Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (4)

0
411

21 jir bishaaradii rasuulka rumeeyey

Maxamed Faatix oo 19 sano jir ku qabtay hoggaanka muslimiintu waxa uu 3 sano gudahood kula wareegay gacan ku haynta Istanbuul, taas oo ka dhigtay hoggaamiye ku sifoobey ereyadii uu Nebigu ku ammaanay hoggaamiyaha muslimiinta ee furta Qustantiin iyo ciidamada uu wato.

Waxa uu soo gabagabeeyey xukunkii Roomaaniyiinta Bariga ee soo jiray tan iyo dhalashadii Nebi Muxamed (SCW) horteed. Dawladdaas guunka ahayd oo cudud iyo xeelado dagaal oo casriya is bidaysay ayaa uu tusay Istaraatijiyad milateri oo ay u babac dhigi kari weyday.

Istaas kuma uu joojin fidintii dhulka ay khilaafada muslimiintu ka talinaysay; markii uu u gudbay qaaradda Yurub oo ah Istanbuul waxa uu sii waday halgankii furashada dhulalka cusub, gaar ahaan waxa uu indhihiisa ku jeediyey qaaradda Yurub oo markan uu joogay magaalada Istanbuul qaybteeda Yurub oo lagu tilmaamo afaafka bari ee qaaradda Yurub. Waxa uu si gaar ah xoogga u saaray in uu awooddii dawladda ku fidiyey dalalka Balkans ka (Balqaanka) loo yaqaanno. Meelaha uu qabsaday waxaa ka mid ahaa Seerbiya, Roomaaniya, Albaaniya iyo Bosnia Herzegovina. Laakiin dalalkani waa ay ka sokeeyeen halkii ay indhihiisu bidhaansanayeen oo ahayd in uu gacanta ku dhigo guud ahaan dhulka Talyaaniga oo ahaa Rooma ama fadhigii weynaa ee Roomaanka oo ahaa xoolka iyo saldhigga Kaatooligga, sida oo kalana ka mid ahayd dhulalka ay muslimiintu sugayeen in Qustantiin kaddib ay qabsan doonaan. Suldaan Maxamed Alfaatix waxa uu caasimaddii dawladdiisa ooh ore u ahayd Adranah u soo raray magaaladii Qustantiiniya ee sida aynu hore u soo xusnay uu u bixiyey magaalada Islaamka ‘Islaambuul’ Sidaas ayuu Suldaan Maxamed Faatix ku kasbatay sharafta ay raadiyeen hoggamiyeyaal muslimiin ah oo uu ka mid ahaa asxaabigii Mucaawiyo Bin Abi Sufyaan, oo ahayd la rumeeyo bishaaradii rasuulka.

Waxa uu ahaa qorshe labaad oo muujinaya himilo fogaanta hoggaamiyahan iyo sida uu u doonayey in uu mar labaad isagu rumeeyo bishaaro kale oo weyn. Ciidamo aad u tiro iyo tayo badan oo si weyn u qalabaysan ayaa uu ku dejiyey meel ku dhow magaalo xeebeedda Otranto oo ku taalla koonfurta dalka Talyaaniga. Magaaladan oo xilligii Roomaanka mar ahayd caasimaddooda iyo hoyga kaniisadda Roomaan Kaatoligga ayaa uu Suldaan Maxamed Al-Faatix ku guulaystay in uu ku soo daro dhulka dawladda Cusmaaniyiinta.

Ciidamada badda ee Cusmaaniyiinta oo uu hoggaaminayey taliyihii caanka ahaa ee Keedik Axmed Baasha ayaa go’doomin kaddib, 1480 kii Hijriyada waxa uu la wareegay magaaladan muhiimka ahayd ee Otranto. Waxa aanu qorshaha Maxamed Al-Faatix ahaa in ay u noqoto saldhigga uu kaga ruqaansan doono magaalada Rooma oo ku dhowaad 630 kiiloomitir jihada woqooyi kaga beegan. Laakiin ajasha ayaa Maxamed Al-Faatix ku simi weyday in uu ka dhabeeyo riyadaas qabsashada Talyaaniga intiisa hadhay oo ay Rooma ku jirtay, waxa aanu geeriyooday 9 bilood kaddib qasbashada Otranto, oo taariikhdu ku beegnayd 3-dii May1481 kii taariikhda dhalashadii Ciise kaddib.

Marka laga tago qiimaya ay la wareegista Istanbuul u lahayd muslimiinta oo ay ugu weyntahay sharafta ah in la rumeeyey bishaaradii Rasuulkii Alle ee Muxamed (SCW) waxa ay dhinaca kalana ahayd dhacdo istaraatijiyadeed aad u qiimo badan, waa marka koowaad ee waxa ay afka dhulka u dartay dawladdii tobannaanka qarni soo jirtay ee Bistantiiniyiiinta. Sida oo kalana waxa ay ruxday Roomaaniyiintii iyo guud ahaan Kaatoligga oo xilligaas ka hor ahaa quwadda adduunka. Waxaa intaas raaca in ay yeelatay saamayn siyaasadeed, dhaqaale iyo milateri iyo in ay sabab u noqotay in waa cusub u bilowday guud ahaan dhulka Yurub. Taarikhyahanno badan ayaa aaminsan in qabsashada Istanbuul ay soo afmeertay taariikhdii loo yaqaannay casriyadii dhexe, bilowna u noqotay casriyadii dambe.

Sababihii dhiirrigeliyey furashada Istanbuul

Marka laga tago in qabashada magaaladani ay ahayd bishaaro rasuul oo ay muslimiintu doonayeen in ay barakadeeda kasbadaan, iyo Cusmaaniyiinta oo muddo dheer ay u ahayd riyo hoggaamiyeyaal badan oo ka mid ahina ay isku dayeen in ay la wareegaan, waxaa jira xaqiiqooyin istaraatijiyadeed oo qasab ka dhigayey in ay dawladda Islaamku ka fikirto la wareegisteeda. Waxaa ka mid ahaa dano istaraatijiyadeed; Imbaraadooriyadda Bistantiiniya waxa ay ahady caqabadda ugu weyn ee uu Suldaan Maxamed Al-Faatix arkayey in ay hortaagantahay fulinta siyaasadihiisa is ballaadhinta iyo adkaynta dalwadnimada, waxaana hortaalay xaqiiqada ah in aanay sii wada noolaan karayn dawladda uu hoggaaminayo iyo Imbaraadooriyaddan oo haddii aanu isagu ka takhalusin ay hubaal tahay in ay iyadu ka takhalusi doonto. Bestantiin waxa ay ahayd caqabadda ugu weyn ee dawladda Islaamka ka hor taagnayd in ay caalami noqoto.

Magaalada Qustantiiniya oo ku sii jirta gacanta Bestantiiniyiintu waxa ay khatar ku ahayd isgaadhsiinta dawladda Cusmaaniyiinta, iyo hawlala rararka iyo guurguurka ciidamada dawladda ee isaga gudbayey deegaannada ay ka haysteen Qaaradda Aasiya iyo Qaaradda Yurub.

Suldaan Maxamed faatix waxaa saamayn ku yeeshay culimo ka mid ahaa macallimiintiisii carruurnimo oo marar badan isaga iyo guud ahaan ardayda laga filan karo in ay muslimiinta hoggaamiyeyaal u noqdaan ku beeri jiray dareenka ah in qabsashada Qustantiin ay tahay arrin diin ahaan muujinaysa darajada uu Alle agtiisa ka taagan yahay hoggaamiyaha ciidankaas hoggaaminaya.

Furashada Istanbuul ka hor

Suldaan Maxamed Faatix ka hor intii aanu weerarka ku qaadin Qustantiiniya waxa uu bilaabay xidhiidho diblumaasiyadeed oo uu axdiyo nabadeed kula galayo cadowyadii kale ee uu lahaa, isaga oo doonayey in uu u gacan baxo ka takhalusidda cadowga Bistantiiniyiinta oo uu u arkayey in ay yihiin kuwa ugu dhibta badan. Inkasta oo markii uu dagaalka Qustantiin bilaabay ay dawladahaas Yurub dhammaantood si toos ah ama dadban u buriyeen axdigii nabadeed ee ay la galeen, iyaga oo si toos ah ama sifo qarsoodi ah ciidamo xoojin ah ugu soo diray dawladda Bistantiiniyiinta ee uu Suldaan Maxamed ka labaad (Faatix) weeraray.

Intii uu Maxamed Alfaatix ku jiray u diyaargarowga weerarkan, waxa uu ururiyey ciidan lagu tilmaamo in uu ka mid ahaa ciidamadii ugu tirade badanaa waqtigaas. Waxa ay ahaayeen 50 kun illaa 80 kun oo askari, oo ay ku jiraan 5 kun illaa 10 kun oo ahaa ciidamada loo yaqaannay ‘Jenisheri’ oo ah magac ay dawladihii Cusmaaniyiintu ugu yeedhi jireen ciidamada kamaandoosta ah, ee inta badan sida gaarka ah u ilaaliya caasimadda Cusmaaniyiinta, iyo ilaalada hoggaamiyaha laftigiisa. Ciidamadani waxa ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey qaaradda Yurub ee nidaam casri ah oo mileteri u dhisan. Taariikhyahannada reer galbeedka ayaa iyaguna aaminsan in tirada ciidamada Cusmaaniyiintu ay ka badnayd inta ay iyagu xuseen, waxa aanay gaadhsiiyaan inta u dhexeysa 160 kun illaa 300 oo kun oo askari, kuwaas oo ay ku jireen ciidamo ka socday dalal Masiixig ah sida Seerbiya oo heshiis uu hoggaamiyihii lagu magacaabi jiray Greg Brankovic kula jiray Cusmaaniyiintu u soo diray, iyo askar Masiixiyiin ahaa oo ay dawladda cusmaaniyiintu ka keentay dawladihii Yurubta Bari ee ay haysatay.

Waxa uu Suldaan Maxamed diyaariyey ciidamo dhinaca garaacista ah oo adeegsanayey madaafiic ay ka mid yihiin kuwo u shaqaynaya sida madfaca Hoobiyaha oo aan markaas ka hor taariikhda la isticmaalin. Waxa kale oo ka mid ahaa madfac aad u weyn oo loo yaqaannay ‘Madfaca Suldaanka’ kaas oo uu sameeyey farsamo yaqaan u dhashay Hungary.

Waxa kale oo uu Suldaan Maxamed diyaariyey ciidamo badda ah oo watay doonyo lagu qiyaaso tiro taariikhyahannada qaar ay gaadhsiiyeen illaa 400 oo qaarkood yihiin doonyo waaweyn oo qaadkoodu aad u badan yahay.

Diyaar garowgaa tiro iyo tayo ka sokoow waxa kale oo uu Suldaan Maxamed aad u xoojiyey mooralka iyo xiisaya ay ciidamadiisu u qabaan dagaalka. Isaga oo mar kasta kula dardaarmayey in ay ka go’naato qabsashada Qustantiiniya si ay u kasbadaan ammaanta Nebi Muxamed (SCW) ku tilmaamay ciidamada qabsada Qustantiiniya iyo taliyahooda.

La soco…