Qarax Xalay Ka Dhacay Xarunta Shirkada Dahab Shiil Ee Muqdisho

0
574

 

Picture3Muqdisho(Geeska)-Qarax ayaa xalay cawayskii ka dhacay barxadda hore ee xarunta guud ee shirkadda Dahab Shiil ee magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Xaruntan ayaa ku taala suuqa Bakaaraha.

Inkastoo aanu jirin war faahfaahsan oo xalay ka soo baxay qaraxaas, haddana wakaaladaha wararka sida Reuters ayaa baahiyay in laba ka mid ah ilaaladii xaruntaasi ku dhaawacmeen qaraxaas oo ay sheegeen in ahaa mid gacanta laga hagayay. Sarkaal Boolis ah oo magaciisa la yidhaahdo Nuur Xasan, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu qaraxu ahaa mid la dhigay banaanka shirkadda Dahab Shiil, islamarkaana gacanta laga hagayay, waxaanu intaas raaciyay inay baadhayaan qaraxaas iyo weliba qaabka uu u dhashay.

Warar kalena waxay sheegayaan in bambo gacmeed lagu tuuray xarunta shirkadda ee walaxda qaraxday aanay ahayn mid gacanta laga hagayay. Si kastaba ha ahaate, warku wuxuu xaqiijinayaa inaanu qaraxu wax khasaare ah u gaysan xarunta shirkadda, marka laga tago albaabo uu dhaawac soo gaadhay.