ka soo reeyey oo ahayd horraantii 1985 kiina ku noqoshadii dugsigu waxa ay u horseeday xaalad bulsho oo xanuunkiiba kaga dhib badan.

Nasiibdarro markii waalidkii uu dugsigii dib ugu celiyey, maamulkii dugsigu waxa uu ku wargeliyey in aan loo ogalayn in uu dugsiga dhigto, isaga oo ku andacoonaya in uu khatar ku yahay carruurta kale. Dadaal siddeed bilood socday, oo marxalado kala duwan soo maray ayaa White waalidkii u soo maray sidii ay ilmahooda dib ugu celin lahaayeen waxbarashada.

Bilowgii maamulka dugsigu waa uu diiday in Ryan White uu ardaydiisa ka sii mid ahaado, laba bilood kaddib waxaa Ryan loo ogolaaday in isaga oo gurigooda iska jooga uu taleefan fasalka la dhex dhigay ka dhegeysto casharrada.

Saddex bilood kaddib, waaxda waxbarashada ee gobalka ayaa ogolaatay in uu wiilkan yari dugsigiisa si caadi ah u dhigto, laakiin saddex toddobaad kaddib ayaa maamulka sare ee dugsiga uu dhiganayey oo 17 xubnood ahi waxa ay arrintan u qaadeen cod ay 17 kuba ku diideen in ryan uu dugsiga wax ka barto. Waalidkii halgankii waa uu sii waday, oo 7 toddobaad kaddib ayaa ay waaxda waxbarashada ee gobalku dugsigan amar ku siisay in wiilkan uu u oglaado sii wadista waxbarashadiisa, kaddib markii masuulkii caafimaadka gobalku uu si rasmi ah u sheegay in uu dugsiga dhigan karo, la macaamilkiisuna aanu wax dhibaato ah gaadhsiinayn ardayda kale, waxaa iyaduan arrintan xoojiyey garsoorihii maxkamadda gobalka oo diiday dacwad lagu doonayey in wiilkani aanu dugsiga dhigan.

5 toddobaad kaddib, ayaa dugsigii dib looga joojiyey Reyne White, kaddib markii maxkamad kale ay amar xayiraad ah ka saartay waxbarashada dugsiga. Laba toddobaad kaddibna, waxaa dugsiga isu soo bax ballaadhan isugu yimi dadkii diidanaa in wiilkani ardayda kale wax la dhigto oo ku dhawaaqay qaadhaan lacageed oo aad u badan, si loo sii wado dacwadda maxkamadaha ee wiilkan lagaga hor istaagayo dugsiga.

Ugu dambayntii dagaalkaasi siddeeda bilood qaatay waxa uu ku soo afmeermay go’aan ay maxkamadda racfaanka ee gobalku ku gaadhay in Ryne white uu dugsiga dhigan karo, dacwad dambana aan laga keeni karin.

Qoysas badan ayaa go’aankaas kaddib carruurtooda kala baxay dugsiga. Waxaa taas garab socday digniino iyo hanjabaado joogto ah oo Reyne iyo qoyska uu ka dhashay kaga imanayey dadka diidan in uu dugsiga la dhigto carruurtooda, ma’aha dadka ku hanjabayey in ay dacwadda sii wadayaan oo keliya, laakiin xitaa jidadka marka ay marayaan ayaa dadka garanayaa ay ku aflagaadayn jireen, marar badanna lagu qayliyey, waxaa lagu naanaysi jiray ereyada afka ingiriisiga ee lagu xaqiri jiray dadka isku jinsiga ah ee wax is mooda. Xitaa nin warfidiyeen ahaa oo qoraal ku difaacay waxaa loo soo diray digniin dil ah.

Marna waxaaba dhacday in qolka uu Reyne White ka deganaa gurigooda in daaqadda laga soo toogtay, inkasta oo aanu markaas qolka joogin.

Dugsiga gudihiisa xitaa kuma uu ammaan helin

Sannad dugsiyeed uu sii dhiganayey dugsigan, Reyne White dhibaato badan ayaa uu kala kulmay maamulka, barayaasha, ardayda iyo xitaa hawlwadeennada hoose ee dugsiga, arrintaas oo murugo joogto ah ku haysay. Saaxiibbadii dugsigu waa ay ka wada durkeen, waxa uu maamulka dugsigu qasab kaga dhigay in uu gurigooda ka soo qaato weel mar keliya la isticmaali karo, oo quraacda / nususaacaha uu ku cuno, si aanay dabadii ardaydu weelkaas u isticmaalin. Suuli gaar ah ayaa loo asteeyey, ciyaarta iyo qolka jimicsigana waa in uu kelidii sameeyaa.Arrimahaas oo ugu dambayntii sababay in qoysku uu ka guuro magaalada. Nasiibwanaagn magaaladii cusbayd waxa ay ka heleen dugsi ay maamulka iyo macallimiintu wacyigelin fiican iyo aqoon ka haystaan cudurkan, diyaarna u yihiin in ay sida bani’aadamka ula macaamilkaa. Ryan waxaa bilowgii yaab ku noqotay in muddo dheer kaddib uu arkay dad u diyaar ah in ay gacan qaadaan.

Qisada White waxa ay bilow u noqotay warbixino, faallooyin iyo doodo aad u badan oo ay warbaahinta kala duwan ee dalka Maraykanku ka samaysay xaaladda wiilkan yar iyo waxa uu yahay cudurka uu qabo ee xaaladdan sababay.

Dhaxalkii Ryan

Markii qisada Rayaan soo shaac baxday waxa bilowday ololeyaal tiro badan oo hoos loogu eegayo dadka xanuunkan qaba, dadaallo dhaqaale loogu ururinayo bukaanka AIDS ka iyo deeqo kala duwan oo la gelinayo xarumaha cilmibaadhista si xog fiican ay uga soo saaraan xanuunkan iyo siyaabaha loola tacaali karo. Munaasabadahaas badankood waxaa qayb ka ahaan jiray, ama lagu soo martiqaadi jiray Reyne White oo isaguna dagaal adag u galay in uu bulshada siiyo wacyigelin la xidhiidha xanuunka.

Ryan White intii noloshiisa ka hadhsanayd waxa uu u hibeeyey, raadinta xuquuqda dadka dhibbanaha u ah cudurka AIDS ka, iyo in bulshooyinka ka caafimaad qaba laga wacyigeliyo sababaha cudurka keena, sida uu u faafo iyo siyaabaha looga hortegi karo, si ay u fahmaan in dhibbanaha cudurku aanu dembiile ahayn, isla markaana aanu cudurka sida ay dad badani ka cabsi qabeen ugu gudbin karin la macaamilka bulsho iyo is dhexgalka caadiga ah.

Ryan White inkasta oo uu ku dhintay da’ yar oo 19 sano jir keliya ah, haddana waxa uu ku guulaystay in uu beddelo aragtidii dadku ka haysteen cudurkan. Isaga oo kaashanaya dadkii magaca iyo maalka lahaa xilligiisiina waxa uu beddelay fahamkii hore ee ay bulshada caadiga ahi ka haystay cudurkan, waxa aanu abuuray xiisaha saynisyahanno badan ku dhiirrigeliyey in ay cudurkan aad u sii baadhaan, taas oo lagu ogaaday xogo badan oo maanta laga yaqaanno cudurka.

Sannadkii 1992 kii oo laba sano kaddib dhimashadiisii ahayd ayaa ay hooyadii aasaastay hay’ad samafal oo ay ugu magac dartay Ryan White Foundation, taas oo ka shaqaynaysay wacyigelinta cudurkan, iyo guud ahaan arrimaha la xidhiidha cudurkan iyo dadka qaba.

Saddex bilood kaddib dhimashadii wiilkanna Kongareeska Maraykanku waxa uu soo saaray xeer cusub oo lagu magacaabo, ‘Ryan White CARE’. Xeerkani waxa uu aasaasay hay’ad lagu gargaaro dadka xanuunkan qaba oo noqday sanduuqa ugu ballaadhan ee ay dawladda Maraykanku lacag geliso.

Ugu dambayn waxaa la isku waafaqsan yahay in wiilkan yari uu xanuunkiisii uu u adeegsaday dadaal beddelay aragtidii laga haystay xanuunka HIV/AIDS iyo dadka qaba, waxa aanu sabab u noqday in la tirtiro fahamkii hore ee ahaa in cudurkani uu ku dhaco dadka daroogada isku muda iyo kuwa isku jinsiga ah ee isu galmooda. Waxa kale oo uu sabab u noqday halgan dheer oo dhalay in dadka qaba loola macaamilo sida dadka caadiga ah, dugsiyada, goobaha shaqada iyo meel kasta oo la isugu yimaaddana aan dadka kale laga dhex faquuqin, taas oo adduunka oo dhan ku faaftay.

La soco isbeddel dhaliye kale iyo cadadka dambe…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.