Badbasaabka Gobalka Sool Oo Ka Hadlay Qaraxyo Lascanod Lala Damacsanaa Oo Ay Fashiliyeen

0
681

nacas ahaaHargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha gobalka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), ayaa ka waramay laba goobood oo shalay walxaha-qarxa laga dhigay wadada ay  isticmaalaan masuuliyiinta dawalda iyo ciidamada magaalada Laasacaanood.

Gudoomiyahu waxa uu sheegay in ciidamadu ku guulaysteen inay subaxnimadiiba furaan mid kamid ah walxahaas-qarxa ee la dhigay wadada, halka kii kalana iyada oo ciidamadu  ku gudo  jireen furitaankiisa ay ku qarxiyeen kooxahii halkaas dhigay.

Gudoomiyaha gobalka Sool Maxamed Jeeniyare waxa uu xusay inay falkaas u qabteen tiro dad ah oo ku eedaysan, waxaanu qaraxyadan ku tilmaamay kuwo rabshado lagu abuuraayo si loo joojiyo maxkamadaynta dad ku eedaysnaa qaraxyo ka dhacay Laasacaanood oo imika la damacsanyahay in la dhagaysto maxkamadayntooda, waxaanu si cad u sheegay in aanay go’aankooda waxba ka badali karin qaraxaydan wadooyinka la dhigayaa.

Gudoomiyaha gobalka Sool Maxamed Jeeniyare oo qaraxyadaas ka hadlayaa waxa uu yidhi“ Magaalada ayaan hadda kaala dhex hadlayaa amaankeeduna waa uu fiican yahay, Saaka [shalay] subaxnimadii hore ayaa ay arkeen qaybaha kala duwan ee ciidamadu laba qarax oo la dhigay wadada aan isticmaalno ee magaalada Laasacaanod, mid kamid ah qarax-yadaas wadada la dhigay ciidamada ayaa ku guulaystay furitaankiisii, laakiin kii kale iyada oo ay ciidamadu si leeyahiin fura ayaa lagu qarxiyay, wax dhaawac ah oo wayna kama soo gaadhine xooga firidh ayaa soo gaadhay.”

Wuxuu intaas raaciyay guddoomiyuhu, “Qaraxyada noocan ahna waxa fuliya kooxaha aragaxisada ah ee Al-shabaab iyo kuwo kaleba, waxaanay uga jeedaan maadama oo dib loo furay xabsigii dhaxe ee Lasacaanood laguna soo celiyay maxaabiistii gobalka si loogu maxkamadeeyo ayay doonayaan inay ku carqaladeeyaan. Waxaan u sheegayaa kooxaha argagaxisada ah in aanay wax naxariis  iyo jixin jix ah nagaga helayn qaraxyadaas, ee aanu gacan bir ah ku qaban doono.”

Gudoomiyaha gobalka Sool Maxamed Jeeniyare oo aanu su’aalnay in ay jiraan cid loo qabtay dhigitaanka qaraxyadaas waxa uu yidhi “Haa waxa jira hawlgalo la sameeyay dad lagu soo qabqabtayna waa ay jiraan, baadhistooduna way socotaa, cid lagu helo iyo cid lagu waayaba, laakiin kooxahaasu wax jixin-jix ah nagagama helayaan .”