Xildhibaan Guuritda Ah Oo Difaacay Muddo Kordhinta Ay Sameeyeen

0
544

“Walaac Baa Jira Ee Xukuumaddu Awooda Saarto Sidii Nabada Dalka Loo Sugi Lahaa”

“Xisbiyada Mucaaradka Iyo Xukuumadda Ha Ka Heshiiyaan Waxay Isku Hayaan Intay Anaga Nala Eedaynayo”

“Wasiir Maxamed Kaahin Waxa Laga Rabaa Qorshe Uu Ku Sii Kala Xadeeyo Degmooyinka Iyo Gobolada Dalka Inta Aan Doorasho  Dhicin”

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadllay muddo kordhinta ay u sameeyeen golaha wakiilada

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anagu haddii aanu nahay Golihii Guurtida, ma nihin Gole wax iska kordhista, mana nihin Gole cid kale wax iskaga kordhiya, laakiin anaga Madaxweynaha ayaa noo soo gudbiyey warqad uu nagaga dalbanayo muddo kordhin in aanu sameeyno, muddo kordhinta aanu sameeynay iskamay iman, anagu sabab uma nihin ee Doorashada lagu heshiin waayey  ayaa keentay, dalkuna haddii aanay Doorasho ka dhicin bilaa Guurtina ahaan maayo bilaa Wakiilana ahaan maayo, ee inta Doorasho dhacayso waanu joogaynaa haddii ALLE qadaro, laakiin muhiimada ayaa ah in marka hore laga heshiiyo wax la isku hayo, Odayaasha Madashu inay naga na eedayaan oo dacwada naga gudbiyanaa wey ku deg degeen, dacwadaasina waa sharci daro, Xisbiyada Mucaaradkuna inay na dhaleecayaan waa khalad, ee Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda ha ka heshiiyaan waxay isku hayaan intay anaga nala eedaynayo, ta kale Wasiirka Arrimaha Guddaha waxay ahayd inuu mar hore ka sii qorsheeyo diiwaangelinta degmooyika iyo gobolada kala duwan ee dalka, maxaa yeelay ilaa hadda diiwaangelin ma jirto, oo dadkii codkooga dhiibanayey tirikoob saxa ah laguma sameeyn, markaas Wasiir Maxamed Kaahin waxa laga rabaa qorshe uu ku sii kala xadeeyo Degmooyinka iyo Gobolada dalka inta aan Doorasho  dhicin”

Mar uu ka hadlaayey xaalada nabadgalyaa dalka ayaa yidhi “Dalkan halgan iyo tacab dheer baynu u soo galnay, waxaa loo baahan yahay inay nabada adkayno, laakiin looma baahna inay nabadeenu khatar gasho, ee walaac baa jira ee Xukuumaddu awooda saarto sidii nabada dalka loo sugi lahaa, oo Xukuumaddu dadka ha isku wado, oo dhib kasta oo jirta xal ha lagu dayo, guud ahaan Shacabka Somaliland nabadooda ha ilaashadan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here