Muuse Biixi Oo Sheegay Inaanay Xisbiyada Mucaaradka Ku Heshiinin Dood Qaran

43
656

Picture5Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbul Xaakimka Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay nuxurka qodobbadii ay ku heshiiyeen laba xisbi Mucaarad, Khamistii toddobaadkii hore, waxaanu meesha ka saaray shirkii Doodda qaran, oo Hogaamiyayaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID sheegeen in qabashadiisa la isku afgartay.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay inay saddexda xisbi ku heshiiyeen saddex qodob oo uu ka madhan yahay qabashada doodda qaran, kaasi oo ahaa wixii keenay in saddexda xisbi qaran isku yimaadaan isla-markaana heshiis gaadhaan.

Guddoomiye Muuse, oo shalay saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka dhigay hadal Gar-yaqaanka guud ee Somaliland ku sheegay inaanu xukuumaddu ku matalin karin shirka Tallo-qaran ee uu shalay diiday.

Guddoomiyaha oo ugu horeyn faahfaahinaya qodobbadii ay axsaabta ku heshiiyeen ayaa yidhi “Dood qaran iyo shir qaran waa wixii khilaafku ka dhacay, dadkuna intayna nuxurka gaadhin ayay kalmadaha isku seegaan oo midba  dhan u cararaa, annagu imika waxaanu ku jirnaa shirkii saddexda xisbi qaran oo isku yimid oo qaladkaa iyo buuqaa ka dhacay labadaa xisbi ee shirbaa la qabanaya iyo dood qaranbaa la qabanayaa iyo cid xaq uma laha, saddexda xisbi waxay isugu yimaadeen inay arrinta si waaqiciya, nuxurka khilaafku muxuu yahay iyo maxaynu doonaynaa, markaa Magaca la isugu yimid ee shirkuna ku soconaa waa saddexda xisbi qaran oo ka wada tashanaya”

Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay “Qolooyinka is khilaafay ee doonaya inay rayigooda mideeyaan qolo waliba fikiradda ay wadato ayay doonaysaa inay ka kale ka dhaadhiciso, markii aanu doodnay waxaanu ku heshiinay oo aanu hadda heshiis ku nahay saddex qodob oo kaliya, saddexdaa qodob wixii ka baxsan qolada ku hadasha waa fikirkeeda” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Qodobka u horeeya ee aanu ku heshiinay waa inaynu wadahadallo, oo meel dhex inoo ah ha inoo qabato, wadahadalkii waanu ogollaanay, meesha dhexdhexaadka ah ee aanu ku heshiinayna waa Akadamiyadda.

Waxaanu is nidhi Maxaynu ka wada hadalnaa, qolo weliba qumanaheedii iyo siday ula muuqatay ayay soo dayday, annagu haddii aanu nahay xisbigii qaranka, waxaanu taagnayn, waajibaad ayaynu wada leenahay, hal waajibna xukuumadda ayaanu la wadaagnaa, wixii kale xukuumadda lama wadaagno”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay inay jiraan waajibaadyo ay wadaagaan xukuumadda iyo xisbiyada qaranku “Xisbiyada Mucaaradka iyo xisbul xaakimku waxay xukuumadda la wadaagaan wixii ku saabsan doorashooyinka, xisbiyada Mucaaradka ahina waxay xaq u leeyihiin inay helaan wakhtiga doorashada ay imanayso in loo sii diyaariyo saaxadii doorashada oo loo siman yahay, oo qalabkeedii iyo sharciyadeedii ay diyaar u yihiin, mudnaanta koowaad ee haddii aanu xisbiyada nahay aanu xooga saarayno arrintaas ayay ahayd, markaa waxaanu isla qaadanay inaanu guda gallo oo aanu ka doodno wax alaale iyo wixii ku saabsan doorashada oo mowduucyo badan ka soo baxayaan. Qodobka labaad ee aanu ku heshiinay (Inaanu ka wadahadallo xisbiyada) waa arrimaha dibadda, erayga  Ictiraaf raadinta ayaanu isticmaalay, maxaanu isaga u keenay, arrintan waxa wadaagay, markii la doonayey in Somaliland wadahadal lala furo, xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye waxay u soo bandhigeen xisbiyada, Madax-dhaqameedka iyo ururradii wakhtigaa jiray, waxa la lahaa waar wadahadalkaa (Soomaaliya) ma qaabillaa, haa-baa la yidhi, maadaama oo hawshaasi  u sinnayn, Soomaaliyana intii aynu la shirnay wixii talaabo ahi yar yahay, arrintaas sidaynu u sii xoojinaa weeye, maaha arrin kale”ayuu yidhi, waxaanu ku daray isaga oo deba socda hadal Guddoomiyaha UCID warbaahinta mariyey “Shalay (doraad) waan dhageystay Guddoomiyaha UCID, xisbiga UCID iyo siyaasaddooda arrimaha dibaddu iyaga ayay u gaar tahay, Faysal rayiga uu qabo waa kuwo ku kooban UCID, lama qabno, kamaanu wada tashan, islamaanaan soo gaadhin, haddana rayigooda waanu ku ixtiraamaynaa, annagu waxaanu qabnaa mid kaa ka duwan boqolkiiba boqol oo ka soo horjeeda, ta ugu horeysa, 22-kii sanadood sidii Burco loogu wada hadlay dib looma wada tashan ee markii u horeysay, ma qabno rayigaa oo waanu ka duwannahay, waxaanu qabnaa, 22-kaa (Sanadood) ilaa markii Burco (Lagu shiray) ilaa maanta la shirayey mar kasta oo ummadu qaadaysay talaabo, maxaa ka mid ah, wax alaale iyo wixii doorasho la qabtay waxay ahaayeen go’aamo qaran oo la qaatay, ansixintii dastuurku waxay ahayd talaabo qaran oo la qaatay, wax alaale iyo wixii dhibaato ina soo martay waxa lagu xaliyey wada tashi iyo talaabo qaran oo la qaaday, markaa annagu ma qabno inay maanta ugu horeyso talaabo qaran iyo wadatashi, waxaanu qabnaa in golayaasha qaran, xisbiyada qaran iyo xukuumaddan iyo kuwii horeba ay intaasiba qaranka soo dhisayeen oo ay wadatashanayeen oo ay wax iswaydiinayeen. Midna qabno in shaki la galiyo go’aamadii lagu qaatay Burco, ee lagu qaatay Borama, arrintiina ma ku noqonaa ma qabno annagu, walaacaa ay qabaana ma qabno annagu, lamana qabno shirka qaran ama dooda qaran, markaa taana waanu kaga duwanahay”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu fariin u diray xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan soo jeedinayaa inaan shirkani noqon mid barnaamijyada xisbiyada lagaga doodo ee aynu ka wadahadallo wax aynu ka heshiin karayno. Waxaan ku soo koobanayaa arragtida aynu ku heshiin karaynaa waxa weeyaan inay xisbiyadu barnaamijka ka saaraan doorashooyinka sida ay u qabanayaan”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in shirka ay wada yeelanayaan xisbiyada qaranku meesha lagaga saarayo khilaafkii ka dhashay qabashada talo-qaran “Shirkan waxa la rabaa in lagu saaro khilaafkii buuqa ahaa shirka qaran iyo dood qaran, midna meesha ma taalo, iyagana waanu ka heshiinay, annagu saddexdii xisbi qaran ayaanu nahay, annaga ayaa shirayna, go’aamo ayaanu soo saareynaa, go’aamada iyo tallo wada jirka ee ay gaadhaana waa inay Madaxwaynaha u gudbiyaan, hawl kale oo lagu buuqayaa ma jirto, sidaa waxaan u leeyahay xisbiyo ahan taa markaynu ka heshiino ayaynu meel kale u gudbi karnaa”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya hadal gar-yaqaanka guud ku sheegay inaan Kulmiye matalin karin xukuumadda talada haysa “Ninkaasi qodob sharci ayuu ka hadlay, qaar baanan garanayn halka ay ku yaalaan iyo meesha uu ka keenay, laakiin kuwa yidhi xisbul xaakimku ma  matali karo xukuumadda meel ay ku qoran yihiin arag, mana qabo, xukuumadda iyo xisbigu waa isku mid, arrintana talo ayaanu ka wada galnay, markaa sharcigaa uu sheegay gar-yaqaanka guud, annigu ma arag”

 

Comments are closed.