Waxaan Ka Cabanayaa Xafiiska Hygeine-ta Ee Dawladda Hoose

0
706

Aniga oo ah muwadinka magaciisu yahay Cumar Aw Axmed Maxamuud,ahna ganacsade bakhaar ku haysta suuqa huuse kuna dhaw D/hoose Hargeysa.

Waxaan ka cabanaya niman kasocda D/hoose gaar ahaan xafiiska hayjiinta oo leh waxaan baadhaynaa baco iyo alaabo dhacday,bakhaarkayga ayay soogaleen shalay 18/02/17 labo oo ah masuuliyiinta jooga xafiiska hayjiinta.

Labada nin waxa galeen gundhada bakhaarka ila khasnada waxay soo qaateen lacag kartoon kujirta ,markay kidinka lamarayaan ayaan lacagtii ku dhegay ,markasaay lacagti dhulka ku daadatay markasay yaaceen.

Markhaatay leeday inay dadku way arkayeen waxa igu dhacay ee bakhaarkayga ku dhacay.

Bakhaarkayga baco mayalaan ,alaabo dhacdayna mataalo,waxaan bixiyaa cashuuraha kala duwan,sida cashuurta liisanka ganacsiga,ta maaliyada,daily collection-ka wax nagu baaqda majiraan,iyana dhibaato ayay nagu hayaan.

Xafiiskan waxa nagaga yimaada niman lacag raadis ah oo shacabka suuqa ku ganacsada dhibaato wayn ku haya ,dawladana sawir xun ka bixinaaya,iskuna dhufanaya shacabka iyo xukuumada.

Waxaan leeyay cida kasaraysa xafiiskan dadkan nagu soo daayay wax ka qabta oo shaqo kale xafiiska inuu qabta intanu suuqa dab kakicin.