London (Geeska)- Wadne qabadka kediska ah iyo wadnaha oo si kedis ah u wareenmaa waxa ay ka mid yihiin xaaladaha khatarta ku ah nolosha aadamaha, ama dunida maanta loogu dhimashada badan yahay. Laakiin nasiib wanaag xaaladdan oo goor hore la ogaadaa waxa ay qayb libaax ka qaadataa in laga hortago khatarta ka dhalanaysa.
Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay jiraan calaamado kaal duwan oo jidhka ku dhaca ka hor inta aanay jugta weyni ku dhicin wadnaha, haddii goortaas hore lagu baraarugana waxa ay taasi caawinaysaa in laga hortago ama si dhaqso ah loo daweyn karo.
Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Sky News ayaa soo ururinaysa qaar ka mid ah calaamadaha ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay tahay in qofka wadne xanuunka lihi ku baraarugsanaado si intii suurtagal ah uu dhakhtar u gaadho ka hor inta aanay xaaladdiisu sii xumaan. Waxaa ka mid ah, bararka cagaha gaar ahaan kuraamaha oo barara. In barargalo kuraantu waa calaamad muujinaysa in ay biyo ku urureen aaggaasi.
Bare-sare David NewBay oo ka tirsan ha’adda caafimaadka wadnaha ee dalka Ingiriiska ayaa isaga oo bararka kuraanta ka hadlaya waxa uu yidhi, “Sax ma’aha in la dhayalsado xaaladdan ah in labada kuraamood ay bararaan, weliba marka ay aad u bararaan. Waayo waa calaamad muujinaysa in uu gaabis ku jiro shaqada wadnaha”.
Shabakadda wararka ee Express oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in bare-sare David NewBay uu intaas ku daray in bararka labada kuraamood uu sida oo kale ku iman karo sababo kale oo ay ka mid yihiin, dawooyinka qaarkood oo qofka ku keena, sida dawooyinka dhiigkarka lagu dejiyo oo qaarkood ay keenaan, laakiin waxa uu ku taliyey in qofka dhiigkarka leh ee xaaladdan oo kale isku arkaa uu dhaqso ugu tago dhakhtarkiisa.
Xanuunnada kelyaha iyo sambabada, cunto xumada iyo nafaqo darrada iyo beer xanuunka ayaa iyaguna ka mid ah sababaha keena in ay kuraamuhu bararaan.
Calaamadaha kale ee ay tahay in qofka wadne xanuunka lihi uu ku baraarugsanaado ayaa waxaa ka mid ah, calool xanuun joogto ah. waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in isu dhowaanshiyaha wadnaha, hunguriga iyo calooshu uu keeno in bukaanku uu isku qaldo halka run ahaan xanuunaysa, gaar ahaan marka uu dareemayo iolol, ama casiraad, ama dheefshiidka oo aan fiicnayn iyo marka uu wadne xanuunka dareemayo. Waxa aana in badan dhacda in qofku uu xaaladahan isku qaldo, oo tusaale ahaan iyada oo uu wadnuhu xanuunayo uu u fahmo in calooshu xanuunayso. Ama xanuunnada caloosha ku dhaca ee ‘Gaasterigu’ ka mid yahay uu hayo.
Dhididka aadka u badan, daanka oo qofka xanuunka iyo yalaalugo joogto ah ayaa ka mid ah calaamadaha ay dhakhaatiirtu sheegeen in qofka wadne xanuunka leh ee isku arkaa, ay tahay in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtarka ugu tago.