Guddiga Wadada Cad Oo Qurbe-joogta Ka Guddoomay Lacag Boqol Kun Oo Dollar Ku Dhow

0
702

Picture1Hargeysa(Geeska)-Gudida wadada Cad ee isku xidha Hargeysa iyo Salaxley, ayaa qurbajoogta deegaankaas ka guddoomay qaadhaan ay wadadaas dhismaheeda u soo ururiyeen oo dhan 89,524 Dolar. (Sagaal iyo sideetan kun, shan boqol iyo afar iyo labaatan dollar).

Xaflad loo qabtay guddoomida jeegaga lacagtan lagu taageerayay wadada waxa ka soo qaybgalay gudida guud ee wadada Cad,Wasiiru dawlaha madaxtooyada,xubno ka mid ah ururada Gaaroodi iyo Gacan qabad,Cuqaal,Odayaal iyo marti sharaf kale.

Ugu horayntii waxa goobtaas ka hadlay Mustafe Jibriil Bootaan oo wareejinayay jeega qurbajoogta dalka Maraykanku ku deeqeen waxaana hadalo kooban oo uu halkaas ka yidhi ka mid ahaa“Waxa farxad ii ah aniga oo ku hadlaaya afka gudida wadada cad ee dalka Maraykanka inaan gudoonsiiyo gudida guud ee wadada Cad jeeg lacaga ah oo dhan 31,504 Doolar,waxaan kale oo leeyahay intii dadaal ku bixisay lacag ururintan iyo intii hawsheeda gashay Wadada Cadba Alle khayr haka siiyo.”

Sucaad Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah ururka Gaaroodi ee dalka Ingiriiska dhaqaale ay ka soo ururiyeen London iyaga iyo ururka Gacan-qabad,waxa ay dhamayd 50.604 Dollar, hadal kooban oo ay Sucaad halkaas ka tidhi waxa ka  mid ahaa “Alle ayaa mahad leh isaga oo inaga karsiiyay mashruucan khayarka badan,isaga oo inaga dhigay kuwo u adeega dantan guud.inyar hadaan ka hadlo hablaha ururka Gaaroodi Ingiriiska dadaalkoodu ma yara,waxaanay yihiin kuwo isku hawla mashruuc kasta oo khayar leh kuwo,maantana hawshii wadada cad oo ah marshuuc balaadhan ayay ka qaybqaateen,waxaanan rajaynaynaa in aynu ikhlaas ku wada galno camalkan khayriga ah.”

Sida oo kale Yacquub Xaaji Maxamed Faarax oo ku hadlaayay afka ururka Gacan-qabad ee lacagtan soo ururiyay waxa uu yidhi“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ka qaybgalo gudoonsiinta aanu gudoon siinayno anaga iyo ururka Gaaroodi jeeg lacagta gudida wadada cad,runtiina ururkan Gacanqabad ee aan wakiilka u ahay isaga oo sanad jiray waa dadaalkiisii ugu horeeyay, wayna jireen lacago hore oo uu ururku soo diray inkasta oo la qawaday,waxaanan filayaa inay tani dabooli doonto dhaliilahayagii hore.”

Guddoomiyaha wadada cad ee isku xidha Hargeysa iyo Ilaa Salaxley Cali Ibraahin Maxamed(Cali Sanyare), oo u mahadnaqaayay qurbajoogtan,ganacsade Cumar Caydiid iyo Xukuumadda waxa uu yidhi“Xafldani waa mid aanu ugu mahadnaqayno dadkii lacagta na soo gaadhsiiyay, oo waliba ah dadka qurba joogta ah,aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, lacagta wadarteedu waxa weeye 89,524 oo dolar,lacag yar maaha ee waa lacag aad iyo aad u waafi ah oo wax weyna ka tari doonta mashruuca wadada cad.waxaan idiin sheegayaa in aanay intaas uun ku joogayn in marlabaad iyo mar afraadba aanu filayno jaaliyadahan soo diray lacagtu in ay jeebka gacanta galiyaan oo intan in leeg iyo in ka badanba ay soo diraan.waxaan u mahadnaynaa reer London oo baryii hore fartu ku godnayad inay imika soo direen jeega ugu weyn oo ah 50,640 Dolar, waxaanan si gaar ah igu mahadnaqaynaa labadii urur ee dedaalka weyn sameeyay iskuna hawlay qaadhan ururinta ee hablaha  Gaaroodi iyo ururka Gacan-qabad,imikana calanka waxa wadata London,ha seexanina calanka yaan laydinka ridane, waxa mahad balaadhan leh jaaliyada Maraykan degan, waa dal weyn oo aanay dhib yarayn qaadhaan ururintiisu, waxa halkaas igu tagay gudida beesha ee guud iyo gudiyada mashruuca  Wadada Cad,waxaanay soo ururiyeen 31,504 Dollar,waxayna ku balan qaadeen in labadii biloodba ay 35 kun oo dollar wadada soo gaadhsiin doonaan.”

Ugu danbayntiina waxa uu Cali Sanyare hadalkiisa ku soo gunaanaday“Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa ganacsade Cumar Caydiid oo runtii hadaan qalabkaasi jirin tii hore durduro ayaynu ku dhamaynay afar bilood oo may suurto gasheen,Cumarna waxa uu ku balan qaaday qalab kale xukuumadduna waxay na siisay cashuur dhaaf,markaas aad iyo aad ayaanu Cumar ugu mahadnaqaynaa mar walba.xukuumadda guud ahaan waanu u mahadnaqaynaa gaar ahaana waxaanu u mahadnaqaynaa wasiirka madaxtooyada oo wadooyinkuna ay hoos tagaan, oo iyaduna wajigan labaad ku darsatay 5-km,kuna heshiinay inay xukuumadu wax kale ku darsan doonto wajigan iyo ka kaleba,markaas aad iyo aad ayaanu xukuumadda ugu mahadnaqaynaa.”

Wasiiru dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo kulankaas soo xidhay ayaa isaguna soo dhaweeyay qaadhaanada loogu deeqay jidkaas, waxaanu sheegay inay xukuumad mar walba diyaar u tahay inay jidkaas taageerto.

Ugu danbayntii halkan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa sida ay qurba joogtu lacagtan u kala bixisay.London $ 50,640,USA $ 31,504,Australia $ 3,140,Bristol $ 2,240,Sheffied $ 1000,Denmark $1000.