Nin Xabsiga La Dhigo Qarka U Saaran, Kaddib Markii Uu 45 Kun Iyo 210 Oo Jeer Taleefanka Ku Hadlay Hal Maalin

3
1709

Ankara (Geeska)- Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa ay ku socotaa dacwad maxkamadeed la filayo in uu ku kasban doono ciqaab xabsi dheer ah, kaddib markii sida la sheegay uu galay qalad ah in uu taleefanka u isticmaalay si aan nidaam ahaan sax ahayn.

Wargeyska Daily Xorriyeet oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa sheegay in nin lagu magacaabo Shariif oo da’diisu 55 sano jir tahay, uu hal sano gudaheed booliiska taleefan u diray 45 kun iyo 210 jeer. Shariif oo deggen degmada Beiram Basha ee magaalada Istanbuul ayaa ku dooday in waqtiyada uu taleefankan diri jiray aanu miyirkiisu dhammayn maadaama oo uu sakhradda isticmaali jiray. Waxa uu sheegay in uu ku jiray xaalad nafsi ah oo adag, kaddib markii ay kala tageen xaaskiisii. Taas oo kalliftay in mar kasta oo uu xasuusto xaaska ay kala tageen, waxa keliya ee uu miciin bidaa uu yahay in uu taleefanka gurmadka degdegga ah diro. Ujeedada uu taleefanka u dirayo ayaa uu Shariif sheegay in ay tahay xaalad nafsiya oo ku riixaysa in uu raadiyo cid uu uga warramo dhibta uu qabay.

Shariif waxa uu ku eedaysan yahay in uu rabshid iyo shaqo jaahwareerin ku sameeyey shaqaale dawladeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran.

Inkasta oo uu Shariif ku andacoonayo in uu dembigan galay iyada oo aanu miyirkiisu dhammayn, haddana waxaa muuqata in aanay maxkamaddu cudurdaarkaas dhegeysan, waxa aana lagu wadaa in ay ku xukumi doonto xabsi shan sano oo dhammaystiran ah.

Shariif ayaa sheegay in uu aad uga murugaysan yahay qaladkiisa, dhibta haysata ee nafsadeedna ay tahay sababta ugu weyn ee ku riixaysay sakhradda iyo in marka uu cidlo dareemo uu raadiyo meel uu xanuunka wehel la’aanta isku daafiyo, iyada oo halka keliya ee uu helayna ay noqotay in uu garaaco taleefanka 155 oo ah ka u gaarka ah laanta gurmadka ee booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here