Odayga Magaalada Oog Oo Ku Eedeeyay Maamulka Magaaladaas Raashinkii Turkiga Oo La Lunsaday

7
515

Hargeysa(Geeska)-Haydhka magaalada Oog Cabdinaasir Cabdisalaan(Afrikaani),ayaa gudoomiyaha iyo maamulka magaaladaas ku eedeeyay inay iibsadeen gabi ahaanba raashinkii Oog loogu talo galay oo dalka Turkigu uu deeq u soo gaadhsiiyay dadka danyarta ah ee gobalada bariga Somaliland.

Waxa uu duqani sheegay in booliska Oog ay xaqiijiyeen in raashinkaas maamulku ay wada iibsadeen isla markaasna ay booliska u sheegeen inay shaqaaqadii lacag lagaga soo reebay ay ku bixiyeen. Waxaanu sidan u sheegay isaga oo u warmaaya wageyska Geeska Afrika waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Raashinkii caawimada uu Turkigu u baxiyay ee la keenay gobalka Saraar,caawimadaas oo ka koobanayd bariis iyo daqiiq magaaladan Oog waxa u soo qaaday qaybteedii gudoomiyaha,ku xigeenka iyo xoghayaha raashinkaas intay soo qaadeen ayay 11 casho bakhaar ku xaraysteen baryahii dhawayd ee shaqaaqadu dhacdayna intay soo saareen ayay suuqa ka iibiyeen oo bakhaarada u dhig dhigeen,waana la wada og yahay oo booliska ayaa xaqiijiyay,markii la waydiiyayna sababta ay u iibsadeen raashinka danyarta loogu talo galayna waxay sheegeen in shaqaaqadii lacag lagu soo reebay oo markaas lacagtiiay ku bixiyeen,waa niman sadex ah oo  waxii cashuur ah aan degmadan waxba ugu qaban hadana waa adigaa arkaaya danyarta waxoodii inay cunayaan.”

Comments are closed.