Faa’idooyinka Ay Cunista Toontu Ragga U Leedahay Iyo 6 Sababood Oo Qasbaya In Maalintii Laag Laga Cuno (1)

0
647

Picture6Hargeysa (Geeska)- In kasta oo ay toontu neefta qofka kaga tagto raad la dhibsado, sidaa awgeedna uu Nebigeennii Muxammed (SCW) innaga waaniyey in aynu masaajidda tagno innaga oo toon ama basal soo cunnay, si aanay inoogu dhib mudan Malaa’igta khayrka qoraysa iyo walaalaha innagu hareero tukanaya, haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay wax faa’ido ah lahayn, balse waaba lidkeeda.

Toontu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka lagu macaaneeyo laguna udgooneeyo cuntada guud ahaanteedba, weliba waxaa lagu tiriyaa khudradaha jaban ee qof kasta ay u suurtogeli karto in uu iibsado ama xitaa uu beeran karo.

Muddo kumannaan sano ah ayaa uu aadamuhu ogaa in toontu ay leedahay faa’idooyin kala duwan oo caafimaad, qormadan maanta waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa xurmada leh ugu soo gudbinayaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee ay toontu u leedahay si gaar ah ragga.

1. Caafimaadka wadnaha: Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in toontu ay la dagaalanto xanuunnada wadnaha ku dhaca, in ay dhiig-karka dejiso, in ay ka hortagto in xididdada dhiiggu xidhmaan ama uu dhaca waxa loo yaqaanno dhiig-furanka maskaxda ee faaligga keena iyo guud ahaanba xanuunnada ku dhaca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga, waxa ay jidhka ka yaraysaa dufanka dhibta keena (Kalastaroolka), .

Maaddooyinka iyo walxaha kale ee ay toontu ka samaysantay waxa ay awood badan u leeyihiin in ay ka takhalusaan sunta cuntooyinka ka samaysanta ee jidhka gudihiisa.

2. Bararka qanjidhka Barostaatka (Prostate): Mar kasta oo da’da ninku sii korto waxaa ballaadh ku yimaaddaa qanjidhka Prostate ka loo yaqaanno oo ka masuul ah soo saaridda biyaha ninka. Laakiin toonta iyo basashuba waxa ay si weyn u caawiyaan yaraynta khatarta ka iman karta bararkaas ama ballaadhashadaas qanjidhkan ku imanaysa.

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ragga cuna toontu ay kuwa aan cunin boqolkiiba 28 kaga yar yihiin khatarta ah in ballaadhashadaas qanjidhku ku keento khatar caafimaad oo kansarku ka mid yahay. Si gaar ah waxa ay khubarada caafimaadku waxa ay hoosta ka xariiqeen in si gaar ah basashu ay ugu sii fician tahay daweynta ballaadhashada qanjidhkan. La soco…