Badowgii Quwadda Adduunka Hoggaamiyey Xilligii Ugu Adkaa Kamaal A. Cali (Q:1aad) kamaal02@yahoo.com

0
911

Nikita Khrushchev oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee taariikhda dunida soo maray, 11 kii sano ee u dhexeeyey sannadihii 1953kii illaa 1964kii waxa uu ahaa Xoghayaha Koowaad ee Golaha saree e xisbiga hantiwdaagga ah ee Midowga Soofiyati, xilkaas oo ahaa ka ugu sarreeya dalka ama haddii si kale loo dhigo u dhigmayey hoggaamiyaha midowga Soofiyati. Lix sano oo ka horreysayna Nikita Khrushchev waxa uu ahaa guddoomiyaha golaha xukuumadda ee Midowga Soofiyati oo isna ahaa mansab u dhigmayey raysalwasaare.

Nikita Khrushchev oo dhashay sannadkii 1894kii, waxa uu Midowgii Soofiyati hoggaamiyey muddadii diblumaasiyaddu ugu xanakadda iyo xiisadda kululayd oo ah intii uu socday loollankii diblumaasiyadeed ee taariikhda kula baxay magaca ‘Dagaalkii Qaboobaa’. Waxa uu masuul iyo hormuud ka ahaa qorshihii dib-u-habaynta Midowga Soofiyati ee la magac baxday ‘DeStalinization’ oo ahaa qorshe siyaasadeed baaxad leh oo dhimashadii hoggaamiyihii muddada dheer ee Midowga Soofiyat Joseph Stalin 1953kii kadib, dalka laga bilaabay ujeedkeeduna ahaa in dib-u-eegis, lagu sameeyo siyaasaadihii, lana tirtiro xafiisyadii, taallooyinkii iyo dhammaan shuruucdii sababta u ahaa in Stalin helo awoodda xad dhaafka ahayd ee uu Midowga Soofiyati ku haystay 30 sano.

Sidoo kale Nikita Khrushchev waxa uu taageero ka geystay kor u kicii uu Midowga Soofiyati ka sameeyey dhinaca dayax-gacmeedka iyo hawada sare tegisteeda, isaga oo lagu ammaano in uu isbeddel togan meelo badan ka sameeyey, laakiin aakhirkii isagana sannadkii 1964kii ayaa ay saaxiibbadii xukunka ka leexiyeen.

Nikita Khrushchev ma’ uu ahayn aqoonyahay iyo ruux aragtiyaha cilmiga ah inta uu fahamsan yahay ku dheeraaday oo maktabadaha madaxda dunida lagu yaqaanno in ay marjac ka dhigtaan waqti ku qaata, laakiin haddana sumcad iyo magac waxa uu ku kasbaday in badan oo ka mid ah qorshayaashiisii siyaasiga ahaa iyo kartidii hoggaamineed ee uu bulshadiisa tusay, wax-qabadka waddaniyadeed ee dadkiisu weli ku xasuustana waxa aynu ka xusi karnaa, dhismihii jidka tareennada Korontada ku shaqeeya ee dhulka hoostiisa mara, Moscow Metro oo uu dhisay, iyo aragtidiisii loo bogay ee xilligii uu dagaalkii labaad ee dunidu socday uu soo rogay in dhammaan warshadaha Ruushka ee ku yaalla gobollada Galbeed ee dalka loo raro dhinaca Bari si looga hortago in ay burburiyaan ama boobaan ciidamadii Naasiga oo muddo yar kadib markii uu qorshahan hirgeliyey soo galay dhulkii uu warshadaha ka soo furfurtay, sidaasna ay ugu badbaadeen warshadihii. Sidoo kale waxa ay taariikhdku ku xasuusan tahay doorkii guusha keenay ee uu ka qaatay dagaalkii Stalingrad.

Waxa uu ahaa iska-hor-imaad socday shan bilood oo ku ekaa 1943kii, oo dagaalkii Labaad ee adduunka jiidda bari ku dhex maray Jarmalkii Naasiga ahaa iyo xulafadiisii oo dhan ah iyo Midowga Soofiyati, laguna dagaalameyey gacan ku haynta magaaladii Stalingrad oo hadda loo yaqaanno Volgograd oo ku taalla Koonfurta Raashiya, dhinaca xadka bari ee Yurub.

Dagaalka Stalingrad waxa uu ahaa Iska-hor-imaadka keli ahaa ee taariikhda inta la hayo ugu khasaaraha badan marka dagaal jiid keliya ka dhacay laga eego, khubarada milateriga qaar badan oo ka mid ahina waxa ay ku tilmaamaan Iska-horimaadkii istaraatijiyad ahaan ugu xeeladda badnaa ee dhaca intii uu dagaalka adduunku socday. Marka aynu soo koobnana dagaalkan oo hoggaamintiisa siyaasiga ah uu lahaa Nikita Khrushchev waxa uu ku calaamadsan yahay in uu ahaa dagaalkii beddelay guud ahaanba jihadii iyo Istaraatijiyaddii dagaal, sababayna in Jarmalku ka soo kaban waayo oo ciidamadiisii uu ka soo celiyo is-fidintii dhinaca bariga si uu u kabo jabka dagaalkan ka soo gaadhay.

Marka laga tago taariikhdaa siyaasiga ah ee Nikita Khrushchev oo aad u dheer balse aynu intaas ka xusayno, waxaa jira dhinac kale oo ay shakhsiyaddiisu xiise gaar ah u lahayd. Waa hab-dhaqankiisii caadiga ahaa, dabeecadihiisa iyo dhinaciisa bani’aadamnimo oo aynu odhan karno waa dhinaca qisaskiisu ugu xiiso badan yihiin, marka aynu eegno kaftankiisii, ilaaqdii iyo dheel-dheelkii uu caanka ku noqday, hadalladiisii xanafta lahaa ee uu dhayalka u odhan jiray laakiin dadka dhaawici jiray ama ka xanaajin jiray iyo faallooyinkiisii marar badan xitaa kuwa dhankiisa ahi ku dhibsan jireen. Hab-dhaqankaas oo marka la isku daro macnaha keliya ee uu bixinayaa uu yahay xaqiiqada ah in uu ahaa Beer-fale dantiisa raacda oo mar keliya uun duruufihii dowladda Shuuciga ah ee beeraleydu awoodda ku lahayd u saamaxeen in uu koro sallaanka hoggaamineed illaa uu gaadhay halka ugu sarraysa ee mid ka mid ah labadii dowladood ee xilligaas dunida oo dhan ugu awoodda badnaa.

Tallaabadaas dheer ee uu qaaday iyo mansabkaas dad badani aanay hawaysan karin ee uu sibiqda ku gaadhay sida in badna laga fisho madaxda dunia isaga kama ay reebin hab-dhaqankaas aynu soo xusnay, balse sidiisii badownimada abuurka ah ahayd ayaa uu isaga dhaqmi jiray; waxaana laga arki jiray, hadallo xanuun badan iyo ereyo diblumaasiyadda iyo mansabka uu joogo awgeed aflagaaddo ah oo uu si aan shiddo ku ahayn si isku mid ah ugu tuuro dowladihii iyo madaxdii Hantigoosadka ahaa ee ay sida adag isu hayeen nidaamka Shuuciga ah iyo xitaa saaxiibbadiisii garab taagnaa ee Shuuciga ahaa. Waa hadallo aad marar badan u qaadanayso in uu iska yidhi uun ruux jaajaale ah oo aan gar iyo ka daba tag midna ka baqayn, ama hadallada looga bartay xiddigaha maadayska iyo u majaajillaynta dadka u ban baxay.

La Soco….