Barnaamij Fududaynaya Shaqada Guriga Oo Ka Mid Ah Hawlaha Rag Iyo Dumarba Loogu Karaahiyada Badan Yahay

39
2762

Hargeysa (Geeska)- Shaqada guriga ee nadaafad noocyo badan iyo cunto karintu ka mid yihiin, waxa ay ka mid tahay hawlaha guud ahaan aadamuhu ugu karaahiyada badan yahay qabashadeeda. Xitaa haddii ay jiraan dad jecel cunto karintu waxaa ku adag in ay shaqada kale ee gurigana jeclaadaan. Shirkadda caanka ah ee LG oo soo saarto qalabka casriga ah ayaa dhowaan hal-abuurtay barnaamij cusub oo ku shaqaynaya qaybo ka mid ah qalabka ay soo saarto noocyadooda internet ka ku xidhmi kara.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo, ‘Smart ThinQ App” waxaa uu qofka fursad u siinayaa in uu shaqada gurigisia ee maalinlaha ah qabsado isaga oo aanay soo gaadhin dhib badan iyo daal jidh ahaan iyo maskax ahaanba. Waxa ay keliya adeegsanayaan barnaamij ku shaqaynaya taleefankooda ganacsiga oo ay internet ka soo dejisanayaan, waxa aanu barnaamijkaasi awood u leeyahay in uu maamul oo hadba wixii la rabo ku hago dhammaan qalabbada kala duwan ee ku shaqeeya tiknoolajiyadda garaadkasan.

Barnamaijkan oo illaa hadda si gaar ah ugu shaqaynaya qalabka ay soo saarto shirkadda LG oo ah shirkadda isla barnaamijkanna samaysay, hawlaha uu qaban karo waxaa ka mid ah in uu amro qasaaladdan gaar ahaan nooca Twin Wash on ay ku xasuusiso waqtiga ay tahay in dharka la maydho iyo in dharkii aad ku gurtay hawshoodi dhammaatay ama in aad dharkii uun ku gurtay oo aanad hawl u diran, farriinta waxa ay tallaagadu kuu soo marinaysaa taleefankaaga gacanta, waxa aanay fursad kuu siinaysaa in meel kasta oo aad joogto aad taleefankaaga ka soo amri karto in ay bilowdo shaqadaas aad ka rabtay in ay samayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here