Barnaamij Kale Oo Ku Soo Biiray Hababka Bilaashka Ah Ee Looga Wada Xidhiidhi Karo Talefannada Casriga Ah

0
621

Picture7

Dubai (Geeska)- Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa dunida ku soo badanaya barnaamijyada (Software) suurtogelinaya in talefannada iyo aaladaha kale ee casriga ah lagu xidhiidho iyada oo la marayo Internet ka balse aan la adeegsanayey khadadka isgaadhsiinta ee shirkadaha.

In kasta oo ay dalal badan dhacdo in shirkaduhu ay dagaal ba’an ku qaadaan barnaamijyada noocan ah oo ay u arkaan in uu khatar ku yahay iibka ku hadalka talefannadooda oo hadaba la aaminsan yahay, in uu hoos u dhacay muddooyinkan dambe, sababta barnaamijyadan bilaa lacagta ah ee lagu xidhiidhayo iyo internet oo dunida si xawli ah ugu sii faafaya awgeed.

Si kastaba ha ahaato ee halgankaas adag ee shirkaduhu waxba uma uu dhimin sii socoshada xidhiidhadan bilaashka ah ee internet ku fududaynayo, adeegyadii ugu dambeeyey ee soo baxayna waxaa ka mid ah adeegga la magac baxay Menko Messanger oo ah barnaamij kuu suurogelinaya dirista farriimaha degdegga ah iyo weliba in talefanno bilaa lacag ah aad kaga hadasho internet ka.

Barnaamijkani waxa uu kuu ogolaanayaa in aad xisaab bilaa lacag ah ka furato, kadibna ku soo darsato saxiibbadaada aad doonayso in aad u dirto farriimaha iyo talefannada ama aad ka hesho. Waxa keliya ee uu adeegsaduhu u baahan yahayna waa in uu Akoon furto, kadibna saaxiibbadii ku soo darsado, ama ku casuumo haddii aanay hore ugu jirin.