Agaasimaha Guud Ee Waxbarashada Oo Ka Hadlay Shir Muhiim Ah Oo Ka Qabsoomay Burco

0
675

Akhriso qodobada shirkaas ka soo baxay

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wabarashada Somaliland Axmed Abokar Maxamuud, ayaa ka hadlay xaalada Waxbarasho ee dalka, waxaanu tilmaamay inay Wasaarad ahaan wadaan qorshihii lagu horumarin lahaa Waxbarashada guud ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wabarashada Somaliland Axmed Abokar Maxamuud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Shir Guddoomiyayaasha Waxbarashada dalka uga qabsoomay Magalaada Burco, waxaanu ugu horeyn yidhi “Qorshaha Wasaaradda waa sidii Waxbarashada dalka, loo horumarin lahaa, korna loogu qaadi lahaa, dugsi hoose ilaa jaamacad, in aanu hagaajino tayada Waxbarashada ee dalkana waa mid nagu waajib ah dhabaheediina waanu haynaa, dadaalkeediina waanu wadna, waxaana jira  qodobo la iska gartay oo ka kooban 18-qodob oo ka soo baxay Shir aanu ku qabanay Magaalada Burco, oo aanu u qabanay Guddoomiyayaasha Waxbarasho ee dalka, Shirkaasina wuxuu ka koobna 18-qodob, oo ku saleeysan in tayada Waxbarashada ee dalka in la hagaajiyo, oo sare loo qaado, waxa ka mid ah in dugsiyadii hore u xidhnay in dib loo furo, laguna furo muddo saddex bilood ah, in Guddoomiyeyaasha waxbarashada gobolada ay shirar u qabtaan dhammaan waalidiinta dugsiyada dawladda, isla markaana ay sameeyaan guddiyo waalid oo shaqaynaya oo ka hawlgala dhammaan dugsiyada magaalooyinka waaweyn, in ay maamul iyo hoggaan samaystaan, in ay bishiiba hal mar shiraan, soona saaraan go’aanno cadcad oo qoran, in ay hirgaliyaan qaadhaan ururin lagu daboolo baahiyaha dugsiga ay guddida u yihiin, in ay samaystaan qorshaha horumarinta dugsiga, kaas oo uu guddoomiyaha waxbarashada gobolkuna ansixiyay isla markaana saxeexay, in ay ka fuliyaan saddex waxqabad oo muuqda qorshaha horumarinta, inay kordhiyaan tirada isqorista ardayda ee dugsiga, inay Guddoomiyayaasha Waxbarashada ee Gobol kastaaba uu ka war hayo xaalada kasta oo Dugsiyada Gobolkiisu uu ku jiro,in la dhiirigeliyo hal abuurka, tartanka kadista ama aqoon is weydaarsiga iyo tartanka ciyaarahaba,markaas qodobadan ka soo baxay shirkani waa qodobo runtii tayada Waxbarasho ee dalka wax badan ka taraya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here