Beesha Caalamka Oo Hargeysa U Soo Diraysa Wefti U Garnaqa Madaxweyne Biixi Iyo Xisbiyada Mucaaradka

0
1036

Hargeysa(Geeska)-Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa wefti u soo diraya caasimadda Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay warar xogogaala.

Weftigan oo la filayo inuu hoggaamiyo wakiilka Midowga Yurub, ayaa waxa ay ujeedada socdaalkoodu tahay khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ee salka ku haya xubnaha uu Madaxweyne Biixi u soo xulay guddiga doorashada oo ay laba ka mid ah ka horyimaadeen. Labadaas xubnood ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanyahay golaha dhexe ee KULMIYE  iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo iyadana uu mucaaradku ku haysto inay ka tirsantahay guddigii hore ee doorashooyinka.

Weftigan uu hoggaaminayo danjire Nicolas Berlanga, ayaa waxa la filayaa inay kulamo la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka si xal looga gaadho caqabada soo waajahday dhismaha guddiga cusub ee doorashooyinka oo ay sugayso hawsha baaxadda leh ee qabashada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka. Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay u gudbiyeen cabasho ka dhan ah xubnaha uu Madaxweynuhu dhinaciisa u soo xulay guddiga doorashada, isagoo Waddani xubintii uu u soo xulay guddiga doorashada hakiyay dibna ula noqday.

Madaxweyne Biixi oo shalay hadal jeediyay ayaa ku canaantay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani dalabka ay u direen beesha caalamka, “tolow beesha caalamka xafiiskoodu waa xagee! waa wax inagu cusub beesha caalamka Farmaajona waa uu ku jiraa oo Somaliya waa la ictiraafsan yahay oo beesha caalamka waa ay ka tirsan tahay, armuu codsigu halkaasba ku dhacaa, beeshaas caalamka ee loo gacan haadinaayo aniga ilama hagaagsana laakiin waa ay la noqotay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Danjirahan Midowga Yurub ayaa hore Madaxweynaha iyo mucaaradka ugu dhexdhexaadiyay dhismaha guddiga cusub ee doorashada oo markii hore ay labada dhinac isku hayeen tiradooda. Mucaaradka ayaa doonayay in tirada guddiga laga dhigo 9 xubnood, halka uu Madaxweynuhuna qabay in lagu daayo 7 xubnood oo ay horeba u ahaayeen, balse dhexdhexaadin uu ergaygu galay ayaa aakhirkii ku dhammaatay in la dhiso guddi cusub oo ka kooban 7 xubood, ka dib markii uu shirguddoonka golaha wakiiladu laalay dalab uu xisbiga Waddani u gudbiyay oo ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashada oo tirada guddiga doorashada laga dhigo 9 xubnood, sida ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo mucaaradku.

Si kastaba ha ahaate, waxay noqonaysaa markii labaad ee uu ergayga Midowga Yurub laba bilood gudahood dhexdhexaadiyo Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here