Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Aqoonsiga USA Ee Somaliya?

0
421

 

ciroHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay aqoonsiga uu Maraykanku u fidiyay Somaliya oo dood ka dhex abuuray siyaasiyiinta Somaliland.

 

Md. Cirro, isagoo mawduucaas ka hadlaya wuxuu yidhi  “Eraybaan  jecalahay inaan ka idhaahdo ictiraafka uu Maraykanku siiyay Somaliya  intaan ka fahansanahay diblamaasiyada, wadamada dalka u yar iyo ka u weyn waxay leeyahiin wax la yidhaahdo madax banaani ama haybada dawladnimada, dal kastaa isagaa xor u ah cida uu ictiraafayo, markaas baqdinta badan ee laga muujiyay ictiraafka uu siiyay Maraykanku waxay ila tahay mid meesha taala maaha, Somaliya isaga oo ictiraafay Maraykanku ayuu Somalilandna ictiraafi karaa, Maraykanka ama dawlad  kale tay doontaba ha noqotee dal hebel maxaad u ictiraaftay cidi ma odhan karto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cirro yidhi “laakiin waxaynu xaq ugu leenahay Maraykanka inaynu ku nidhaahno anagana na ictiraaf, xukuumadeena ayaa laga rabaa, siyaasiyiinteen ayaa laga rabaa,axsaabteena ayaa laga rabaa, inaan Maraykan ku nidhaahno anaguna xaq ayaanu u leenahay inaad na ictiraafto.”