Barnaamij Taleefanka Gacanta Ku Shaqaynaya Oo Sawirka U Samaynaya Muuqaal Farxadeed Ama Cadho

0
742

 

Shirkadda Hyperconnect oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay qalab casri ah oo awood u leh in uu ku ciyaaro wejiga qofka. Waxa uu si la rumaysan karo ugu ekeysiinayaa ruux cadhaysaan, dhoolla caddaynaya, ama dareen kale laga dheehanayo muuqaa;ka wejigiisa.

BArnaamijkan oo lagu soo dejinayo taleefannada gacanta ee casriga ah, waxa uu qofku marka koowaad si caadiya isaga qaadayaa sawir uu muujinayo dareenka uu doonayo, kaddibna waxa uu soo qaadayaa sawir aan wax dareen gaar ah laga dheehanayn oo ah qofka uu doonayo in uu muuqiisa wax ka beddelka ku sameeyo.

Barnaamijkani waxa uu kuwii hore ee noociisa loo adeegsan jiray kaga duwan yahay, in uu leeyahay xawaare aad u sarreeya. Iyo in habka wax ka beddelka u samaynayaa yahay, mid lagu qanci karo oo aan laga shakiyeyn, halka kuwii hore ay mararka qaarkood fool xumo ku kordhin jireen muuqaalka qofka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here