Mucjisooyinka Wadnaha: Qalbijabka Iyo Wadne Xanuun, Wadnuhu Waxa Uu Dhiigga Gaadhsiin Kara Masaafad 96 Kun Oo KM Ah, Sida Uu Wadnaha Gerigu Dhiiga U Gaadhsiiyo Madaxeeda Aadka Uga Fog

0
23142

Tehran (Geeska)- Wadnuhu waa xubinta ugu awoodda badan jidhka aadamaha, oo ah mishiinka ka shaqaysiiya qaybaha kala duwan oo dhan. Waxa uu shaqadiisa bilaabaa marka uu ilmuhu 21maalmood oo keliya ku jiro uurka hooyadii, waxa aanu shaqada wadaa illaa ilbidhiqsiga u dambeeya ee nolosha. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Almannaar, oo laga leeyahay dalka Iiraan. Waxa ay soo bandhigaysaa hawlaha kala duwan iyo qaab abuurka wadnaha bani’aadamka, oo inta badan aanay dadku ka warqabin.

  1. Xayawaanka Geriga la yidhaahdo wadnihiisu isma raacsan dhinaca xajmiga, tusaale ahaan dhegyada bixid ee wadnuhu waa ay ka qaro weyn tahay ta midigta, waxa aanay taasi keentaa in wadnuhu aanu noqon mid dhinacyadiisa oo dhan marka la eego is wada le’eg.

Sababta dhegyarada bidix u leedahay qaro ka weyn ta midigta ayaa uu cilmigu ku sheegay in ay tahay wadnaha oo laga rabo in uu dhiigga gaadhsiiyo raqabaddaas aadka u dheer ee weliba kor jirta, waxa anaa hawshaas qabanaysa dhegyarada bidixda ee dhiigga tuuraysa, sababtaas ayaa ay uga awood badan tahay ugana qaro weyn tahay dhinaca kale. Keentayna in wadnaha dhinacyadiisu ay is wada le’ekaan waayaan.

  1. Qalbijab: Qalbijabku waa xaalad dadka badankiisu yaqaannaan, oo la xidhiidha dareenka iyo shucuurta qofka, waxaa inta badan qalbijabka lagu arkaa dadka ay ku dhacdo arrin naxdin ah oo aanu filayn, ka soo qaad qof uu jecel yahay oo uu waayey ama ka tegey, wacadfur uu kala kulmay qof uu isku hallaynayey iwm. In kasta oo ay dadka oo dhami qalbijabka sheegaan, soomaaliduna marka ay cabbirayso ay tidhaahdo, ‘Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay’ haddana waxa ay dad badani u aaminsan yihiin qalbijabku in uu yahay xaalad sahlan oo aan sidaas magaceedu u weyn yahay u sii jirin, qaarkoodna waxa ay la tahayba in aanay jirin xaalad cilmigu aqoonsan yahay oo qalbijab la yidhaahdo.

Haddaba qalbijabku waa xanuun jira oo nafsi keliya aan ahayn ee jidh ahaan qofka looga dareemo, afka cilmiga waxaa lagu yidhaahdaa, ‘Stress Cardiomyopathy’ waa xaalad caafimaad oo la aqoonsan yahay. Waa muruqa wadnaha oo ay taagdarro kedis ahi ku timaaddo, illaa heer dadka qaar ay dhacaanba ama xaalad degdeg ah galaan, waxa aanay aalaaba ku timaaddaa xanuunka dhinaca shucuurta la xidhiidha ee aadka u daran, sida in uu qofku waayo qof uu aad u jecel yahay, geeri ama furniin mid ay ku kala tagaanba, ama in uu si kedis ah u ogaado qof uu weligii jeclaa aadna u aaminsanaa in uu khiyaameeyey ama ku wacadfuray.

Boqolkiiba 90 dadka uu qalbijabku ku dhacaa waa dumar, waxa aanu si gaar ah ugu badan yahay dumarka da’doodu u dhexeyso 58 illaa 75 sano, daraasado dheeraad ah oo la sameeyeyna waxa ay muujiyene in ugu yaraan boqolkiiba 6 dumarka lagu sheego wadne xanuunka, aanay sax ahayn oo waxa hayaa uu yahay qalbijab lagu qalday wadne xanuunka rasmiga ah ama wadne wareen.

Nabasiibwanaag qalijabku waa xanuun wadnaha taabanaya laakiin ka bogsashadiisu aad u dhaqso badan tahay, isla markaana qofka ka bogsada aanu kaga tegin raad dambe oo dhibaato ku ah caafimaadkiisa.

Qalbijabku waxa uu keenaa xanuun, laabta iyo wadnaha ah, muruqa wadnaha oo dareema culays badan, sababtiisuna tahay dhiigga soo gaadhaya oo yaraanaya, waxa uu keenaa unugyada wadnaha oo aad u dhinta ama ay ku dhaco fashilaad ay hawshooda qabsan kari waayaan, in kasta oo ay muddo gaaban ku tagto xaaladdan dambe.

  1. Wadne xanuunka iyo qalbijabku si kasta oo ay isugu calaamado eegyihiin, waxa ay ku kala duwan yihiin laba arrimood oo muhiim ah:

– Qalbijabka: Shucuurta qalbijabka keenaysa marka uu qofku la kulmo waxaa dhaqso u bata hormoonnada warwarka iyo sakatiga keena, waxa aana taas ka dhasha daal iyo culays nafsi ah oo jidh ahaan iyo dareen ahaanba qofka u waxyeelleeya.

– Wadne xanuunka waxaa keena xaalado inta badan la xidhiidha wareegga dhiigga iyo ogsajiinta. Ama muruqa wadnaha laftiisa oo bukooda.

  1. Waxaa hubaal ah in qalbijabku uu keeni karo dhimasho, laakiin warka wanaagsani waa in xaaladaha uu illaa heerdhimasho keenaa ay yihiin faro ku tiris.
  2. Haddii si caadi ah oo muuqata loo qiyaaso masaafadda uu wadnuhu gaadhsiin karo dhiigga oo buufinayo, waxa ay noqonaysaa masaafad dhan 96 kun iyo 560 kiiloo mitir in uu dhiigga wadi karo ama riixi karo.
  3. Cilmibaadhisaha lagu sameeyey caafimaadka wadnuhu waxa ay daahfureen mar kasta oo ay korodho aqoonta iyo waxbarashada qofku in ay yaraato suurtagalnimada in uu wadne xanuun ku dhaco.
  4. Wadnuhu waxa uu raad ku leeyahay dhammaan unugyada jidhkeenna, oo uu gaadhsiiyo dhiigga sababta u ah in ay noolaadaan, laakiin isagana waxaa raad iyo saaman ku leh tatallaabo kasta oo nolosheenna ka mid ah, caafimaadkeenna jidheed iyo keenna nafsiga ahiba saamayn ayaa ay ku yeeshaan caafimaadka wadnaha, sida oo kale qaabdhismeedka jidhkeenna iyo miisaankeenna iyo xitaa nidaamkeenna nololeed oo dhan ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee saamaynta ku leh caafimaadka wadnaheenna. Dhammaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here