Dawladda Somaliland Oo Beenisay In La Masaafurinayo Dadka ka Soo Jeeda Somaliya

0
473

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in la diiwaangelinayo dadka ka soo jeeda dalka Somaliya ee ku sugan Jamhuuriyadda Somalialnd.

1111111111111

Mr. Warancade oo u waramay weriye Axmed Siciid Cigeoo BBC Somali ka tirsan wuxuu sheegay in bil lagu diiwaangelinayo dadkaas, "Horta Somliya dee waanu kala go’nay laba dawladood oo saaxiib ah baanu noqonay, ninka Somaliya u dhashay waa in uu sharci ku joogo Somaliland, taas mooyaane dhibaato kale oo loo gaysanayaa majirto, toddoba cisho oo loo qabtayna ma jirto ee bil baa loo qabtay bishaa in ay isku diwaan galiyaan gobolkastana waxa aanu ka furnay xafiis diwaan-galiya waxaana la siinayaa sharci ay ku degganaadaan sida qofka Somalilanderka ahba uu u leeyahay sharci iyo dhalasho ayaa isaguna uu u yeelanayaa sharci uu ku joogo.” ayuu yidhi Wasiir Warancade,

Geesta kale, maamulka gobalka Sanaag ayaa beeniyay in Soomaali ka soo jeeda gobollada Soomaaliya oo deggan gobolka Sanaag lagu amray in ay kaga baxaan halkaasi muddo toddobaad ah.

Arrintani waxay ka dambeysay markii qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay sheegeen in dad reer Somaliya ay ka codsadeen madaxda Somaliland in aan laga saarin gobolka oo ay ka shaqeystaan.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa amar ku bixiyey shisheeyaha sharci darrada ku jooga uu ka baxo, laakiinse masuuliyiintu waxay sheegeen in dadkaas aanay Soomaalidu ku jirin.