Wefti Ka Socda Shirkada Google Oo Booqasho Ku Tagay Jaamacada Admas, Tababarna Siin Doona Ardayda

0
635

ggoleHargeysa(Geeska)-Wefti sare oo ka socday shirkada caalamiga ah ee Google ayaa xalay booqasho ku tagay jaamacada Admas, ee magaalada Hargeisa. Ma’uuliyiin  iyo  khubaro ka socda  Company-ga caanka ah ee Google, ayaa xalay booqasho ku tagay jaamacada Admas, ee magaalada hargeisa iyaga oo ujeeda socdaal koodu  yahay sidii ay tababar ku saabsan diyaarinta Google Map, ugu Samayn lahaayeen ardayga dhigata kuliyada ICT-ga ee jaamacada Admas.

Khabiirada  ka socda shirkada Google, oo jaamacada Admas, booqasho ku yimid markii labaad mudo sanad gudeheed ah ayaa ardayda jaamacada gaar ahaan kuliyada ICT-ga u fidin doona tababar ku saabsan habka loo sameeyo Google Map, oo ah aqoon fududayn doonta sidii ardaydu u diyaarin lahayd Map-ka caasimada Hargeisa. Khariidada Google Map ee loo samayn doono Caasimada waxa ka dhex muuqan doona goobo ay ka mid yhiin wadooyinka, goobaha caanka, xaruumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah, hudheelada, goobaha taariikhiga ah, jaamacada iyo goobo kale oo tiro badan.

Guud ahaan  muuqaalka guud ee khariidada caasimada Hageisa ee laga daalacan karo Google Map-ka waxa loo diyaarin doonaa hab caalami ah oo la mid ah qaabka ay u diyaarsan yihiin magaalooyinka caalamku, iyada oo ay ka muuqan doonaan magacyada iyo astaamaha goobaha kor ku xusan iyo guud ahaan muuqaalka guud ee caasimada oo si fudud lagu baadhi karo marka la diyaariyo.  

khubarada shirkada Google, marka ay tabbarka siiyaan ardayda kuliyada ICT-ga ee jaamacdaa Admas, waxa ay diyaarin doonaan Google Map-ka Caasimada Hargeisa. Hawsha waxa qaban doonaan ardayda kuliyada ICT-ga, marka ay tababarka ka qaataan khubarada ka socota shirkada Google. waxa ay diyaarin doonaan adeeg aad u sahlaya sidii lagu baran lahaa muuqaalka guud ee caasimada iyada oo u samayn doona magac bixin ku munaasib ah.  Intii Weftigu ku sugnaa xaruunta jaamacada waxa ay ardayda jaamacada Admas, gaar ahaan kuwa dhigta kuliyada ICT-ga si wada jir ah usoo bandhigeen  habka loo diyaarin doono Google Map. Gebo gebadiina waxa ay mas’uuliyiinta iyo khubarada shirkada Google tilmaameen faa’iidada ku jirta diyaarinta barnaamijkan Google Map.