Adeegyo U Gaar Ah Samsung Note 9 Oo Aanad Ka Heli Karin Taleefannada Iphone Ee Shirkadda Apple

0
1500

Washington (Geeska)- Shirkadda Apple ayaa bishii sagaalaad ee sannadkan dhalleecayn xooggan kala kulantay suuqa, kaddib markii ay ku dhawaaqday labadeeda taleefan ee cusub, laakiin ay soo baxday in taleefankii isla xilligaas ay soo saartay shirkadda Samsung ee ‘Note 9’ uu leeyahay farsamooyin iyo adeegyo aad u casri ah oo aan laga heli karin taleefannada cusub ee ay soo saartay Apple gaar ahaan iPhone Xs iyo iPhine XS Max.

Arrimaha sida gaarka ah ay macaamiisha shirkadda Apple ugu majeerteen taleefannada shirkadda Samsung waxaa ka mid ah dhinaca xawaaraha oo la sheegay in uu ku shaqaynayo ‘Processor’ noociisu yahay ‘Qualcomm 845’ oo xawaarihiisu uu gaadhayo 2.8 Gigahertz, halka uu xawaaraha taleefanka shirkadda Apple dhaafi waayey 2.39 Gigahertz. Farsamadan ayaa taleefannada shirkadda laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ee Samsung waxa ay u suurtagelinayaan in uu waqti aad u kooban oo xawaarihisu sarreeyo ku furo bogagga iyo barnaamijyada internet ka.

Arritna kale ee muhiimka ah ayaa ah in taleefanka shirkadda Samsung ee ‘NOTE 9’ uu leeyahay adeeg cusub oo lagu magacaabo ‘Beast’ kaas oo ka shaqaysiintiisu ay taleefanka u suurtagelinayso in uu dhowro tamarta baytariga oo uu waqtigiisa inta ugu badan ee suurtagal ah ka dhigo, marka internet kaga laga isticmaalayo.

‘Samsung NOTE 9’ waxa kale oo uu dheer yahay iPhone adeegga ah in wajahaadda hore ee shaashadda oo quful haddana la soo dhigo fiidyow shaqaynaya oo aanu quful ama xidhnaanta shaashaddu waxba yeelayn.

Adeegga ay dad badani u bogeen ee Samsung waa awoodda uu u leeyahay in hal mar laba sameecadood oo kuwa ana xadhiga lahayn ah lagu wada rakibi karo, tusaale ahaan marka aad doonayso hal cod oo ku jira in aad laba qof ku wada dhegeysataan, uma baahanaysaan in aad hal sameecad labadeeda dhegood qaybsataan.

Marka aad doonayso in aad farriin gaaban dirto waqti go’an, Samsung waxa uu kuu suurrtaglinayaa in aad farriinta qorto, kaddibna taariikh iyo saacad aad ku xidho, si marka la gaadho uu isagu si toos ah ugu diro farriintaas.

Samsung waxa uu leeyahay adeegga taabashada ee galoofyada (Gloves) loo bixiyey, kaas oo dareenka taabasho ee muraayadda aad kor ugu qaadaya, suurtagalna kaaga dhigaya in shaashadda marka aad gacanta ku dhoweyso adiga oo aan taaban ay shaqayso. Adeeggan taabashada fududaynaya ayaa ah mid ay Samsung dheer tahay Apple, waxa aanu ka mid yahay adeegyada ay macaamiishu aad u xiiseeyeen, gaar ahaan kuwa jecel in aanay shaashadda aad u taaban.

Maadaama oo maalintii oo dhan aynu taleefanka gacanta haysanno, mobile ka ‘NOTE 9’ waxa uu leeyahay adeeg fududaynaya isticmaalkiisa, tusaale ahaan waxa aad ku xidhaysaa farsamo ah in qufulka shaashadda ku xidhma uu iska furo waqtiyada qaar ama meelaha aad joogto qaarkood. Waxa aad bari kartaa in marka aad guriga joogto ay shaashaddu is furto, laakiin marka aad meelo aanad ku kalsoonayn ama suuqa joogto uu isagu is xidho. Waana adeeg kale oo dadka isticmaala iPhone ku ay la’aantiisa aad ugu dhaliileen shirkaddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here