Barnaamij Talefannada Gacanta Ee Casriga Ahi Leeyihiin Oo Qofka Tusaya Baahidiisa Biyood Ee Maalinlaha Ah

0
675

Picture9London (Geeska)- Jidhkeennu wax yaabaha uu ka kooban yahay waxaa ugu badan biyo, sidoo kale biyaha ayaa ah shayga aynu nolol ahaan ugu baahida badannahay, in kasta oo ay khubarada saynisku ku kala aragti duwanaadaan xaddiga biyaha ah ee qofka maalintii ku filan, oo la gaadhsiiyo illaa 5 Litir, haddana waxa aan lagu kala aragti duwanayn in jidhku uu maalin kasta biyo badan u baahan yahay. Waxaana ay ku soo ururaysaa in xaddiga biyaha ah ee qofku u baahan yahay ay inta badan ku xidhan tahay dabeecadda iyo abuurka jidhkiisa, miisaankiisa, iyo baahidiisi abuurka ah ee biyood, haddii xaddigaas ku habboon in ka yar uu cabbana waxa ay ku keentaa mushkilado caafimaadm, sidoo kale xaddiga uu qofku u baahan yahay haddii uu ka badato inta caqli galka ah waxa ay keentaa dhibaato caafimaad.

Haddaba wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa aan hore ula socon barayaa barnaamij ku shaqaynaya Android oo qofka haysta talefannada gacanta ee casriga ah (Smartphone) u fududaynaya in uu si sahal ah o odhaqso ah ula socon karo baahidiisa maalinlaha ah ee biyaha. Barnaamijkan oo uu qofku ka soo dejisan karo Google Play isaga oo bilaa lacag ah, ayaa keliya qofka uga baahan in uu geliyo cabbirka miisaankiisii ugu dambeeyey iyo qiyaasta mugga koobka uu inta badan wax ku cabbayo, kadib barnaamijku waxa uu bilaabayaa in uu maalintii oo dhan xasuusiyo biyaha ka dhiman xaddigii uu jidhkiisu u baahnaa ee ay tahay in uu cabbo, illaa uu gaadho xaddiga uu jidhku u baahan yahay maalintaas. Intaas kuma koobna faa’idada barnaamijkan oo lagu magacaabo Water your Body ee waxa uu bil kasta ku siinayaa tiro-koobyo iyo warbixinno uu ku soo bandhigayo la socoshada qayb muhiim ah oo ka mid ah xaaladda caafimaad ee qofka.